Yaska iyo bahdilka waa dhibaato xun.
Yaska iyo bahdilka waa dhibaato xun. Credit: UNSPLASH

Dadka xasaasiyadda ka qaba hadallada ama kuwa xir-xiran ee aan hadalka badnayn, waxay ku dhacaan shirqool kasta oo loo dhigo.

Waxaa jiro dad aamusan, oo deggan, shucuur ahaanna iska yara kacsan, sidoo kalena aad “u jelicsan”. Dadkaas waxay bartilmaameed fudud u yihiin kuwa dadka yasa si ay iyaga isugu qaataan in ay awood leeyihiin.

Waa qasab in aad maqasho ereyo yas iyo liiditaan ah. Balse marka aad ogolaato in ereyadaas aad u qaadato dhab oo aad aaminto in aad liidato, waa marka dhibaatada ay ku soo gaareyso.

Taas in aad aqbasho waxay dhaawaceysaa kalsoonidaada. Haddaba waa in aad ka feejignaanto oo iska ilaaliso in hadallo aan qiimo lahayn lagugu khiyaano.

Haddii ay dhacdo in aad shirqoolkaas la kulanto oo ay dhibaato kuu geysato, haddaba arrimahan isticmaal si aad u soo celiso kalsoonidaada.

Xusuuso waxa dhabta ka ah ereyada yasidda ah ee lagugu dhahay

Marka uu qof ku yaso, waxay arrintaas muujineysaa dhaqanka rasmiga ah ee qofka kula hadlay, adiga ma ahan. Bahdilka iyo liididda qof kale ma ahan arrin wanaagsan – shaqo ama si kaleba.

Haddii qof uu jecel yahay in uu sidaa sameeyo oo uu ku farxayo, qofkaas dhibaato dhanka dabeecadda iyo maskaxda ayaa haysta – oo fahamka ayuu ka liitaa.

Qofka leh dabeecadahan, ereyada uu adeegsanayo waxay ka turjumayaan qofka dhabta ah ee uu yahay – adiga ma ahan. Weligaa ha dhageysanin dadka hadalka u adeegsada sida masuuliyad darrada ah ee doonaya in naftaada ay dhaawacaan.

Si kalsooni leh uga dhaqaaq adigoo aan la hadlin

Ha isku deyin in aad u jawaabto ama la muranto qof kasta oo ku yasa – si gaar ah marka aad xanaaqsan tahay. Si aayar ah oo kalsooni ay ku jirto uga dhaqaaq, adigoo an isku wareerinin hadalkooda.

Keliya is xusuusi in aad qiimo leedahay, kana sharaf badan tahay qofkaas.

Xanuunka iyo niyad jabka iska fogee

Ereyada yasidda ah waxay kuu geysanayaan dhaawac. Waxaad isku daydaan in aad u dhaqanto sida in aadan maqlinbba. Xanuun ayeysan qalbigaaga u geysanin.

Sidoo kale, ha ogolaanin in xanuunka aad niyadda ka dareemeyso uu si qarsoodi ah ugu gudbo qeybta hurudda ee maskaxdaada.

Isticmaal nuglaantaada

Haddii ereyada aad maqashay ay yihiin kuwo xanuun badan kugu reebay, waxaad kala sheekeysataa qof aad aaminsan tahay oo aad ku kalsoon tahay. Qof ku aaminaya oo aad ka heleyso talada iyo farxadda aad u baahan tahay.

Si dhab ah u muuji waxa aad dareentay marka lagugu dhahay hadallada yasidda ah. Nuglaantaas waxay fureysaa naftaada si ay u qaadato jaceylka iyo farxadda aad ku dawoowi lahayd.

Haddii aad dagaallameyso, si wanaagsan u dagaallan

Hadallada yaska ah waxay la dagaallamaan hannaanka xakameynta maskaxdaada. Yaan lagaa guuleysan haddaba. Marka aad si wanaagsan u fahanto ereyada lagugu dhahay, ka dib waxaad uga falcelin kartaa si deggan oo ka fiirsasho leh.

Micno ma lahan hadalka wuxuu ahaa, sida dhaawicidda caqligaaga iyo garashadaada, awooddaada, xirfaddaada iyo aqoontaada, da’daada, jinsiyaddaada iyo wixii la mid ah.

Iska ilaw hadallada bahdilka ah

Ereyada waa kuwo awood leh. Waxay kuu muujin karaa quruxda dunida ama foolxumada caalamka. Dadka aan qiimeynin waxa afkooda ka soo baxaya, waxay adeegsadaan hadallo masuuliyad darro ah. Ha ogolaanin in dadkaas ay xadaan farxaddaada.

Haddaba kaalmo waydiiso haddii aad u baahan tahay, si aad dareenkaaga u xakameyso. La dagaallan fikradaha ka guuxaya maskaxdaada, ka dibna iska ilawy wax kasta oo lagugu dhahay – Hadallada xun ee aad maqashay haku haysanin qalbiga.

Adiga kuma metelaan, mana ka turjumayaan waxa dhabta ah ee aad tahay. Markasta xusuusnow, ereyada yasitaanka ah waxay awood yeeshaan marka aad adiga dhageysato oo aad aqbasho.

Aragtidaada ka dhiibo