Beenta
Afarta midab iyo beenta lagu kala mcineeyay way kala xoog badan yihiin. - UNSPLASH

Dadka ugu badan marka ay been ka falcelinayaa waxay dhahaan ‘waa been cad’. Waxaa loola jeedaa in beenta ay tahay mid aan laga gaban.

Nooc kasta oo been ah waa halis mana fiicno – balse afar midab ayaa lagu saleeyaan beenta, sida lagu ogaaday cilmi-baaris cusub oo lagu sameeyay beenta iyo dadka sheega oo lagu daabacay Mail tribune.

Been kasta oo la siiyay midab waxay u leedahay micno – tusaale, been cad waa “mid aan dhibaato lahayn ama la iska arko in aysan run ahayn”, waxayna dadka qaar u sheegaan si ay uga fogaadaan in ay dhaawacaan dareenka qof kale.

1-      Been cowlan

Waxaa arrintan lagu sheegay cilmi-baaris cinwaan looga dhigay “Afarta midab ee beenta.”

Beenta cowlan waxaa la sheegaa marka qofka uu khalad sameeyay, doonayana in uu isbadbaadiyo.

Tusaale, qof gaariga xawaare ku wada, marka askarta ay qabtaan oo la weydiiyo sababta oo uu ku jawaabo “wax duulayay ayaa isha iga galay, ka dibna si lama filaan ah ayaan xawaaraha gaariga ugu daray”.

Taas waa been cowlan oo askeriga xitaa wuu og yahay in aysan run ahayn, wuuna kugu qoslaayaa.

2-      Been madow 

Beenta noocan ah waxaa loo arka midda ugu xun in ay tahay. Waxaa lagu qeexaa “been daneysi ah” iyo xumaynta qofka kale.

Qaamuuska cilmu-nafsiga wuxuu ku micneeyaa “been ula kac ah oo lagu qaldayo xaqiiqada si qof loo qiyaano.”

Ujeedadu waxay tahay in qofka beentaas sheegaya uu helo wax faa’iido u ah oo qofka kalena uusan dareemsanayn.

Waa been dhaawac xun u geysaneysa is aaminaadda labada qof – waa haddii la ogaado. Beenta noocan ah waa mid aad u soo badaneysa dhibaatana ku ah dunida.

3-      Been cas (guduudan)

Waxaa lagu qeexay beenta la sheego “xilliga qof la caynayo iyo aargoosiga”.

Waa been la sheego si qofka loo dhaawaco – waxaa laga sheegayaan arrin aan xaqiiqo ahayn oo ku saabsan nafta qofkaas.

Laakiin sida lagu ogaaday baaritaanka, waa beenta saameynta ugu xun ku yeelata qofka sheegay iyo qofka laga sheegayba.

Waxay dhaawacdaan kalsoonida labada qof iyo midda ay dadka kale ku qabeen qofka beenlowga ah. Waa dhibaato raagta.

4-      Been cad

Waxaa lagu qeexay been aan ula kac ahayn oo mararka qaar si isdifaac ah ku timaada.

Waxaa ka mid ah arrimo maalin kasta la is dhaho sida “waad qurux badan tahay manta” – “waad nuureysaa” – “qof faraxsan ayaad tahay manta”.

Waa arrimo la iska dhaho si qofka looga farxiyo – xitaa haddii ay kaaga muuqato qofka diif iyo dhibaato.

Ujeedada loo sheego waxaa ka mid ah in qofka laga marin habaabiyo arrin ama wax laga qarinayay oo uu arki rabay. Dadka badankooda way sheegaan beenta oo kale.

Haddaba waa in markasta la sheego runta, beenta yaraan ma lahan, ciyaarna ma gasho.

Nabiga SCW wuxuu sheegay in ‘beenta xaraam tahay xitaa haddii ay ciyaar tahay’. Haddaba beenta ha laga fogaado.

Aragtidaada ka dhiibo