Jaceyl
Sidee qof kale jaceyl ugu beeri kartaa?

Mid ka mid ah dhaqaatiirta sida wayn u baratay cilmu-nafsiga, John Alex Clark, wuxuu sheegay in sirta maskaxda ee Jaceylka iyo sida qof looga dhigo mid aan weligii meel u dhaqaaqin in ay tahay arrin fudud balse shaqo adag u baahan.

Ma ogtahay in jaceylka aan la xakameyn karin?

Ma og tahay in haddii qofka uusan kaa helin aragtida ugu horreysaba, meeshaas aysan fursad kaaga bannaaneyn?

Ma kula tahay in ay adag tahay in qof lagu beeri karo jaceyl waalli ah oo qoto dheer?

Haddii aad ‘haa’ ku jawaabtay, haddaba waxaad aaminsan tahay fursadda iyo jaceylka ba ay yihiin kuwa jira.

Waxaa kaloo jiro dad badan oo u arka jaceylka in uu yahay wax aan la bedeli Karin – Hadduu is bedelana, markii horeba meesha jaceyl ma oolin ee rabitaan ayaa jiray oo keli ah.

Cilmi-baaris baaxad wayn oo muddo sanado ah socotay ayaa lagu caddeeyay in aad xakameyn karto jaceylka. Waxaana taa lagu sameyn karaa maskax joogto oo awood leh oo keli ah. Waa arrin ku xiran sida aad caqligaaga iyo maskaxdaada u adeegsaneyso.

Jaceylka kama duwana dareennada kale ee maskaxeed ee maalin kasta ku soo mara, sida:

Cabsida

  • Walwalka
  • Hinaasaha ama maseyrka
  • Farxad-darrada aad naftaada ku qabto
  • Walaaca faraha badan

Dareennada waa kuwa aad xakameyn karto. Sidoo kale Jaceylkana waad xakameyn kartaa – balse waa in aad leedahay maskax fadhida oo si wanaagsan u fakareysa.

Shan sano ka hor, markii cilmi-baarista la billaabayay waxaa la aaminsanaa in Jaceylka uu yahay wax iska yimaada. Balse hadda waxaa soo baxday in la maamuli karo oo adiga ay kugu xiran tahay.

Sidoo kale, markaa waxaa kuu fududaaneysa in aad jaceyl xad dhaaf ah ku beerto qof kale, waxaana sameyn kartaa in qofkaa uusan weligii kaa tagin.

Haddii aad dooneyso in aad ku guuleyssato jaceyl aan caadi ahayn, isku day arrimahan?

  1. Sida jaceylka lagu qaado iyo nafsiyadda ka dambeysa

Haddaba, ka hor inta aadan ku fakarin in aad waddada soo marto oo jaceyl waali ah qof ku soo abuurto, waa in marka hore aad barato nafsiyadda iyo cilmi-ga la xiriira arrintaas. Waxaadna ogaataa in aysan ahayn arrin la xiriirta indho-sarcaad ama sixir.

Mararka qaar adigoo aan garan xitaa, adiga iyo dadka kale ba, waxaa qeybta dambe ee maskaxda ku keydsan diiwaan dheer.

Waxaa diiwaankaas ku qoran waxa aad ka dooneyso qofka aad jaceylka la wadaagi doonto iyo waxa qofkaa ku saabsan ee aad xiiseyso. Cilmu-nafsiga wuxuu taa u garanayaa “khariidadda jaceylka”.

Haddii qofka uusan lahayn waxyaabaha ku qoran diiwaankaas, si dabiici ah ayey naftaada u diideysaa oo aad uga fogaaneysaa.

Waa sababtaa midda keeneysa in qof na aad jaceyl u qaado, kuwa kalena ay saaxiibbo keli ah iska yihiin.

Qof kasta diiwaankiisa wuu ka duwan yahay midka kale. Waxyaabaha kuu qoran waxay ku saleysan yihiin:

  • Qiyamkaaga
  • Waxa aad aaminsan tahay
  • Khibraddaadii hore
  • Taariikhdaada
  • Xiriirradii hore eek u soo maray

Haddii gabadh aad tahay, waxaa dhici karta, gabadh kale oo saaxiibtaa ah in ay jaclaato nin aaad u aragto qof iska caadi ah, ama inuusan qurux badnayn.

Taa waxaa “khariidadda Jaceylka” oo labadiina ba waad kala duwan tihiin. Marka aad aragto qof buuxiya shuruudahaas, adiga oo aan u miyr haynin ayaad qaadeysaa jaceylka. Ka dib wuxuu u soo gudbayaa qeybta maskaxda ee soo jeeda ee aad maalin kasta isticmaasho, ka dib ayuu dareen xoogeysta kugu noqonayaan.

Wiil dhallinyaro ah oo ku sugan Muqdisho ayaan weydiinay waxa uu isaga ku xulanayo qofka uu jecel yahay, marka loo eego diiwaanka maskaxdiisa qeybteeda dambe ku qoran.

Wuxuu sheegay in 4 tan shuruud ay ku xiran tahay:

  1. Waa in ay igu aqoon tahay – marka heerka jaamacadda la eego.
  2. Waa in ay dheer tahay, maaruun na tahay.
  3. Waa in ay tahay gabadh qoyskeeda ku xiran oo muhiimad siisa.
  4. Waa in ay jeceshahay safarka.

Arrimahaas waxaad ogaan kartaa oo keli ah marka maskaxdaada ay joogto oo aad ogtahay waxa aad dooneyso am aka rabto qofka jaceylka kula wadaagayo.

