xanta shaqada
Dhibaatada ama faa'iidad xanta. IMAGE: Unsplash

Xanta goobta shaqada waa mid ceeb iyo weji-gabax ah. Balse, cilmi-baaris ayaa muujineyso in ay jiraan waxyaabo laga faa’ido in xan ama sheeko gaaban oo qofka aan dhaawaceynin lagu yeesha goobta shaqada.

Waxaa jiro arrimo badan oo inta shaqada lagu mashquulsan yahay ku dhaafi kara. Waxaa ka mid noqon kara dadka iyo sheekadooda oo suuragal ay tahay in aad u xiisto.

Si gaar ah, xanta aan dhibaatada lahayn ama aan qofka dhaawaceynin qalbi ahaan – waa midda ay dad badan u xiisaan. Weliba xilligan koroona fayraska uu sababay xxayiraadaha.

Qaar ka mid ah hadallada xanta waa kuwo aad u xun oo masuuliyad darro iyo xirfad xumo ku noqoneysa qofkii sameeya. Balse baarayaasha waxay sheegayaan in ay jirto xan caadi ah oo lagu madadaashan karo.

Xanta qaarkeed waxaa laga helaa xog muhiim ah iyo macluumaad la xiriira goobta shaqada:

Xamashada waa aalab cajiib ah

“Waxay ila tahay in sida guud, xanta ay tahay wax fiican”, ayey tiri Elena Martinescu, oo ka mid ah baarayaasha, kana socotay Jaamacadda Vrije Universitetit Amsterdam, taas oo si aan caadi ahayn u baartay Cilmu-nafsiga ka dambeeya xanta.

“Sida uu qabo fikirka hormarka, bini-aadamka waxay xanta u sameeyaan si ay u helaan koox wada-shaqeyn leh.” Ayey sheegtay.

Xanta aan dhibaatada lahayn, waxaa laga bartaa qofka kula shaqeyn karo, midka aad isfahmeysaan iyo qofka aad u baahan tahay in aad ka fogaato, balse waa in ay noqoto arrin xoojineysa wada shaqeynta shaqaalaha.

“Waa arrin muhiim ah in aad fahamto qofka aad aamini karto, balse waa in aad ka feejignaato in xanta aysan saameynin wada shaqeynta kaala dhexeyso kuwa aadan isku kooxda ahayn”.

Matthew Feinberg, oo culuumta Maareynta ka dhiga Jaamacadda Toronto, oo sidoo kale wax ka barta Xanta, wuxuu sheegay in ay jiraan noocyo kala duwan oo xan ah.

“Marka wax la xamanayo waa uun ‘iska hadal bilaasha ah’ – tusaale, ka hadalka qof lebiskiisa – markaas ma jirto ujeeddo wanaagsan, waana khalad taas, waa dhaawacid iyo dhibaateyn.” Ayuu yiri.

Cilmi-baaris la sameeyay sannadkii 2019-kii, waxaa lagu ogaaday in inta badan wada-dheekeysiyada – illaa kala bar ka mid ah – in aysan wax xun ama wanaagsan ahayn, balse wax iska dabiici ah yihiin. Waxaa natiijadaas lagu ogaaday baaritaan laga qeybgeliyay illaa 500 oo qof.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in inta badan dadka ay maalintii xan sameeyaan illaa 52-daqiiqo, celcelis ahaan – balse xogta xanta ayaa kala duwan, oo mid xun iyo mid iska caadi ah ka kooban.

Ma dabeecadda ayay bedeshaa xanta?

Xanta ma ahan xog-raadin, balse waxay noqon kartaa arrin muujineysa qofka wax xamanaya dabeecadda uu leeyahay.

Sidoo kale, qofka la xamanayo marka uu ogaado ka dib, way isbedeli kartaa dabeecadaha qofkaas, iyo xitaa dadka wax xamanaya.

Cilmi-baaris ay 2014-kii sameeyeen Martinescu iyo asxaabteeda, waxay ka qeybgalayaasha weydiiyeen in ay buuxiyaan warqado ay su’aalo ku qornaayeen oo la xiriiray dhacdooyiin ay maqleen ama kuwo ay u joogeen oo ah xanta xun iyo midda caadiga ah.

Waxay cilmi-baarayaasha ogaadeen in qofka dhageysta xanta ay ka dhigto mid iskala wayn midka la xamanayo, waxayna taas kordhisaa kibirka, sidoo kale waxay qofkaas xanta ka dhigeysaa mid dhibbane u noqda in dib laga xanto.

Sidoo kale, qofka dhageysanaya xanta waxay u tahay fursadda hagaajinta nafta iyo nolosha, si aan loo xamanin.

Sidaa darteed, waxay barayaasha ku soo afjareen in xanta ay bedeleyso dabeecadda dadka, si gaar ah, qofka dhageysta meel qof kale lagu xamanayo.

Aragtidaada ka dhiibo