Ma tahay qof deggan?
Ma tahay qof deggan? Haddaba, guul wayn ayaa ku sugeysa!!! PHOTO: Unsplash

Dadka deggan way ka farxad badan yihiin kuwa iska caadiga ah ama buuqa badan

Maxay ka dhigan tahay in aad qof deggan tahay? Jawaabta yaysan la yaab kugu noqonin!

Si la mid ah dabeecado kale oo badan, qof kasta ayaa noqon kara mid deggan. Waxa keliye ee loo baahan yahay waa in qaab fikirkaaga aad bedesho.

Hoos ka akhriso dabeecadaha dadka deggan lagu garto.

  1. Waa dad mahadnaq garanaya

Qofka deggan, wuxuu ku farxaa wax kasta – waxyar ama wayn. Waxay jecel yihiin in dhanka wanaagsan ay wax ka eegaan. Qofkii wanaag u sameeyana way uga mahadceliyaan. Qofkii qalad ka galena kuma mashquulaan.

  1. Waa dad dhab ah

Qofka deggan waa mid daacad ah, waxkasta si asal ah oo dhab ah u eega. Ma lahan qorshe gaar ah oo u qarsoon, ama ujeeddo gaar ah. Waa dad lala joogi karo, lala shaqeysan karo ama lala noolaan karo, maadaama aysan ujeedooyiin guracan oo qarsoon aysan lahayn.

  1. Way naxariis badan yihiin

Qofka deggan waa mid naxariis badan. Dadka leh dabeecaddan waxay leeyihiin dhaqan ay dadka ku daryeelaan, ayna ku ilaaliyahaa danaha wanaagsan ee qof kasta.

  1. Way nicib yihiin dagaalka

Ma jeclo muran, khilaaf, xiriir dhib badan ama dagaal. Qof deggan oo muran iyo dagaal billaabaya in la arko lama arkayo – Wakhti iyo awood isagama bixiyaan.

  1. Waa dad aragti dheer leh

Qof deggan waa mid fikir wanaagsan leh oo horey u sii qorsheysta arrimihiisa. Sidoo kale, dadka si deggan ayey u dhageystaan, wayna ka fikiraan hadalka afkooda ka soo baxaya. Wixii niyaddooda ku soo dhaca, kama soo saaraan afkooda iyagoo aan eegin oo aan turxaan bixinin.

Arrimaha kale waxaa ka mid ah

  • Waa dad aan kibir-badneyn
  • Ma ahan dad alaabaaha iyo waxyaabaha yaryar ka walwala
  • Waxay jecel yihiin isu dheellitirnaan
  • Waa dad arrimaha fududeeya
  • Waa dad xasilloon
  • Waa dad maankooda joogo
  • Way garanayaan ujeedada ay u nool yihiin

Ugu dambeyn

Ma jiro wax ka adag in aad noqoto qof deggan xilliga oo bulshooyiinka ay dhibaato badan yihiin, nolosha adduunkana carqalad badan tahay. Waxaa aad u sii badanaya kuwa dhuuniga ah, maseyrka badan, jecel khilaafka iyo is qabqabsiga.

In aad noqoto qof deggan ma ahan arrin aad fududeysan karto, haddioi aad dooneyso in aad guul ka gaarto dunidan casriga ah ee dhibaatada badan.

Aragtidaada ka dhiibo