Hadhow wax kuuma tarto
Caajisoolaha ayaa jecel in shaqo sugeysa uu dib u dhigto. Image Credit: Getty Images

“Shaqo aad manta qaban karto ha u dib dhiganin illaa beri.”

Waa talo wanaagsan oo qof kasta anfaceysa, sidoo kalena dhiiro-gelin u ah dadka jecel in ay arkaan natiijada ka soo baxda waxa ay qabanayaan.

Balse waxay dhibaatada tahay in badankeena aan jecel nahay in shaqo kasta aan la sugno illaa daqiiqadda ugu dambeysa – mararka qaarna wax aan manta dhameyn karno aan dib ugu dhigano beri.

Balse qaarkeen, arrintan waxay u tahay dabeecad caadi ah oo joogto ah, waxayna ku xirtay meel adag, maadaama ay la yaallaan howlo aad u badan oo beri ay u wada dhigteen, ka dibna isu dul fuuleen shaqooyiin badan.

Taas waxay ku qasabtay in arrimo muhiim u ah ay isaga tanaasulaan, ayna qaban waayaan. Waxay arrintan oo kale qofka ku dhalineysaa walwal iyo cabsi ah in waxba uusan qabsan Karin.

Dadka qaar waxay ku dambeeyaan xanuuno aysan garaneynin oo maskaxda ka saameeya, kuna qasba in ay shaqo la’aan noqdaan iyo in howlkarnimadooda ay dhaawacanto.

Maxay qaarkeen uga nugul yihiin ama jilcan yihiin kuwa kale? Inta badan dabeecadaha dadka, sida lagu xusay baaritaan dhowaan la sameeyay oo lagu daabacay bogga Psychological Science, waxaa lagu xusay in arrintan ay la xiriirto hido-sidaha qofka.

Cilmi-baareyaal ka socday jaamacadda Colorado, waxay baaritaan ku sameeyeen181 qof waxaana la eegay sida ay yihiin dabeecadahooda shaqo. Waxaa la ogaaday in qaar ka mid ahaa dadkaas ay dabeecad ahaan ka awood badnaayeen kuwa kale.

Waxaa la eegayay awoodda qofka ee ah in ujeeddo uu gaaro iyo muddada ay ku qaadaneysay, iyo sida qaar ay ugu dhaqmayeen qaab caadifat la’aan ahayd.

Sidaa aawadeed, waxay baareyaasha ku soo afjareen warbixintooda in dib isu dhigidda ay tahay arrin hido-sidaha la socota oo la iska dhaxlo. Sidoo kale waxay laba jibbaarantaa marka  caadifad-la’aan ay jirto.

Balse cilmi-baaris kale ayaa sheegtay in qof kasta uu la dhasho dabeecadihiisa, aysanna ahayn arrintan mid lagu eedeyn karo waalidiinta. Qofka wuxuu dabeecad ahaan is bari karaa in dib uu isu dhigo, halkii uu wax kasta xilli hore iska dhammeyn lahaa.

Sidoo kale, waxaa jiro baaritaan lagu sheegay in qofka uu is bedel ku sameyn karo dabeecadihiisa – rag iyo dumarba. Baaritaankaas waxaa ku xusan in dadka is arka in aysan waxba qabsan Karin ay eedeeyaan waalidkooda.

“Marka qofka uu arko in dabeecadihiisa ay saameeyeen arrimo hido-sidaha la xiriira, waxay u qaataan in aysan waxba ka qaban Karin. Taasi dhab ma ahan. Wax kasta oo dhaxal ah waa la bedeli karaa”, ayaa lagu yiri qoraalka baaritaanka.

Qof kasta yuusan la calaacalin wax hidaha ku saabsan. “dib-dhig, dib-dhig, is daahin.” Marka dambe wuxuu noqonayaa arrin maskaxeed.

Haddaba adeegso farsamooyiinkan:

Marka hore faham macnaha dhab ah ee dib u dhigis

Arrintan waa muhiim. Waxaa jiro arrimo badan oo dib loo dhigo oo noloshaba ay ku xiran tahay – faa’iido badanna leh.

Mararka qaar, arrimaha qaar waa in aad daahiso oo dib u dhigto inta aad ka heleyso wax ku qanciya oo aad ku sameyso. Taas ma ahan dib isu dhigid. Taas waa arrin la xiriirta go’aanka dhabta ah.

