Jirka bani’aadanka waxaa loo abuuray qaab uu si dabiici ah miisaanka isugu kordhiyo una xajisto hilibka. 

Taas waxaa ku xiran nolosheenna, laga soo billaabo marka aan dhalanno ilaa inta aan kasoo waynaanayno.

Halka dadka qaar ay ku dadaalaan sidii ay isu caatayn lahaayeen qaar kalena waxay doonayaan in ay xoogaa hilib yeeshaan.

Laakiin Maanfur waxaa laguugu sharraxayaa qaabab si deg deg ah oo lama filaan ah loogu cayilo.

Habkan dadka cayilka iska ilaaliya xitaa iyagoo aan fahansanayn ayuu miisaan badan ku fuulaa. Qofkii fahmana wuxuu uga faa’iidaysan karaa inuu durba ku cayilo.

1- Cuntada dufanka ku yar yahay

Raashinka an baruurta lahayn waxaa aad ugu badan sokorta.

Adigoo aan dareemin ayuu miisaankaaga si deg deg ah u badanayaa haddii aad isticmaasho cuntooyinkaas.

Daawashada TV-ga

Mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee miisaanka durba u badiya waa fadhiga badan, gaar ahaan marka aad ku mashquulsan tahay daawashada telefishinka.

Waxaa jira musalsallo xiiso badan oo qofka ku kallifaya inuu saacado badan hor fadhiyo TV-ka.

Sidoo kale waxay u badan tahay inaad waqtigaas cunno raashin badan oo aan caafimaad lahayn.

3- Dhafarka

Inta badan dadka waxay ku cayilaan dhafarka ama hurdo la’aanta.

Marka aad seexan wayso waxaa kobcaya heerka walwalka ee maskaxdaada, waxaana badanaya raashin cunistaada.

Waxaa laga yaabaa in adigoo maalintii wax cunayay aad habeenkiina wax cunto maadaama aad soo jeeddo.

4- Raashinka la badsado

Dadka qaar marka ay wax cunayaan waxay soo buuxsadaan saxanka iyagoo kaddibna wada dhammeysta cuntadaas.

Qaabkaas waa mid ka mid ah hababka deg deg loogu cayilo.

Daraasad ay samaysan Xarunta Cilmi Baadhista Kansarka ee adduunka ayaa lagu sheegay in cuntooyinka guryaha lagu sameeyo ay aad u kordheen tan iyo sanadkii 1980-kii.

5- Dawooyin

Qaar ka mid ah dawooyinka loogu talo galay xanuunnada dhiig karka, sokorowga iyo kuwo kaleba waxay si lama filaan ah u kobciyaan miisaanka jirka.

Waxaa kale oo jira dawooyin si ula kac ah loogu cayilo.

6- Walwalka

Inkastoo dad badan aysan aaminsanayn, walwalka wuxuu keenaa cayil.

Marka aad walwalsan tahay waxaa isbaddal samaynaya hormoonnadaada.

Waxaa badanaysa baahida aad u qabto cubtada, haddii aadan xakamayninna waad ku cayilaysaa.

Dhammaan arrimahan waxay kuu horseedayaan in uu kugu kordho miisaan, ha ahaado mid aad rabto ama mid aadan rabin labadaba.

Aragtidaada ka dhiibo