Maalinta ciidda
Sida loo maamuuso maalinta ciidda. PHOTO: Unsplash

Dad badan waxay la tahay in ciidda la iska dabaaldego, sannadkiiba laba goor. Aroortii toos, qubeyso, duceyso, soo tuko labada rakacadood, quraaco, ka dibna asxaabta iyo dad kala kale soo salaam.

Balse waxaa fiican in aad sameyso arrimo intaa ka badan – sida hadiyado la isa siiyo, carruurta oo dalxiis loo kexeeyo, iyo in carruurta la baro in ay isku salaamaan Ciid Mubaarak.

Halkan ka akhriso talooyiin muhiim ah oo aad uga farxin karto qoyskaaga iyo naftaada:

  1. Hadda sii qorsheyso

Hadda ka sii fikir in guriga aad ku casuumto qaraabada, iyo in aad galabkii carruurta u kexeyso dalxiis gaaban. Waxaa kale oo aad qorsheysan kartaa in maqaayad aad aadaan oo wax ka soo wada cuntaan.

Sidoo kale, sii diyaarso macmacaankii la cuni lahaa. Arrinta ugu muhiimsan waa in qoyska iyo hooyooyiinka aan shaqo badan la gelinin, oo aysan seegin farxadda ciidda.

Xaqiiji in qof kasta uusan maalintaa shaqo qabanin, farxaddana si wanaagsan uga qeybgalo.

  1. Guriga nadiifi, kuna qurxi waxyaabo kala duwan

Qof kasta haka qeybgalo. Guriga ka dhig meel dhalaalaysa oo aad loo qurxiyay. Derbiyada, sariiraha, fadhiga, dhammaan maryo qurux badan oo cadcad ku xir.

Sidoo kale, warqado qurux badan oo ay ku qoran tahay Ciid Mubaarak, ku dheji derbiyada guriga. Carruurta ka qeybgeli howshaas si ay ula qabsadaan.

Ka dib, quraan iyo ducooyiinka ciidda ka shid guriga.

  1. Hadda sii kari, ama diyaari, cuntooyiin gaar ah

Cuntooyiin gaar ah oo macaan iyo carafba leh sii diyaari, gaar ahaan in qoyska ay cunaan subixii, ka hor salaadda, iyo kuwa la siiyo martida idiin soo salaameysa. Waa in ay noqdaan cuntooyiin ka duwan kuwa sida maalinlaha loo cuno ee iska caadiga ah.

  1. Diyaari hadiyado ay qoyska is dhaafsadaan

Qof kastoo qoyska ka mid ah, waa in uu helo hadiyad lagu qoray magacyadooda. Sidoo kale, in ay iyaga dhexdooda isu soo iibiyaan hadiyado wanaagsan. Carruurta yaryarna waa in hadiyo loo keenaa. Waxaa aad u fiican in kuwa caqliga leh, iyaga ay isu soo iibiyaan hadiyado. In loo kexeeyo suuqa oo canug kasta uu midka kale u iibiyo hadiyad.

  1. Xiro dhar cusub

Si gaar ah, carruurta ma dareemayaan farxadda ciidda, haddii aysan xiranin dhar cusub. Haddaba dhaqaale ku bixi in aad carruurta ka farxiso, oo naftaadana ka farxiso. Waxa ugu wanaagsan waa in qof kasta uu soo xirto dharkiisa ugu wanaagsan ee nadiifka ah.

  1. Goobta salaadda ciidda, ka raadi dad keligood ah, casuumaadna u fidi

Goobaha lagu tukado ciidda, waxaa jiro dad keligood ah oo aan haysanin meel ay aadaan oo farxadda la wadaagaan, haddaba casuumaad u fidi dadkaas – sida in aad gurigaaga geyso, ama maqaayad geyso oo wax ay la cunaan dad badan oo faraxsan. Laabta geli, kuna salaam, salaamta Islaamka, una ducee.

  1. Maqaayad Muslimiin ay leeyihiin gee qoyska oo wax ka soo cuna

Qoyskana waad ka farxineysaa, ganacsiga Muslimiinta waad caawineysaa. Marka waa laba faa’iido. Haddaba xilli ka mid ah maalinta booqda hal maqaayad oo wax ka soo cuna, haba yaraatee.

  1. Qoyska u kexee bannaanka magaalada

Waxaa wanaagsan in waddo aan gawaari badan lahayn lagu kexeeyo gaariga oo dalxiis gaaban loo aado. Gaar ahaan wadooyiin kugu cusub oo aydaan horey u marin. Waxay taa yeelaneysaa xusuus weligeed taagnaata.

  1. Booqo qof guri la’aan ah oo miskiin ah – cunto iyo lacag u gee

Waxaa wanaagsan in la is caawiyo. Haddaba raadi qof guri la’aan ah oo aan waxba haysanin. Ka farxi – lacag iyo cunto karsan sii. Hadduu carruur leeyahayna kaba sii wanaagsan oo waad la soo cunteyn kartaa, si ay u dareemaan farxadda. Dadka gaajeysan oo laga farxiyo, waa arrin aakhiro iyo adduunba u wanaagsan.

  1. Deriskaaga la wadaag farxadda ciidda

Cuntooyiin fudud iyo macmacaan la wadaag deriskaaga. Dadka qaarna waxay is dhaafsadaan warqaddo duco iyo farxadda ciidda ku qoran. Adigana waad sameyn kartaa.

  1. Booqo qaraabada iyo saaxiibbada

Waxaad booqataa dadka qaraabada ah ama saaxiibbada aydaan muddo is arkin. Ma jirto waqti ka wanaagsan maalinta ciidda oo la is xiriiriyo. Waana qaab wanaagsan oo aad dadka kale ugu muujin karto in aad sharfeyso.

Aragtidaada ka dhiibo