Buuqa iyo dhibaatadiisa
Si guud meelaha buuqa iyo qaylada badan, uma wanaagsana caafimaadka.

Guuxa gawaarida, diyaaradaha, iyo xitaa dhawaqa telefoonnada iyo wixii la mid ah, waxaa lala xiriiriyay dhibaato caafimaad oo saameyn xun leh.

Hadda, seynisyahanno ayaa billaabay in ay baaritaan ku sameeyaan dhibka ay buuqa iyo qeylada u geysteen jirkeenna.

Sannadkii 2011,  Garoonka diyaaradaha Jarmalka ee Frankfurt – oo ah midka ugu mashquulka badan dalka – waxaa lagu daray qadkii afaraad oo diyaaradaha ay ka kici karaan, kuna degi karaan.

Arrintaas waxay sababtay dibadbaxyo ballaaran. Dad careysan ayaa muddo sanado ah ku dibadbaxayay garoonka hortiisa, Isniin kasta.

“Wuxuu dhibaato iyo burbur ku hayaa nolosheyda,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii isu soo baxay oo la hadlay Reuters.

“Markasta oo aad is dhaho ku naso beerta guriga, waxa aan maqlaayo ama arkaayo waa diyaarad oo keli ah oo i dul mareyso.”

Münzel, waxaa gurigiisa dul mara diyaaradaha ka kacaya ama ku degaya qadka cusub. Wuxuu sannadkii 2009-kii akhriyay warbixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo sheegtay in xiriir uu ka dhexeeyo buuqa iyo sawaxanka iyo xanuunada wadnaha. Balse, xilligaas cadeyn badan lama haynin.

Isagoo walaac badan ka qaba arrintaas, wuxuu sannadkii 2011-kii u wareegay in uu waqti badan geliyo baaritaanno, si uu arrintaas wax badan uga barto.

Wuu soo kordhayaa xiriirka ka dhexeeya qeylada iyo guuxa maalin kasta aad la kulanto iyo wadna xanuunka. | Credit: Getty Images

In aad ku noolaato meel buuq badan, waxay ahayd arrinta in muddo ah lala xiriirinayay in maqalka uu qofka waayo oo dhagool uu noqdo. Balse guuxa diyaaradaha iyo garaawida dhibkooda wuu dhaafsiisan yahay dhegaha.

Guuxa gawaarida waxaa mar horeba lagu xiray caafimaad darada maskaxda iyo dareenkeeda. Waxaa ku xiga wasaqeynta hawada, waxaana wehliya meelaha uu ku baxayo qiiqa sigaarka ay dadka kale canbaan iyo shucaaca gaaska halista ah.

Hadda, cilmi baris 10 sano socotay ayaa lagu ogaaday in guuxa gawaarida iyo diyaaradaha ay halis badan ku yihiin wadnaha. Waxay xitaa seynisyahannada ogaadeen arrimaha sida gaarka ah sababta ugu ah.

Arrimaha la ogaaday waxaa ka mid ah: Tusaale ahaan, dadka deggan nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Frankfurt, waxay dadka kale ka halis badan yihiin boqolkiiba 7%, oo ay u badan tahay in wadna xanuun uu ku dhaco.

Cilmi barista oo la sameeyay 2018-kii, waxaa lagu baaray caafimaadka illaa hal milyan oo qof.

Guuxa gawaarida iyo diyaaradaha ayaa ka mid ah kuwa dhibka caafimaadka leh | Credit: Alamy

Baaritaan kale oo lagu sameeyay illaa 25,000 oo qof wadna xanuun u dhintay intii u dhexeysay 2000 illaa 2015, oo ay ka mid ahaayeen dad degganaa nawaaxiga garoonka diyaaradaha Zurich ee Switzerland, waxaa lagu ogaaday in dadkaas uu aad ugu badan yahay xanuunka.

Wuxuu xanuunka aad u kordhaa habeenkii, Si gaar ahna dumarka ayuu aad u saameeyay. Sidaa waxaa lagu qoray Wargeyska arrimaha Wadnaha ka hadla ee Yurub (European Heart Journal).

