Faa'iidada mooska
Faa'iidada caafimaad ee mooska.

Muxuu yahay wanaagga lagu sheegay mooska? Marka laga reebo in fitamiinka B6 laga helo mooska, sidoo kale waxaa ka buuxo Fitamiin C, iyo maadooyiin u fiican caloosha iyo wax cunidda.

Taa maxay uga dhigan tahay caafimaadkaaga? Wargeyska HealthxChnage oo ka faalooda arrimaha caafimaadka ayaa ka qoray warbixintan.

Mooska ma lahan dufan iyo wax lagu cayilo. Haddaba muxuu ku soo kordhiyaa caafimaadkaaga?

  1. ​Mooska wuxuu ka mid yahay khudaarta laga helo Fitamiin B6

Vitamin B6 ee mooska ku jira, waxaa u baahan jidhkaaga oo si fudud u qaadan kara. Xabad moos ah oo maalintii aad cunto, waxaad ka heleysaa kala bar inta uu jidhkaaga u baahan yahay ee fitamiinkaas.

Vitamin B6 wuxuu kaa caawinayaa:

  • Sameynta unugyada cas ee dhiigga
  • Dheef-shiidka maadooyiinka carbohydrates iyo dufanka, una bedelaa awood ama tamar
  • Wuxuu shiidaa ama baabi’iyaa maadada amino acids,
  • Kiimikooyiinka aan loo baahnayn ayuu ka saaraa keliyaha iyo beerka
  • Wuxuu kobciyaa hannaanka neerfaha jidhka

Vitamin B6 wuxuu sidoo kale u fiican yahay hooyada uurka leh, maadaama uu ka caawinayo korriimada uu u baahan yahay canugga caloosha ku jira.

  1. Mooska waxaa lagu xushmeeyaa Fitamiin C

Waxaa suuragal ah in ay la yaab kugu noqoto in mooska laga helo Vitamin C, ama in ay kula tahay in uusan xiriir ka dhexeyn.

Balse jab-moos ah waxaa laga helaa boqolkiiba 10% vitamin C-ga ee maalin kasta u baahan tahay.

Vitamin C wuxuu kaa caawinayaa:

  • Ka hortagga dhaawaca gaari kara unugyada ama maqaarka
  • Jidhkaaga oo maadada Iron si wanaagsan u qaata
  • In jidhka uu soo saaro nafaqo ku filan maqaarka, lafaha iyo dhammaad korkaaga
  • Kobcinta maskaxda iyo in uu soo saaro serotonin, oo ah hormoon saameyn ku leh hurdadeenna, shucuurteenna iyo khibraddeeda la xiriirta walwalka iyo xanuunka.
  1. Manganese-ka ku jira ooska wuxuu u wanaagsan yahay maqaarka

Xabad moos ah barked waxaa laga helaa illaa 13% ka mid ah manganese-ka uu jidhkaaga u baahan yahay maalin kasta.

Manganese waa maado kaa caawiso soo saaridda unugyo nafaqo ah ee ka jirka ka difaaca xanuunada iyo dhaawacyada kale.

  1. Potassium-ta mooska ku jira waxay u fiican tahay wadnaha iyo dhiig-karka

Xabad moos ah waxaa ku jirta 320 illaa 400 oo ah maadada kiimikada ah ee potassium. Taa waxay ka dhigan tahay in aad ka heleyso boqolkiiba 10%, inta uu maalintaa jidhkaaga u baahan yahay.

Maadada Potassium waxay caawisaa in wadnaha uu caafimaad wanaagsan ku howlgalo iyo dejinta dhiigga.

Waxaa intaa dheer, mooska waxaa ku yar maadada kale ee kiimikada ah ee sodium. In ay yaraato sodium-ta ayna badnaato potassium, waa isku jir aad ugu fiican dhiig-karka.

  1. Mooska wuxuu u fiican yahay dheef-shiidka iyo caloosha

Xabad moos ah maalintii wuxuu kaa caawinayaa in calooshaada ay caafimaadka, dheef-shiidkaagana si wanaagsan u shaqeeyo.

Waxaa jiro maadooyiin mooska laga helo oo u fiican sokorta dhiigga ku jirto iyo saliidda korkaaga ku jirta. Sidoo kale wuxuu u fiican yahay saxarada iyo in caloosha ay nadiif noqoto.

In caloosha ay caafimaaddo waa mid ka mid ah arrimaha kaa caawinaya in aad xakameyso cayilkaaga iyo qaab-dhismeedka jidhkaaga.

Arrimaha kale ee mooska uu caloosha ugu wanaagsan yahay waxaa ka mid ah:

  • Calool istaagga
  • Boogaha ama gaaska caloosha
  • Laabjeex
  1. Mooska waxaa laga helaa awood iyo tamar – saliidda iyo dufanka jidhkana wuu dhimaa

Mooska waxaa ku jiro seddax nooc oo ah sokor dabiici ah – sucrose, fructose iyo glucose – waxaadna ka heleysaa in jidhkaaga uu ka saaro saliidda iyo cayilka kale si aad awood u yeelato. Waxaad ka bexeysaa daalka badan iyo caajiska.

Haddaba, mooska wuxuu aad ugu fiican yahay carruurta iyo ciyaartoyda, haddii quraac ay ka dhigtaan, ama maalin-barka cunaan iyo ka hor iyo ka dib xilliga ciyaaraha.

Aragtidaada ka dhiibo