Dumarka faraxsan
Farxadda waa qurux iyo guusha nolosha! - UNSPLASH

Markasta oo da’daada ay sii waynaato, waxaa kuu fududaaneysa in aad fahamto waxa aad sameyneyso iyo waxa aad ka fogaaneyso si aysan niyadda kaaga dhaawicin.

Haddi aadan weli heerkaas gaarin, ha walwalin, warbixintan waxay la hadlaysaa qofkasta iyo da’ kasta.

Halkan ka akhriso dabeecadaha ay leeyihiin dhammaan dumarka faraxsan. Adigana waad la qabsan kartaa:

  1. Ma dhahaan ‘haa’ iyagoo ula jeeda ‘maya’

Dabeecadan xun waxay dishaa farxadda. Haddii aadan doonayn in waxa lagu weydiisto aad sameyso, haddaba marka hore ha aqbalin.

Haddii aadan dooneynin guurkiisa, marka horeba ka ku odhanin ‘haye’. Farxad ayaad ku noolaan doontaa, haddii waxa aadan dooneyn diido.

Balse haddii ay tahay amar shaqo oo uu ku siiyay qofka madaxda kuu ah, ma diidi kartid dhabcan.

  1. Waxay deeqsi ku yihiin bogaadinta iyo amaanta

Haddii bogaadin aadan fileyn ay mar uun ku soo gaarto – gaar ahaan haddii ay tahay haweeney aadan garaneyn – waa in aad ogaato, waa malalintaada farxadda.

Haka xishoonin – haddii aad ka hesho lebiska qof, shaqadiisa ama dabeecadaha guud, haka baqin. Sidoo kale ha noqonin qof ka badbadiya, sida in uu raadinayo jawaab.

  1. Ciil iyo xanaaq ma dareemaan – Markay dareemaanna way iska saaraan

Xanaaqa iyo ciilka waxay dhaawac u geystaan qofka dareemayo – waxna kama tarto qofka loo xanaaqsan yahay.

Haddii dareen xun iyo ciil aad u qabto qof kale, waxay dabeecadahaas kaa dhigayaa qof xun oo keli ah.

Ha ahaato in aad ciilkaaga muujiso ama aad qarsato, ma kala duwana. Waxaa muhiim ah in aad iska saarto oo aad ka socoto waxa kuu keenay xanaaqa.

  1. Naxariistooda looma kala soocna – qof kasta way u naxariistaan

Shaah ama cunto yar uga tag miisha qofka aad isla shaqeysaan, iyadoo qofna uusan ku arkeynin.

Farriin mahadnaq ah uga tag qof aadan ka helin, ama qof kuu wanaagsan.

Arrimahaas waxay muujiyaan naxariis aan loo kala soocneyn, waxayna leeyihiin micno wayn – waqti yar ayeyna kaa qaadaneysaa in aad sameyso, isbedel wayn ayeyna keenayaan.

Adiga shaqsi ahaanna waxaad noqoneysaa qof faraxsan.

  1. Ma dhahaan ‘waxaan doonayaa in aan sidaa noqdo’ balse wayba yihiin waxay ku hamiyaan

Ha odhanin ‘waxaan doonayaa in aan qoraa noqdo’, ama waxaas iyo waxaas. Haddaba iska noqo waxa aad ku hamineyso.

Waqtiga ha isaga luminin xilliyo isbuuca ah oo marba aad qorshe cusub diyaariso – ha ahaato xirfad shaqo, jaamacad ama wax kale. Marka aad ku hamiso wax, horey ka bilow, inta aadan ka niyadjabin.

  1. Qof kastoo abaal u gala way garanayaan wayna u gudaan

Arrintan waa midda ugu wanaagsan ee noloshaada wax ka bedeli karta. Maalinta ay kugu xun tahay, oo aadan haysanin wax uun oo aad ka abaalguddo, waxaad warqad ku qortaa arrimaha iska caadiga ah.

Waxaad eegi kartaa kuwa Alle uu ku siiyay, sida biyaha, hoyga iyo waxkasta oo kale.

Arrintaa waxay hagaajineysaa niyaddaada, waxaana kaa baxaya walwalka ama murugada iyo farxad la’aanta aad dareemeyso.

  1. Arrin kasta waxay ka horumariyaan daryeelka naftooda

Dumarka farxadda badan way garanayaan waxa ugu muhiimsan noloshooda in caafimaadka uu yahay – maskax, jidh iyo dareen, intaba.

Taa ayey waqti ku bixiyaan, waxayna u yeelaan waqti iyo dhaqaale gaar u ah. Way raadiyaan daryeelka, adeegyada kale iyo wixii kale ee naftooda ku saabsan.

Haddii carruur ay kuu joogaan, waa muhiim in aadan ilaawin daryeelka naftaada – Qof na ma daryeeli kartid, haddii aad naftaada daryeelin.

Soomaalida waxay ku maahmaahaan – Tiisa daryeelaa mid kale ku dara!!!

Aragtidaada ka dhiibo