Dhallinyarada
Khaladaadka dhallinyarada 30-jirrada ah. PHOTO: ET Bureau

In 30 sano la gaarto waxay dad badan u tahay guul wayn, balse waxaa jiro kuwa da’daas gaara iyagoo weli aan waxba qabsanin, waxayna ku noqotaa cabsi iyo argagax.

Waxaa jiro dhallin yaro walwalka uu u dheeryahay in wax ay ku hamminayeen ay gaari waayeen, bulshadana ay ku dhega hadleyso oo la weydiinayo wixii ay ku guuleysteen.

Dhaqaalaha, guurka, nolosha guud iyo waxbarashada, waa dhamaan arrimaha laga filayo dhallinyarada gaarta da’da 30 sano.

Haddii intaas ay dhici waayaan, khubarada waxay aaminsan yihiin in nusqaan ay ku jirto nolosha qofkaas. Waxaana jiro khaladaad soo dhacay oo aysan dareemsanayn.

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah qaladaadkaas ay dhallin badan sameeyeen ayna ku gaareen 30 sano.

  1. Waxay u maleeyaan in shaqo wanaagsan aysan haysanin. Taas weligeed ma dheceyso

Way dhici kartaa in aad aragto dad noloshooda wanaagsan tahay kuna qanacsan shaqada ay hayaan. Balse taas waxay ku kooban tahay filimaanta oo keli ah. Sida xaqiiqada ah waxaa jiro xaqiiqo iyo mala-awaal. Haddaba hakuu kala soocnaadaan.

Waxaa dhici karto in jiilashii inaga horreeyay ay xoogaa fahamsanaayeen arrintan iyo waddada loo maro. Balse ogow in markasta inta ugu badan dadka guuleysta in noloshooda dhabta ah ay billaabatay ka dib 30 ama 40 sano markii ay gaareen.

Haddaba, dadka qaar marka ay da’daas gaaraan, oo aysan weli wax ku filan haysanin, waxay la tahay in wax ka maqan yihiin ayna guul darreysteen. Arrintaas xaqiiqo ma ahan. Weli waxbaa kuu dhiman ee dib ah eegin. Horey u soco!

Inta badan dadka waxay ku jiraan barashada nolosha, wixii ka horreeya da’da 30-ka. Ka dib ayey billaabaan in ay khibraddooda u adeegsadaan hormarinta noloshooda.

Inta lagu jiro da’da 20-maadka, qof kasta wuxuu niyadda ku hayaa nolol – qaarkeed dhallanteed ah – sida qaabka nololeed ee aad jeceshahay, nooca shaqada, iyo ganacsiga aad hoggaamineyso.

Balse markaad 30 sano gaarto, dhammaan arrimahaas way is bedelayaan, waxaana imaanayo xaaladaha xaqiiqada ah – sababtoo ah waxaa kordhaya dareenka wanaagsan ee maskaxeed, wuxuuna qofka garanayaa waxa rasmiga ah ee anfacaya.

Haddaba, markaad 30 sano gaarto, oo aad dareemto in aad neceb tahay shaqada aad hayso, waxa ugu wanaagsan waa in aad isaga tagto, xitaa haddii mid kale aadan haynin – waddo kale oo wanaagsan ayuu Alle kuu furi doonaan InshaAllah.

Waxaad noqon doontaa qof faraxsan, guushana si degdeg ah oo fudud ayey kugu imaaneysaa.

  1. Dadka Iskaabule ku gaara da’da 30, waxay cudurdaar ka dhigtaan in dadkii wanaagsanaa ay reero leeyihiin

Waa arrin ay ka siman yihiin, ragga iyo dumarka gaaray 30 sano ee aan weli guursanin. Waxay badankooda aaminsan yihiin in aysan helin qofkii dhabta ahaa ee nolosha ay la wadaagi lahaayeen.

Qaarkoodna iyagoo ka baqaya in ay 30 sano ku gaaraan iskaabulenimo, ayey nolosha la wadaagaan qof ay suuragal tahay in aysan isu qalmin. Waxay ka baqayaan in keli ay ahaadaan.

Taasi ma noqon karto sabab macquul ah oo qofka ku qaadi karto arrintaas.

Balse sida dhabta ah, dadka badankooda waxay billaabaan in ay isku kalsoonaadaan oo ay is hormariyaan, marka ay gaaraan 30 sano. Haddii aad iskaabulenimo ku gaarto 30, micneheedu ma ahan in dhammaan dadkii fiicnaa lagaa hor qaatay.

Arrinta in la xasuusto mudan waa in dad wanaagsan iyo qof kuu qalma ay suuragal tahay in aad hesho markasta. Haddaba ha is dhihin ‘ma heleysid qof wanaagsan’.

Dunida waxaa ku nool balaayiin qof, markastana qof wanaagsan waad ka dhex heleysaa.

  1. Waxay aaminsan yihiin in wax cusub aysan billaabi Karin

Waa maskax-fikir aad u xun arrintaas, sababtoo ah qofka marka uu 30 sano gaaro, wuxuu ku xannibmaayaa helm eel oo keli ah, waxayna ka baqayaan meel cusub oo dhan.

Waxay arrinta noocaas ah dhaawac xun ku noqoneysaa noloshooda, waxayna garanayaan marka ay 40 dhaafaan in ay dhibaato ku sugan yihiin. Mararka qaar waxay is gartaan xilli aan xaaladda waxba laga qaban Karin.

Haddaba, shaqo ama waxkaleba ha ahaadaan, waa in aad markasta ku dhiiran karto in wax cusub aad bilowdo. Cabsida waxay qofka ka hor istaageysaa hormarka iyo guusha. 30 sano jir waa dhallinyaro, marka adiga ha is xayirin.

Xilli kasta oo noloshaada ka mid ah, waad bedeli kartaa qaabka noloshaada, shaqadaada ama xitaa xirfaddaada si aad u hesho guusha aad raadineyso – taasna waxay kuu hor seedeysaa farxad wayn.

Aragtidaada ka dhiibo