Bun, kafee ama qaxwo.
Cabidda bunka waxaa laga helaa caafimaad - inkastoo weli baaritaan badan loo baahan yahay. UNSPLASH

Kafeega caafimaad la leeyahay? Ma laga helaa yaabaa in tamar iyo firfircooni ka hesho? Illaa heerkee la cabi karaa?

Seynis yahan Nicola Shubrook, oo ku taqasusay arrimaha cuntada, ayaa eegay waxaa keenay sheegashada caafimaadka.

Muxuu yahay kafeega?

Kafeega waa cabitaan shaaha la mid ah, waxaana mirihiisa laga soo jaray geedka kafeega ama bunka ah.

Waxaa jiro laba nooc ee miraha kafeega ah – waxaa loo kala garanayaa arabica iyo robusta – waxayna ku xiran tahay cimillada dalka ay ka baxayaan, iyo sida dhadhanka uu noqonayo.

Faa’iidada nafaqada laga helo kafeega

Illaa 100ml oo kafee ah oo lagu daray caano, waxaa ku jira:

  • 7Kcal/31KJ
  • 0.5g borotiin
  • 0.4g dufan
  • 0.5g carbohydrates

Kafeega wuxuu qani ku yahay maadada polyphenols, waa waxyaabo isku xiran oo ay suuragal tahay in suntan jirka ay ka hortagaan.

Bunka ama miraha kafeega ee u baxa sida digirta, ama dhuka ku jira, waa kuwa ugu wanaagsan ee caafimaadka leh.

Haddaba, maxay yihiin shanta caafimaad ee laga helo kafeega?

  1. Cumri caafimaad leh
Kafee ama bun la caddeeyay
Image Credit: UNSPLASH

Cilmi-baaris lagu daabacay wargeyska arrimaha dawada iyo caafimaadka ka hadla ee Annals of Internal Medicine, waxaa lagu sheegay in haddii aad cabto seddax koob oo kafee ah maalintii, in ay yareyneyso dhibaatooyiinka da’da.

Xannuunada ay arrintaa yareyneyso waxaa ka mid ah wadne-xanuun. Weli waxaa socdo baaritaanno ku saabsan sida arrintaas ay suuragal u tahay, iyo maadooyiinka dhabta ah ee sababaya.

  1. Wuxuu kordhiyaa awoodda iyo waxtarka shaqada

Kafeega wuxuu dadka ka caawiyaa in aysan caajis dareemin oo marka ay shaqeynayaan si wanaagsan howsha u qabtaa. Waxaa sidoo kale kordhaya feejignaanta.

Kafeega marka la cabo wuxuu dhx galaa xididada, ka dibna wuxuu u sii gudbaa maskaxda oo hurdada uu ka kiciyaa. Waxay taa xoojin kartaa xusuusta, xifdinta iyo feejignaanta. Waxaa sii dheer firfircooniga shaqada. Balse waa marka aan la iska badinin.

  1. Wuxuu xoojiyaa kiimikada jirka ku jirta ee metabolism

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in kafeega uu xakameeyo cayilka iyo isu dheellitirnaanta jirka, isagoo kordhinaya awoodda kiimikada metabolic oo laga helo kelyaha. Wuxuu sidoo kale kubaa dufanka jirka.

Cilmi-baareyaasha waxay mala-awaaleen in ay suuragal tahay in kafeega lagu daweyn karo cayilka xad-dhaafka ah, in kastoo baaritaanno dheeraad ah loo baahan yahay.

  1. Wuxuu taageeri karaa shaqada maskaxda

Waxaa jiro cilmi-baarisyo dhowr ah oo lagu eegay xiriirka ka dhexeeya cabidda kafeega iyo ka hortagga xanuunnada maskaxda ku dhaca sida hilmaamka iyo asaasaqa.

Cilmi-baarisyadaas waxaa la kala sameeyay 2010, 2011 iyo 2015.  Natiijada way kala duwanayd, sidaa darted waxaa loo baahan yahay, baaritaanno dheeraad ah.

  1. Wuxuu yareyn karaa sokorta dhiigga

Waxaa jiro caddeymo muujinaya in kafeega – ee heerka dhexdhexaadka ah – uu yareyn karo halista xanuunka sokorta ee nooca labaad ah (type 2 diabetes), in kastoo cilmi-baaris dheeraad ah loo baahan yahay.

Waxaa intaa dheer, in weli la arko dad qaba xanuunka sokorta ee haddana caba kafeega, balse aan isbedel lagu arkin.

Aragtidaada ka dhiibo