Waa arrin aan la beenin Karin in shaqooyiinka qaar ay ka badan yihiin kuwa kale. Balse shaqooyiinka mushaarka badan – sidoo kalena dhibta iyo xiisahaba leh – way ka soo jiidasho badan yihiin kuwa aan mushaarka badan lahayn.
Xilligan shaqooyiin badan ayaa caalamka laga doonayaa ka dib xanuunka coronavirus oo dhaqaalaha saameeyay. Dhanka UK, markii ay Midowga Yurub ka baxday, waxaa looga baahday shaqaale dheeraad ah.
Balse halkn waxaa ku eegeynaa 10-ka shaqo ee ugu sarreeya ee la raadinayo. Diiwaankan waxaa ka buuxo shaqooyiinka looga baahan yahay xirfadaha sare, sidoo kalena waxay ka mid yihiin kuwa ugu mushaarka badan.
Si ad wax badan uga ogaato sii akhri warbixinta:
- Dareewallada gawaarida guryaha wax geeya (Delivery Drivers)
Mushaarka aasaaska ah eaa £20,055, sannadkii
Waxaa hadda bannaan illaa in ka badan 4,205
Dareewalka shaqadan qabanaya wuxuu masuul ka yahay dalabaadka macaamiisha iyo in xilli wanaagsan la gaarsiiyo waxa ay dadka soo dalbadaan. Qofka helaya shaqadan waa in uu haysto shatiga kaxeynta gawaarida ee UK, waana in uu yahay qof leh xirfadaha la dhaqanka macaamiisha.
- Maareynta mashaariicda
Mushaarka aasaska ah waa: £43,000 sannadkii
Shaqooyiinka bannaan ee hadda loo baahan yahay waa in ka badan 22,791
Shaqadan way noocyo badan tahay balse waa maareynta mashaariic kala duwan. Wuxuu qofka masuul ka noqonayaa qorsheynta, isku-duba-ridka, xakameynta iyo dhameystirka mashaariicda, ka hor xilliga kama dambeysta ah, iyadoo miisaaniyadda aan la kordhineynin.
- Maamule baqaar ama xarun ganacsi
Mushaarka aasaaska ah waa: £29,250 sannadkii
Tirada shaqooyiinka bannaan waa in ka badan 4,537
Qofka qabanaya shaqadan wuxuu masuul ka yahay howsha maalinlaha ah ee xarunta ganacsi. Sida dejinta xilliyada ay shaqaalaha kala shaqeynayaan, shaqaaleysiinta iyo tababarka shaqaalaha, dhiiragelinta, dalacsiinta, maareynta miisaaniyadda iyo la tacaamulidda macaamiisha.
- Kaaliyaha macaamiisha
Mushaarka aasaaska ah waa: £16,007 sannadkii.
Boosaska bannaan waa in ka badan 5,979
Shaqada u adeegidda macaamiisha waa mid, gaar ahaan qaabka ay jecel yihiin. Balse waxay ku xiran tahay qeybta ay shaqada qaabilsan tahay – marka waxay noqon kartaa in macaamiisha aad alaabta kala tuseyso, in dalabaadka aad ka qaadeyso, in qeybta lacagta aad ka shaqeyneyso, ama qeybaha dacwadaha iyo farriimaha macaamiisha.
- Kaaliyaha xarun ganacsi
Mushaarka aasaaska ah waa £17,967, sannadkii
Boosaska shaqo ee bannaan waa in ka badan 2,700
Shaqadan waa mid u dhiganta tan adeegga macaamiisha. Qofka wuxuu qaban karaan shaqooyiinka la xiriira caawinta macaamiisha, qaadidda lacagaha, nadaafadda xarunta ganacsi, dalabaadka alaabta ka dhammaanta xarunta iyo wixii la mid ah.
- Injineer dhanka Software-ka ah
Mushaarka aasaaska ah waa £55,000, sannadkii
Shaqooyiinka bannaan waa ugu yaraan 11,816
Shaqadan waa midda lagu eego, laguna hagaajiyo qalabka kala duwan iyo hannaanka IT-ga. Waa shaqo ku xiran qalab badan oo isku xiriirsan, sida goobaha shaqada ee waaweyn. Waxaa sidoo kale ku xiran dhammaan shaqooyiinka Injineerka software-ka ee ku saabsan amniga, Code-yada iyo hagaajinta barnaamijyada.
- Kaaliye suuq-geyn
Mushaarka aasaaska ah ee sannadkii waa: £16,977
Shaqooyiinka bannaan waa in ka badan 3,063
Shaqaan waxay la mid tahay Kaaliyaha Xarun ganacsi. Shaqadan waa midda caawinta macaamiisha si ay u helaan alaabta ay doonayaan, tusidda sida qalabka qaar uu u shaqeeyo, qaadidda lacagaha, in alaabta la soo dhigo meelaha bannaan ee dukaanka iyo wixii la mid ah, sida qabashada cabashooyiinka iyo xallintooda.
- La-talinta dhanka adeegga macaamiisha
Mushaarka aasaaska ah ee sannadkii waa £18,801
Boosaska shaqo ee bannaan waa ugu yaraan 3,309
La-taliyaha dhanka adeegga macaamiisha, micneheedu wuxuu yahay in aad noqoneyso qofka ugu sarreeya ee macaamiisha ay la soo hadlayaan. Shaqadaada waxay noqon kartaa in aad ka jawaabto su’aalaha macaamiisha (fool-ka-fool ama online), iyo in alaab aad u xayeysiisyo macaamiisha, kana siiso xog badan oo alaabtaas ku saabsan.
- Madaxa howlaha
Mushaarka aasaaska ah ee sannadkii waa £42,500
Shaqooyiinka bannaan waxay gaarayaan 10,958
Qofka shaqadan qabanaya waxay howshiisa tahay isku xiraha Meesha uu ka shaqeeyo iyo warshadaha. Waxa laga filayo waa in shaqada ay si wanaagsan ku socoto. Mararka qaar, waxay noqon kartaa shaqo ay dhowr qof isla qabtaan.
- Falanqeynta dhanka ganacsiga
Mushaarka aasaaska ah ee sannadkii waa £42,000
Shaqooyiinka bannaan waa in ka badan 7,748
Sida guud, shaqada qofkan waa in uu caawiyo xarun ganacsi si ay u degsato qorshaha sannadlaha iyo wixii la mid ah. Waxaa qeyb ka ah, fahamka halka uu ganacsiga ku socdo, iyo shirkadda aad u shaqeyso in ay wadadaas saxda ah hayso, iyo in la helo xalkii lagu gaari lahaa heerkaas iyo wixii la mid ah.