Haddii aadan ka fakarin arrintaas, waxaad si fudud iskaga jeclaaneysaa qof iska dhigay waxa aad rabto oo hadhow is bedeli doono. Waxa uu noqon karaa qof bartay dabeecadahaaga iyo waxa aad ka hesho inta badan – ka dibna kuu jilay.

  1. Sidee u xukumi kartaa maskaxda qof kale, si uu kuu jeclaado

Waxaad sameysaa labadan arrimood ee hoos ku xusan si qof uu kugu qaado jaceyl xad-dhaaf ah:

  • La imow shuruudaha uu doonayo/ay dooneyso.Qof kasta waxaa si hoose maskaxdiisa ugu qiran shuruudaha uu jecel yahay, sidaan kor ku soo xusnay. Haddaba ka fakar sida aad shuruudahaas u buuxin karto ka hor inta aadan jaceylka ku beerin qofka. Tusaale, waxaad barataa arrimaha uu qofkaa jecel yahay. Nooca cuntada, dharka, sheekada, waxbarashada – arrimahaa eeg, iskuna dey in  aad buuxiso. Waxaad sameysaa baaritaan kuu gaar ah. Wax ka baro taariikhda qofkaas.
  • Waxaad fulisaa arrimahaas iyo shuruudaha.Marka qofka uu jaceyl doonayo, waxay aalaaba eegaan qof leh shuruudaha uu niyadda ku hayo oo buuxin kara kaalintaas bannaan. Waxaa la eegaa howlkarnimada iyo barbardhigga meelaha uu qofkaa ku liito. Haddaba, haddii aad isku deyeysay in qof aad jaceyl ba’an ku beerto balse ay kugu adkeyd, waa in aad marka hore sida qofkaas aad iska dhigto oo aad yeelato dabeecadaha uu leeyahay/leedahay. Waa in aad muujisaa kalsooni, waxayna taa kuu yeeleysaa awood aad ku qanciso qofka ee jaceylka ku abuureyso. Marka aad noqoto qof isku kalsoon, maskaxdaada qeybta hoose waxay farriin u direysaa maskaxda qofka kale oo waxay u sheegeysaa “waan buuxiyay shuruudahaaga!”
  1. Illaa heer intee la eg ayaad isku deyeysaa?

Dad badan waxay ka walwalaan in dadaal badan oo joogto ah ay uga baahan tahay, ayna suuragal tahay in arrintaa ay shaqeyn waydo.

Haddii qofka aad ceyrsaneyso uu yahay mid maskaxiyan aan madax bannaaneyn, dadaalkaaga ma qasaari doono. Qofka aad maskax ahaan madaxbannaaneen waa mid qof kale ku tiirsan si uu farxad u dareemo ama dhibaato nololeed uga baxsado.

Haddii qofka uu leeyahay dabeecadahan, waxay aad ugu badan tahay in fursad kasta uu ka faa’ideysan doono si uu xiriir ku helo.

Haddaba, in qofkaas aad ku beerto jaceyl aan caadi ahayn oo xad dhaaf ah, aad ayey u fududahay. Marka dadka ay yihiin kuwa iska nugul – niyad ahaan – oo ay u baahan yihiin in la daryeelo, waxaad meeshaas ka bannaan fursad wayn oo ah in jaceylka uu si fudud ku qaado.

  1. Adeegso asxaabta aad wadaagtaan

Haddii adiga iyo qofkaas aad niyadda ka rabto ee jaceylka aad ku beereyso aad wadaagtaan asxaab, waa in taa ay kuu noqoto fursad wayn.

Arrintan waxay kaa caawineysaa in dhnica uu qofkaa aaminsan yahay aad ka soo gasho – Asxaabtaas waxay ku dhex jiraan maskaxda qofkaas.

Haddii asxaabtaas ay kuu arkaan qof fiican, adigana si fudud ayaa laguu aaminayaa, fursad weyna waad heleysaa. Haddii asxaabta ay qof xun kuu arkaanna, meeshaas fursad kaagama bannaana.

  1. Si aan dabiici ahayn u dhexgal maskaxdooda oo u bedel

Markasta oo qof aad wax ugu celceliso, waxay u badan tahay in aad si fudud ku maamusho maskaxda qofkaas. Waxayna maskaxdaa billaabeysaa ka fakarka arrintaa lagu celceliyay.

Taa micneheedu ma ahan in aad telefoonka ka wacdo 10 daqiiqo kasta ka dib – taa qofka waxay ku noqoneysa caburin, wuxuuna ka qaadi karaa cabsi iyo argagax.

Waxaad noqotaa oo keli ah qof wheel oo kale u ah – haddii aad la joogto ama aad ka maqan tahay ba –  oo markas u keena waxa uu doonayo/ay dooneyso. Arrintaas waxay marka dambe noqonaysaa mid caadi ah, ka dibna jaceyl ayaa meeshaas ka abuurmaya.

  1. Naftaada la xiriiri arrimaha wanaagsan – noqo qof wanaagga jecel

Kaw arran haddii magacaaga laga dhex sheego meel ay dad badan joogaan – Muxuu yahay waxa ugu horreeya ee dadka maskaxdooda ku soo dhacaya? Sidey kuu arkayaan?

Ma waxay kuu arkayaan qof howlkar ah, oo faraxsan oo isku kalsoon, mise qof xun oo wax kasta isla jecel?

Haddii naftaada aad meel wanaagsan dhigto, dadka waxay kuu arkayaan qof wanaagsan. Markaas xitaa ma eegayaan arrimaha kale ee kugu saabsan (dhammaanteen waan leenahay dabeecado xun), balse arrinta oo dhan waxay ku xiran tahay sida dadka kuu arkaan.

Waxa keli ee aad u baahan tahay waa in dhankaaga wanaagsan oo keli ah ay arkaan.

Aragtidaada ka dhiibo