Jibsi
Cuntooyiinka u daran sokorta waxaa ka mid ah Jibsiga. PHOTO: Unsplash

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan waa in aad cunto wanaagsan oo caafimaad leh aad cunto, haddii aad qabto sokor ama aad ka baqeyso.

Cuntooyiinka caafimaadka leh, waxay kaa caawinayaan ka hortagga sokorta, dhiig-xinjirowga ka dhasha dufanka, dhiig-karka iyo xitaa cayilka.

Dawada inta aan la gaarin, waxaa jiro arrimo aad jirkaaga ku caawin karto, si xanuunada qaar aad uga badbaado, waa haddii Alle uu kaa leexiyo.

Cuntada aad cunto waa midda go’aamineysa heerka ay gaareyso sokorta jirkaaga galeysa. Sidoo kale waxaa ku xiran xilliga maalinta ee aad cuneyso.

Cuntooyiinka sokorta badan leh, ma wanaagsana in la qaato xilliga la seexanayo iyo marka shaqadaadad u badan tahay fadhi.

Haddaba, 10-kan cunto iska ilaali, haddii sokor aad qabto am aka baqeyso in ay kugu dhacdo:

1-      Hilibka Cas (guduudan)

Waxaa ka buuxo dufan adag oo aad u badan, kaas oo sababa wadna-xanuunka iyo cudurka sokorta ama macanka (diabetes).

Haddii horey uu kugu dhacay, haddba hilibkan xaaladdaada ayuu sii xumeynayaa. Waxaa jiro waxyaabo ku jira hilibka guduudan oo shaqada xameetida cusleeya. Sidoo kale maadooyiin ku jira ayaa dhibaato ku noqon kara dawada ay isticmaalaan dadka qaba xanuunka sokorta.

2-      Buskutka lagu badiyay sokorta iyo cusbada

Waxaa suuragal ah in macaankooda aad jeceshahay, ama dhadhankooda uu ku soo jiito, balse sida xaqiiqada ah, uma wanaagsana caafimaadka. Waxaa ka buuxo cusbo, dufan iyo waxyaabo kale oo lagu macaaneeyay – dhammaanna waxay sababi karaa sokor ka buuxsanta dhiigga iyo in ay sare u kacdo.

3-      Kafeega leh kareemka iyo sokorta badan

Haddii kafeega aad suuqa ka iibsaneyso oo aadan guriga ku karsanaynin, haddana ma qiyaasi kartid sokorta iyo waxa lagu daray. Waxaa fiican in aad guriga ku sameysato. Lacag iyo wakhtiba way kuu baaqanayaan.

Midka meelaha kale lagu kariyo, waxaa badanaa ku jira dufan kuu keeni kara saameyn aan fiicnayn. Wuxuuna sababi karaa in dhiiggaaga ay gasho sokor badan.

4-      Nacnac

Waa suuragal in aysan la yaab kugu noqonin. Nacnaca wuu u daran yahay dadka ay sokortooda kor u kacdo, wuuna u fiican yahay kuwa ay hoos u dhacdo. Balse midka caafimaadka qaba, uma wanaagsana in uu iska badiyo.

Nacnaca waad cuni kartaa, balse waa in uusan noqonin joogto ama maalinle. Waxa ugu wanaagsan waa in cuntada jirkaaga galeysa ay isu dheellintiran tahay.

5-      Cabitaannada sokorta badan leh

Ma kula tahay in khudaarta ay wax u dhimmi karto caafimaadka? Waxaa ka buuxo borotiinno wanaagsan, balse qaarkood waxay leeyihiin sokor badan. Haddii lau sii daro mid dheeraad ah, dhibaato caafimaad ayey keeni karaan.

Haddii aad cabeyso cabitaan laga sameeyay khudaar, waa in aad ka daysaan sokorta oo sida uu caafimaadka ku yahay ku cabtaa.

6-      Biyaha la macaaneeyay

Yaan lagugu gaadin! Way jiri karaan xayeysiimo kaaga dhigaya wax fiican, balse uma wanaagsana caafimaadka iyo dhiigaba – biyaha macaanka laga dhigay ma ahan kuwa caafimaad ah.

7-      Mayonnaise (Mayonees)

Markasta, mayoneeska waxaa ka buuxo dufin iyo saliid caafimaad darro laga qaado – caloosha, wadnaha, bogga, iyo jirka intiisa kaleba u daran. Waxaa ku jiro sodium oo sababta oon badan iyo carbohydrates.

Haddii aad dooneyso in aad cuntada ku macaaneysato, haddaba raadso waxkale oo dhaama, sida Saliid-Saytuun.

8-      Caanaha warshadeysan 

Dadka qaba xanuunka sokorta waxay noqonayaan kuwa aysan Karin dawada haddii caano ay cabaan. Sidoo kale dadka aan qabin xanuunkan uma wanaagsan caanaha warshadeysan, maadaama ay leeyihiin dufan badan oo caafimaad darro ah.

9-      Cabitaannada caajiska la isaga kiciyo (Energy Drinks)

Qaar ka mid ah cabitaannadan, waxaa suuragal ah in aysan lahayn dhadhan macaan, balse waxaa ka buuxo sokor oo keenta in awooddaada ay kororto. Inta badan, halkii xabo waxaa ku jirta 40garaam oo sokor ah.

10-   Cuntooyiinka iyo Khudaarta gasacadaha ku jirta

Waxaa ka buuxo sodium, taas oo aan si wanaagsan u saameyn doonin jirkaaga – waxay leedahay dhibaato caafimaad. Waxaad raadsan kartaa noocyada aan cusbada lahayn.

Aragtidaada ka dhiibo