Faa'iidada soorta
Faa'iidada soorta.

Inta badan guryaha qaaradda Afrika waa laga cunaa soorta – in kastoo dalkasta u garanayo magic u gaar ah. Soorta waxaa laga sameeyaa galleey la shiiday oo budo laga dhigay. Waxaana inta badan la cunaa xilliga qadada.

Reerka wixii la macaan bay ku cunaan – sida maraq, caano, ama cagaar iyo khudaar kale.

Soorta waxay sida guud muhiim u tahay soosaarka dalagga beeraha in gudaha dalka laga cuno. Galleeyda oo laga sameeyo waxay leedahay faa’idooyiin badan oo caafimaad.

Faa’iidada caafimaadka soorta:

  • Waxay leedahay maadada Karbohaydarayt a caafimaad ah:

Galleyda waxaa ku badan karbohayrayt. Dad badanna waxay u cunaan sidii ay awood uga heli lahaayeen oo caajiska uga bixi lahaa.

Maadaama ay tahay cunto culus, awoodda jirka waxay u kordhineysaa si aayar ah – oo xididada dhiigga u dhex qaadeysaa. Haddii aad cunto, waxaad dareemeysaa awood, maalinta oo dhan.

Sidoo kale cuntooyiinka galleeyda ka sameysan waxaa ka buuxo macdan iyo fitamiinno. Mishaarida laga sameeyo galleeyda waxay u wanaagsan tahay carruurta, Caanahana way u bedeli kartaa.

  • Waxaa ka buuxo maadada IRON.

Cuntada Galleeyda laga kariyay waxaa ka buuxo fitamiinka IRON, Gaar ahaan marka ay weli tahay sidii dabiiciga ahayd ee looga soo qaaday beeraha.

Waxay nafaqo iyo faa’idooyiin kale u leedahay jirka.

  • Waa meesha laga helo saliidda-Galleeyda oo ah mid sunta iyo wasakhda ka saarta jirka

Saliidda ku jirta galleeyda waa dabiici ah oo faa’idooyiin badan u leh jirka. Waxay wasakhda ka saartaa jirka, waana mid la jaanqaadeysa heerkasta oo cimilada ay tahay. Mana lahan dufanka lagu xanuunsado.

  • Laguma cayilo, waxayna kordhisaa rabitaanka qofka ee cuntada (APPETIZING)

Burka laga sameeyo galleeyda waa mid nafaqo badan oo laga karsado rooti iyo cuntooyiin kale. Waxaa loo adeegsadaa in caloosha lagu kala furto oo qofka gaajo ay qabato, mana ahan cunto lagu caliyo.

Galleeyda waxay nadiifisaa caloosha, waxaana jiro meelo looga adeegsado dawo ahaan, marka qofka ay caloosha fadhiisato ama uu wax cuni waayo.

  • Waxay ka hortagtaa calool fadhiisadka (in saxarada ay qofka ku dhegto)

Cuntooyiinka kalleyda ka sameysan si fudud ayaa loo cuni karaa, calooshana ku sii maraan, waxayna jilciyaan caloosha oo si caadi ah u soconeysa. Sidoo kale, qeybaha nafaqada ah waxay jirka u galaan si fudud.

  • Waxay yareyneysaa calool-hurka

Galleeyda waxay caloosha ka saareysaa cuntooyiinka aan wanaagsanayn ee sababa in caloosha ay hurto qofka, waxayna fududeyneysaa in raashiinka ay si fudud u sii maraan caloosha iyo xiidmaha.

Galleeyda waa cunto leh fitamiinno kala duwan, nafaqo iyo fibre.

Aragtidaada ka dhiibo