Hoggaamiyaha wanaagsan
Maskaxda laga doonayo hoggaamiyaha. PHOTO: lollydaskal

Qofka marka uu xil sare qabto, waxaa muhiim ah in uu fahmo waxa ugu way nee doorka shaqadaas ay tahay. Dadka qaar waxay u haystaan in madaxda loo adeego balse sidaa way ka duwan tahay arrinta.

Shaqaale laguuma ahan balse adigaa shaqaale u ah iyaga. Xaqiiqdii haddii iyaga aysan ahayn adiga shaqo ma haysan lahayn. Aragtidaas waxay ahayn mid dhowaan si wayn u soo xoogeysatay, waana arrin xaqiiqo ah.

Hoggaaminta adeeganimada ah waxaa xuddun u ah aaminsanaanta ah in diiradda la saaro koboca iyo caafimaadka shaqaalaha. Arrintaas waxay faa’iido u tahay shirkadda ama meesha aad madaxda ka tahay iyo wanaagga shaqada.

Shaqaalaha faraxsan wax badan ayey soo saaraan, waa kuwo dhiiran oo shaqo wanaagsan kana fikiraya hormarka – Dhammaan waa arrimaha keena hormarka mustaqbalka sii socda.

Haddaba, maxay yihiin arrimaha qaar ee hoggaaminta adeegaha ah?

  • Hoggaamiyeyaasha dadkooda u adeega waxay sida caadiga ah diiradda saaraan dadka oo dhan caafimaadkooda iyo hormarkooda.
  • Hoggaamiyaha dadkiisa u adeega wuxuu rabitaankiisa ka hormariyaa baahida dadka kale.
  • Hoggaamiyeyaasha dadkooda u adeega iskama dhigaan kuwa wax kasta garanayaan; waxayna ku tiirsan yihiin kooxdooda la shaqeysa oo talo iyo tusaaleba ka qaataan, waxayna ka faa’ideystaan khibraddooda.
  • Hoggaamiyaha dadka u adeega wuxuu shaqaaleysiistaa dad caqli badan, wanaagsan oo iyagana ka duwan.
  • Hoggaamiyeyaasha dadka u adeega waxay garanayaan in bini-aadamnimada ay ka horreyso shaqada. Sababtoo ah dad la’aan shaqo lama qaban karo.

Haddaba side ku noqon kartaa hoggaamiye astaamahaas leh. Hoos waxaa ku qoran qodobbo ee heerkaas ku gaari karto:

Noqo qof si wanaagsan dadka u dhageysta 

Hoggaamiyaha wanaagsan marka hore wuu dhageystaa ka dib ayuu jawaabaa. Xeeladdan waxay faa’iido badan tahay marka lagu jiro shirarka maskax-tuujinta ah ee fikradaha lagy raadinayo.

Taa waxay kaa caawineysaa in aad dadka dhageysato marka hore, waa ka hor inta aadan fikirkaaga sheegin. Waxaadna awood u yeelaneysaa in aad ku saleyso wixii aad ka maqashay .

Hoggaamiye ahaan, dadka waxaad ka heleysaa fikrado aad u wanaagsan, balse marka aad adiga isku koobto go’aannada iyo fikradaha, waxaa dhici karta in arrimo hormar keeni lahaa aad lumiso.

Su’aasha ugu wanaagsan ee qofka hoggaamiyaha ah uu waydiiyo waa “maxay tahay soo jeedintaada?” Gaar ahaan marka laga hadlayo xallinta khilaaf ama u fikiridda qaab istiraatiijiyadeed.

Tababare noqo; ha noqonin maamule 

Hoggaamiyaha dadkiisa u adeego ma ahan maamule iyo wax la mid ah. Dadka uma sheego waxa ay sameynayaan. Balse wuu tababaraa. Wuu awood-siiyaa.

Halkii uu talo siin lahaa, wuxuu la wadaagaa khibrad shaqsiyadeed (guul ama guul-daro). Hoggaamiyaha wanaagsan waa dhexdhexaad iyo cadaalad, wuxuuna kuu sheegayaa wixii uu sameyn lahaa haddii booskaaga uu joogi lahaa.

Tababaraha wuxuu ku tusayaa meesha aad ka liidato ee aad u baahantahay in aad iska xoojiso, halkii uu kaaga sheekeyn lahaa guushaada oo keli ah. Ugu dambeyn waxaa gaareysaa in meesha nugul aad iska adkeyso.

Arrintaas waxay faa’iido u noqoneysaa shirkadda iyo ganacsiga iyo xitaa dal – haddii dadka loo kordhiyo xirfadahooda guud iyo aqoontooda shaqada, iyadoo la tababarayo.

Waydiiso talo-celin la xiriira khaladkaaga iyo wanaaggaaga

Marka shirkaddaada ama xaruntaada ay sii kobceyso, ayna kuu dejisan yihiin arrimo la doonayo in la qabto, waxaad lumineysaa in adiga shaqsiyan aad is hormariso.

Heerkasta oo aad gaarto waa in aadan illaawin hormarkaaga shaqsiyadeed. Maadaada adiga aad warcelin iyo talo-celin u sameyso asxaabtaada, adigana markaaga waad u baahan tahay in laguu sheego khaladkaaga ama wanaaggaaga.

Waxaad u baahan tahay in aad ogaato meelaha aad daciifka ka tahay, waxyaabaha aad u baahan tahay in aad iska saxdo iyo xitaa wixii aqoon ah ee aad u baadan tahay in aad yeelato.

Dadka u noqo tusaale wanaagsan 

Waa arrin ku xiran qaabka noloshaada, hadalkaaga, dhaqankaaga iyo sida aad shaqada u qabaneyso iyo arrimo kale oo badan.

Haddii xafiiska aad ka maqan tahay ama aad joogtaba – ama aad joogto goob shir uu ka socdo ama meel casho lagugu sameeyay – sida aad u dhaqmeyso waa arrin muhiim ah.

Sida aad go’aanka u gaareyso ma tahay arrin loo dhan yahay? Ma tahay qof naxariis badan oo aragti-dheer mise waxaa tahay qof madax-adag, xakameyn badan oo maro-ku-dheg ah?

Hoggaamiye ahaan, tallaabo kasta oo aad qaado waxaa loola soconayaa si dhow. Waxay muujineysaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha aad dooneyso in dadka kale ay yeeshaan xilliga dhibaatada iyo qalalaasaha.

Haddaba, hoggaamintaada ha noqoto mid naxariis, degganaan iyo mahadcelin ah. Danaha guud ka hadal ka hor inta aadan diiradda saarin midda shaqsiyadeed.

Haddii si joogto ah aad diiradda u saarto “anaga” halkii aad ka hadli lahayd “aniga”, waxaay shirkaddaada u soo jiideysaa guul iyo hormarinta nolosha wanaagsan ee dhammaan shaqaalaha.

Aragtidaada ka dhiibo