Baarayaal ayaa tijaabiyay arrinta dhabta ah ee la xiriirta wadnaha iyo qeylada iyo saameynta ka dhalata.

Waxaa u soo baxay dhibka rasmiga ah: Wuxuu isbedel aan caadi ahayn ku dhacayaan mid ka mid ah xuubabka oo lagu magacaabo endothelium, iyo halbowleyaasha dhiigga ka qaada wadnaha.

Xididada oo ah kuwo caafimaad qaba, marka buuqa aadka ah uu gaaro, way isbedelaan oo way soo kacaan, ka dibna waxay noqdaan sida wax qarxi raba, taas oo saameyn xun geysan karta.

Waddada qeylada ee halbowleyaasha dhiigga waxay u socotaa sidan: marka sawaxanka qeylada uu gaaro maskaxda, waxay taa soo kcisaa laba qeyb oo muhiim ah – waa qeybta turjunta sawaxanka iyo qeybta dareenka ah ee ka falcelisa.

Marka qeylada ay sii badato, gaar ahaan xilliga hurdada, qeybta dareenka waxay jirka u diyaarisaa carar ama is difaac – xitaa haddii aadan ka war hayn.

Marka taa ay dhacdo, jirka wuxuu soo deynayaa hoormoono. Xididada qaar way is xiraan kuwa kalena way ballaartaan. Sidoo kale, heerka dhiigga ayaa sare u kaca, calooshana way is xireysaa oo shaqada ayey yareyneysaa.

Magaalooyiinka way ka buuq badan yihiin meelaha kale. dadka meel deggan ku nool, uma adkeysan karaan buuqa. | Credit: Getty Images

Arrimaha kale ee cajiibka ah ee dhaca waxaa ka mid ah in sokorta iyo saliidda jirka ku jira, waxay dhexgalaan dhiigga, si ay awood dheeraad ah u siiyaan murqaha.

Mararka qaar jirka wuxuu bixin karaa jawaab halis keenta – sida qacan qaad. Taas waxaa sabab u ah sare kaca heerka dhiigga iyo walwalka. Waxaana ka dhasha xanuunada wadnaha saameeya.

Baaritaanno lagu sameeyay dadka iyo jiirka ayaa lagu ogaaday in xuubka endothelium, uusan si wanaagsan u shaqeyneynin marka guuxa diyaaradaha uu soo gaaro.

Taasna micneheedu wuxuu yahay in qeylada iyo buuqa dheer uu halis u yahay jirka si guud, gaar ahaanna wadnaha.

Dadka dhallinyarada ah, si gaar ah ayaa loogu sameeyay baaritaanka, waxaana la ogaaday in isla markiiba uu jirkooda diidayo qeylada, haddana ay la qabsadeen.

“Waxaan la yaabnay in dhallinyarada, isla markii ay maqleen qeylada, ay horey ka neceen oo dhibsadeen. Xoogaa ka dibna ay la qabsadeen”, ayuu yiri Münzel, oo wax ka qoray cilmi barista cusub.

“Waxaan markasta u haysanay in la qabshadada arrinta ay qaadaneyso muddo sanado ah.”

Si dhibaatadan xal loogu helo, dowlado ayaa billaabay in ay qaadaan tallaabooyiin lagu yareynayo guuxa iyo sawaxanka dheer. Sidoo kale guryaha ayaa loo dhisayaa qaab celin kara qeylada.

Waxaa jiro shirkado sameeyay qalab casri ah oo teknolojiyad ah, oo loogu talagalay in qeylada lagu yareeyo. Shaqi ahaan, waxaan sameyn kartaa in qolkaaga jiifka aad ku xirto qalad celinaya qeylada iyo guuxa bannaanka ka imaanaya.

Xalka ugu raqiisan waa in aad dhegaha gashato qalab loogu talagalay marka la seexanayo, si qeylada aadan u maqlin.

“Haddii aad ku nooshahay meel qeylo badan, muddo ka dib waad ilaaweysaa qeyladaas, oo waxay kula noqoneysaa arrin caadi ah. Balse waxaa si hoose kuu saameynaya dhibaato dhanka maskaxda ah iyo wadna xanuun.”

Aragtidaada ka dhiibo