Ka guuleysiga cadowgaaga
Ka guuleysiga cadowgaaga, adigoo gacan aan qaadin. | UNSPLASH

Nolosha, markasta waxaa jiro dad raadinaya dhibkaaga oo cadaawad kuu qaba! Waa kuwo raadinaya fursado ay dhulka kugu soo dhigaan iyo khasaarahaaga.

Halkan ka akhriso dhowr talo ooh ab diblumaasiyadeed aad uga adkaan karto cadowgaaga:

Ka guuleyso cadowgaaga!

  1. Weligaa ha sheegin waxa aad damacsan tahay

Adiga iyo naftaada ha kugu koobnaadaan wax kastoo kuu qorsheysan iyo tallaabooyiinka aad qaadeyso.

Sidoo kale, qeyb haka noqonin xanta cadowgaaga. Taas waxay kuu fududeyneysaa in aysan ogaanin in adiga aad ka warhayso ficilladooda kaa dhanka ah iyo cadaawadda ay kuu qabaan.

  1. Si ka fiirsasho la’aan ah weligaa tallaabo falcelin ah ha u qaadin

Waa sida nolosha ay tahay in aad si degdeg ah uga falcelino waxkasta oo caqabad ah ama xitaa farxad ah. Haddaba, jooji ama iska illaw fikradda ah in tallaabo falcelin ah aad qaado.

Waa sida diblumaasiyadda ah. Ficil kastoo aad qaadaneyso iyo go’aannadaada, waa in ay noqdaan kuwa aad si wanaagsan uga fikirtay.

Kicinta waa qeyb aan ka tirsanayn diblumaasiyadda, markasta. In naftaada aad kiciso ama ficillo kicin ah aad sameyso, wax aan dhibaato ahayn kala heleysid.

  1. Noqo qofka cajiibka ah

Qaabka ugu wanaagsan ee cadowgaaga looga adkaado, waa in aad noqoto qof leh shaqsiyad aad u adag, kana xoog badan iyaga. Guuleystaha aan la isku haysanin!

Sidoo kale waxaad uga guuleysan kartaa in aad isbeheysi yeelato ama aad ka mid noqoto dhinaca ugu galaangalka badan – Waana in aad noqotaa xubin firfircoon oo cajiib ah.

Sidoo kale, adigoo keligaa ahna waa in aad noqon kartaa qof awood badan oo aan la loodin Karin.

“Tabta ugu sameysa ee dagaalka waa in aad wiiqi karto cadowgaaga adigoo aan dagaallamin”. – Sun Tzu , The Art of War.

Haddaba, naftaada hormari. Noqo qof awood dheeraad ah hela, maalin kasta. Ka dib waxaan gaari doontaa maalin ay cadowgaaga joojiyaan cadaawadda kaa dhanka ah, ayna kala firxadaan.

  1. U dhaqan sida in cadaawaddooda aysan saameyn kugu lahayn

Marka cadwogaaga uu isku deyo in uu dhibaato ku gaarsiiyo ama sumcaddaada wax u dhimo, haddaba u dhaqan sida in aysan ku saameynin dhacdadaas.

Adeegso awoodaada shaqsiyadeed. Noqo qof aan danba ka lahayn. Taas waxay dhabarjab wayn ku noqoneysaa cadowgaaga.

Haddii ay dareemaan in aad xanaaqday ama aad falcelin sameyso, waxay ku dhiiragelineysaa in ficilladaas ay dib u sameeyaan oo ku cel-celiyaan.

Shaqadaada diiradda saar. Noqo qof howlkar ah oo wakhti badan shaqeysan kara. Waxay kaa caawineysaa in aad dhaqso ilawdo ficillada cadowgaaga eek aa dhanka ah.

Inta aad soo saareyso natiijo wanaagsan oo ka soo baxda shaqada aad qabato, cadowga wuxuu ka sii qaadayaa niyadjab.

  1. Xilligee la weerari karaa?

Xilliga ugu wanaagsan ee la weerarro cadowgaaga waa marka aad hubto in aad ka guuleysaneyso, aadna garaneyso meelaha ay ka nugul yihiin.

Marka aad go’aansato in aad weerarto, haddaba marna ha u muujinin dabacsanaan. Halmar soo xir bogga cadowgaaga, weligiisna yuusan furmin.

  1. Feejignow

Waa in aad noqotaa qof faraxsan, marka aad cadowgaaga ku dhex jirto.

Waxay kuu yeelaneysaa faa’iido badan oo aad ku yareyso dhaawaca ama qasaaraha ku soo gaari kara ee kaaga imaanaya dacaayadaha iyo weeraradooda.

  1. Adeegso jimicsiga maskaxda

Dadka qaar ee isku deyaya in ay kuu damqadaan, waxaa sida dhabta ah dhici karta in ay xiriir la leeyihiin cadowgaaga.

Hadaba, ka feejignow taageerayaasha qaar iyo kuwa kuu damqanaya. Waxaa dhici karta in ay yihiin macaan uu qaraar ka dambeeyo.

  1. Si indho la’aan ah qofna ha u aaminin weligaa

Markasta, waa in aad iska xaqiijiso dadka kugu hareereysan. Kuwa ku garanaya ee maalin kasta kula joogo, waxay garanayaan nugeylkaaga, waxaada dhici karto in ay qorsheynayaan in dhib ay kuu geystaan.

Ereyada lagama garan karo ujeedooyiinka guracan ee dhabta ah. Haddaba, il gaar ah ku eeg dadka kuu dhow ee saaxiibbada kula ah.

Arrintaas marna ha joojinin. Sababtoo ah dadka uu cadowgaaga soo adeegsanayo waxay noqon karaa kuwa kugu dhow oo ku shirqooli kara.

  1. Mararka qaar dhexgal cadowgaaga

Markasta waa in aad ka fogaataa cadowgaaga. Ha dhexgalin, hana la falgalin. Waa in aysan weligood ogaanin sida aad u fikireyso, ama dhaqmeyso. Wanaagga waa in aad soo xirto albaabada lagaa garanayo.

Dabeecadda ugu wanaagsan waa in aad mararka qaar la yeelato wada sheekeysi iska caadi ah. Kana fogow in aad ka hadasho wax naftaada ku saabsan.

Xusuusnow, inta ay yartahay xogta lagaa hayo, waxaa sii yaraanaya weerarradooda, waxaadna fursad u heleysaa in ugu dambeyn aad guuleysato.

Aragtidaada ka dhiibo