Ragga iyo dumarka
UNSPLASH

Xiriirka jacaylka waa inuu noqdo mid labada dhinacba daacad ka yiiiin, calafkana si wadajir ah loo raadinayo.

Laakiin ragga qaar, arrinta oo dhan waxay ka tahay ciyaar iyo khiyaano uu ku waxyeelleynayo gabadha uu haasaawaha la wadaago.

Haddaba sideed ku garan kartaa ninka kula wada xiriirka been abuurka ah ee maskaxdaadana ku ciyaaraya?

Halkan ka aqriso sagaal astaamood oo uu leeyahay ninkaas.

1- Jacayl aan xasiloonayn

Mar wuxuu kuu muujiyaa jacayl xad dhaaf ah oo kusoo jiita marna waxba kama dareemeysid.

Dabeecaddan waxaa leh ninka uusan xiriirka daacad ka ahayn.

Maalmaha qaar wuxuu kusoo wacayaa xilli kasta, aragtidaadana wuu raadiyaa, laakiin mararka qaarna waa la waayaa. Kaddib ayaa haddana mar kale la arkaa isagoo ku danaynaya.

2- Saaxiib ma laha

Gabdhaha qaar waxay jacayl u qaadaan niman aan wax badan laga fahmi karin.

Ma laha wax saaxiib ah, mar walbana waa kaligiis.

Dabcan way jiraan rag fiican oo dabeecaddan leh, laakiin intooda badan waa kuwo qallafsan oo go’doon ku jira.

Haddii aad noloshooda ku biirtana, go’doonkaas ayaad galaysaa.

Marka aad xiriir la samaysato wuxuu isku dayaa inuu kaa celiyo la hadalka dadka kale.

3- Nin qoonsi badan

Ragga gabdhaha ku ciyaara dabeecadaha kale ee ay leeyihiin waxaa ka mid ah inay aad u qoonsi badan yihiin, wax walbana ka xanaaqaan.

Xitaa wax iska sahlan oo aan micno wayn lahayn ayay ka dhigaan wax aad u wayn.

4- Naxariis la’aan

Qofka noocaas ah marna kama heleysid naxariis iyo dabacsanaan.

Marka wax lagu nurmo wuxuu jecel yahay inuu kaa guulaysto oo uusan ilaalinin galbigaaga.

5- Dabeecaddiisa lama fahmo

Haddii aad ku wareerto fahanka ninka xiriirka kula wada, waa inaad ka fogaato.

Waa khasab inaad ogaato arrimihiisa. Balse ragga qaar waxay rabaan inay kula socdaan iyagoo aan waxba kaaga sheegeynin noloshooda.

6- In xaggiisa loo soo jeedo

Marka uu nin doonayo inuu xilli walba kugu mashquuliyo inaad jacaylkiisa usoo jeeddo waa nin xun.

Ragga dumarka maskaxdooda ku ciyaara waa kuwa aan wanaaggeeda ka fikirin ee dantooda kaliya ka fiirsada.

7- Indhihiisa ma xakamaysna

Waa caadi in nimanka indhahooda ay eegis badan leeyihiin.

Laakiin kuwa fiican waxay eegistaas ku ekeeyaan haweeneyda ay la joogaan, iyagoo ku mashquulsan quruxdeeda iyo amaanteeda.

Haddiise marka uu kula joogo uu indhihiisa dumarka kale la raac raacayo waa nin uusan xiriirka daacad ka ahayn.

8- Soo xero galin kaliya

Inta aad ka aqbalayso xiriirkiisa wuxuu isku kaa dhigayaa dhulka, wuxuuna muujinayaa inuu yahay nin aad u wanaagsan.

Mar haddii uu ogaado inaad aqbashay, wuxuu lasoo baxayaa dabeecad fool xun oo mixnad ah.

9- Khaladka adigaa leh

Mid ka mid ah noocyada ragga ugu xun waa kuwa mar walba jecel inay khaladka saaraan gabadha.

Waa la is qaban karaa laakiin suuragal ma aha inuu mar walba hal ruux khaldan yahay.

Isagu wuxuu jecel yahay inuu ceeb ka saliim ahaado wax walba oo dhacana uu khaldka ku saaro.

Aragtidaada ka dhiibo