Balse arrinta dib isu dhigidda waa mid aan marnaba wanaagsanayn. “Qofkii si kale u fahma, wuxuusan garaneynin macnaha.”

Dib isu dhigiidda waa qaabka aad u daahineyso howl kaaga baahan in aad hadda qabato oo aad la sugto illaa daqiiqadaha ugu dambeeyay ama maalmo kale. Taas waa midda keeneysa in qofka uu caajis iyo jahwareer qaado.

Jooji cudurdaarka

Dib u dhigidda shaqo muhiim ah oo ku sugeysa waxay marka dambe ku gaarsiineysaa in qofkii kuu diray uu su’aalo adag ku waydiiyo. Arrintaas waxay kugu dhalineysaa in aad la timaado cudurdaar been ah oo ficilkaaga aad ku qarineyso.

Waxaa fiican in aad ku shaqeyn karto si cadaadis ah ama shaqo badan aad wada qaban karto – howlkarnimada waa muhiim – balse waa in caqli aad ku dheehdaa. Naftaada ku dhiirageli in howsha aad si degdeg ah u dhammeyso.

Iska ilaali cudurdaarka aan macquulka ahayn. Ha caadeysanin in markasta aad la timaado cudurdaar aan macno sameynin oo lagugu nici doono.

Iska ilaali waxyaabaha ku mashquulinaya, wakhti kama dambeyn ahna sameyso

Marka waxyaabo ku mashquuliya ay jiraan – waxaa sidoo kale meeshaas soo galaya in Facebook aad eegto ama Email aad eegto xilli aan muhiim ahayn. Ka dib waxaad is arkeysaa adigoo seddax saacadood ku qaatay wax aan dan kugu jirin.

Mashquulinta ama jahwareerinta waxay dhaawac ku tahay wax soo saarka shaqada, wakhti muhiim ahna way kaa lumineysaa.

Haddaba, iska suuli wixii ku mashquulin kara – naftaada bar aadaabta ah in marka hore la dhammeeyo shaqada muhiimka ah ee waxtarka kuu leh.

Sidoo kale dejiso xilli kama dambeys ah oo shaqada aad ku dhammeneyso – kaas oo aan laga gudbi Karin. Dadka jecel in ay dib isu dhigaan waxay ka helaan in wakhti kooban ay qabsadaan si ay cudur daar uga dhintaan in wakhtiga uu ku yaraa.

Balse adiga waxaad qabsan kartaa wakhti macquul ah oo aad hubto in shaqada aad ku dhammeyn karto. Weligaa wakhti kama dambeys la’aan ha shaqeynin.

Ha ogolaanin in naftaada ay go’aamiso ficilladaada

Cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in dadka ay waxa naftooda ay dooneyso ay barbar-dhigaan shaqada ay gacanta ku hayaan si ay dhiiragelin u helaan – Arrintaas waa mid khalad ah, sida baarayaasha ay sheegeen.

Taas waxay ku tilmaameen qaab-fikirka 6-sano jirka in ay tahay. Sida xaqiiqada ah, shaqooyiin badan oo muhiim ah in aad bilowdo kaagama baahno sida aad gudaha naftaada ka dareenmeyso.

Weli dad badan waxay lumiyaan fursadda ah in howsha isla marka ay timaato ay billaabaan, waxayna dib u dhigaan beri ama maalin kale. Mararka qaar waxaa dheceysa in xitaa berida aysan sameynin. Sababtoo ah waxay sugayaan illaa xilliga ay naftooda ogolaaneyso in shaqadaas la billaabo.

Waxa dad badan ka khaldan waa in ay iska dhaadhicinayaan in ay jirto xilli ay nafta jeceshahay in shaqo adag oo muhiim ah la billaabo. Markasta nafta waxay dareemeysaa caajis – Taas in aad fahamto ayaa muhiim ah.

Marka aad shaqo adag dib u dhigto, nafta waxay dareemeysaa culeys ka degay, adigana waxay kula tahay in ay kuu wanaagsan tahay sidaa, laakiin waxaad is bareysaa caajis badan.

Muhiimmaddu waa in aad joojiso in naftaada ay ku hagto. Shaqada horey ka gal – howl ku sugeysa waa lama huraan in aad hadda bilowdo.

Aragtidaada ka dhiibo