Fadhiga khaldan
Fadhiga khaldan. Image Credit: Realmenrealstyle

Marka aad fariisanayso ma is daba marisaa lugaha?

Waa qaab aad loo isticmaalo oo qurxiya habka fadhiga, qofkuna isma fahansana marka uu u fadhiyo.

Dumarka ayaa la sheegay inay inta badan u fariistaan qaabkan, waxaana laga dhaxlaa caafimaad darro aad u wayn.

Haddana kuwani waa qaar ka mid ah cilladaha caafimaad ee laga helo fadhiga noocaas ah.

1- Dareenka lugaha oo waxyeellooba

Isdabamarinta lugaha waxay cadaadis xoog leh saaraysaa qaybta dambe ee jilbaha, taasoo sababaysa in dareenka uu u guuro qaybta hoose ee lugaha.

Haddii aad marar badan sodaas u fadhiisato ugu dambeyn waxaa billaabanaya xanuun ku dhaca jilbahaaga oo aad u daran.

Waxaa kala xirmaya xididdada lugaha ee ka shaqeeya qulqulka dhiigga iyo awoodda socodka.

Cilladdan marka ay imaato waxaad u baahnaan doontaa daliig cilmiyaysan iyo jimicsi laga yaabo inay muddo dheer socdaan.

2- Tabar darrada lugaha

Marka aad muddo dheer qaabkan u fariisato ama la qabsato waxaa ka dhalanaya in lugahaaga ay daciifaan.

Ugu dambeyn awood uma yeelan doontid dhaqdhaqaajinta faraha, sida suulka lugta.

Daraasad lagu sameeyay waddanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu xaqiijiyay arrintan.

3- Cadaadiska dhiigga oo sare u kaca

Ma u fiirsatay in marka uu dhakhtarka kaa cabirayo dhiigga uu kugu amro inaad u fariisato qaab aadan lugaha isdabamarinaynin?

Sidoo kale waxay dhakhaatiirta kuu sheegayaan inaad gacmaha fidiso si uu heerka cadaadiska dhiigga u noqdo mid caadi ah.

Haddaba marka aad badiso fadhiga isdabamarinta lugaha waxaad kugu dhici kara khalkhal cadaadiska dhiigga ah oo ugu dambeyn sababi kara xanuunka loo yaqaanno dhiig karka.

4- Qaab dhismeedka jirka oo xumaada

Fadhiga isdaba marinta lugaha waxa uu sidoo kale halleeyaa qaab dhismeedka jirka.

Garbaha ayaa soo qalloocda qofka, marka uu socdana wuxuu u badanayaa dhinaca hore.

Marka laga soo tago caafimaadka, waad qiyaasi kartaa foolxumada ka dhalanaysa arrintaas.

Sidoo kale waxaa ka dhasha dhabar xanuun, qoorta oo ku xanuunta iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad.

Gabao gabo

Maadaa.a aad aragtay afarta cilladood ee ka dhasha qaab fadhiga noocan ah, waxaan filaynaa inaad iska joojin doontid.

Fadlan farriintan gaarsii qof walba oo u fariista qaabkaas waxyeellada sababa.

Aragtidaada ka dhiibo