Kansarka beerka
Kansarka beerka iyo cuntooyiinka loo baahan yahay. UNSPLASH

Marka qof uu ku dhaco kansarka beerka, wuxuu u baahanayaa cuntooyiin isu dheellitiran oo u wanaagsan caafimaadka. Raashiinka caawiya caafimaadka guud ayaa lagu dhiiragelinayaa in ay cunaan.

Astaamaha Kansarka beerka waxaa ka mid ah in qofka uu waxba cuni waayo, lalabo, matag badan iyo shuban.

Haddaba, cuntooyiinka fudud ee saliidda badan leh ma sababi karaan kansarkan?

Dr Rajiv oo ku taqasusay xanuunada kansarka wuxuu sheegay in “cuntooyiinka fudud, sida jibsiga, baagarka, iyo wixii la mid ah, oo si joogto ah loo cuno ay sababi karaan cayil ayna dhibaateyn karaan shaqada keliyaha”.

Wuxuu tilmaamay in arrintaas ay keeni karto kansar ku dhaca keliyaha oo ka mid ah kuwa ugu halista badan.

Dhakhtar kale oo lagu magacaabo Dr Pramod, wuxuu sheegay in “cuntooyiinka fudud la ogaa in ay sababaan kansarka keliyaha, qaabab kala duwan.

“Cuntooyiinka fudud waa kuwa aan si wanaagsan loo karinin biyo fiicanna aan lagu karinin. Waxaa ka dhasho noocyo kiimiko ah oo sababa saameyn la mid ah carcinogen oo dfadka qaar ay ka qaadi karaan kansarka beerka”.

Cuntooyiinka ay ka fogaanayaan kuwa qaba kansarka beerka

Hadda ma jiro wax si rasmi ah loo soo jeediyay ama lagu caddeeyay qaab baaritaan ah, balse waxay dhaqaatiirta ku talinayaan in ay u fiicantahay qofka in uu ka fogaado:

  • Dufanka cufan ama halista ah, sida midka hilibka guduudan, caanaha aan la culin iyo macmacaanka ku jira.
  • Sokorta badan, sida cabitaannada, keegga (doolshaha) iyo nacnaca lagu daray sokorta badan.
  • Cusbada ku jirta cuntooyiinka gasacadeysan, hilibka warshadeysan iyo jibsiga.

Cuntooyiinka u wanaagsan kansarka beerka

Waa arrin wanaagsan in dadka qaba kansarkan ay cunaan raashiin isu dheellitiran o oleh FIBER badan oo beerka ka caawiya inuu shaqeeyo, sida ay dhaqaatiirta ku talinayaan.

Si aad u hesho caafimaad wanaagsan, waxaa lagugula talinayaan in aad cunto:

  • Miraha iyo qudaarta, sida tufaaxa iyo caleenta cagaaran
  • Masagada, qamadiga, bariiska aan caddaanka ahayn, boorashka iyo wixii la mid ah
  • Meelaha laga helo nafaqada caafimaadka leh sida kalluunka iyo digirta…
  • Waxyaabaha uu ku yaryahay dufanka, sida caanaha la soo culay, garoorta ama burcadka
  • Looska iyo miraha la midka ah

Aragtidaada ka dhiibo