Fikradaha fudud ee guusha ganacsiga
Fikradaha fudud ee kuu horseedi kara ganacsi guuleysta. | Credit: Unsplash

In adiga aad madax isu noqoto waa arrin suuragal ah! Xitaa haddii aadan lahayn khibraddii aad arrintaa ku gaari lahayd.

Marka laga hadlayo dhismaha xirfadda ganacsiga iyo khibradda, qof kasta meel ayuu ka soo billaabay. Qof kasta oo aad aragto, wuxuu hayaa fikrad ganacsi, wuxuuna doonayaan in uu u dulqaato bilowgeeda.

Xilligan casriga ahna, ganacsatada waxay helayaan arrimo iyo dad dhiirageliya. Dhammaan fursadaha midda aad ka dooraneyso, waa in ay noqotaa arrin kuu qalanta.

Haddii aad ku cusub tahay bilowga ganacsiga, waa in aad ka fikirtaa qaabka aad dooneyso, ka dibna baaritaan ku samee si aad wax badan uga fahamto.

Halkan waxaan kugu soo gudbineynaa shanta aragti ee ugu yar, uguna wanaagsan fikradaha ganacsiga, eek aa caawin kara in aad ganacsigaaga bilowdo, ka dibna noqoto qof ku sal-ballaarsaday:

  1. Dullaal iyo u kala iibin

Ganacsiga noocan ah u qaado mid yar inta aad ka fahmeyso suuqa. Waxaad noqon kartaa qof isku xira dowladda iyo ganacsiyada, ama qof u dhexeeya ganacsatada ama shacabka iyo ganacsatada.

Waxaad arrintaa ku heleysaa magic iyo in lagu barto, waxaadna ka heleysaa dhaqaale aad mustaqbalka maalgashi ku sameysato. Balse waxaad qaadataa hal dhinac oo ganacsigan ka mid ah, ka dibna diiradda saar.

Dadka marka ay shaqadan billaabayaan, aqoon uma lahan suuq-geynta, shaqaaleysiinta iyo istiraatiijiyadda hormarka. Dhamman waxay la xiriiraa iibinta iyo iibsiga.

Haddaba, way wanaagsan tahay in wax aad bilowday, aad mardambe sii xoojiso, halkii mar keli ah aad hoos ka soo billaabi lahayd adigoo aan lahayn khibradda.

  1. Rukumashada

Macaamiisha dunida way sii kordhayaan, waxaada sii badanaya dadka rukumanaya ganacsiyada (subscriptions). Ka fikir adeegyada, sida Netflix, Dollar Shave Club, Bark Box, NatureBox, Cat Lady Box, iyo kuwa kaloo badan.

Dhammaantood waxay ka soo bilowdeen meel hoose, waxayna mar ahaayeen fikrado ganacsi oo yaryar. Balse hadda waa la bartay, waxay heleen dad badan oo rukun u ah adeeggooda, dhaqaale bandanna way ka sameeyaan.

Qorsheysiga ganacsiga waa muhiim.
Qorsheysiga ganacsiga waa muhiim. UNSPLASH

Ganacsiyada u qaabeysan in la sii rukunto way noocyo badan yihiin. Adiga waxaa la shaqeyn kartaa kuwa hadda jira oo macaamiisha aad ku soo xirta ku heleysaa lacag, ama mid kuu gaar ah ayaad sameysan kartaa.

Haddii aad dooneyso in aad ku xirato mid ka mid ah, ka fikir midka u dhigma xirfaddaada iyo aqoontaada. Ka dib si deggan u eeg adeegyadooda iyo sida macaamiisha ay u daneynayaan. Waxaad sameysaa baaritaan iyo faham dhanka suuqa ah.

Ka dib, waxaad kala xaajoon kartaa sida adeeggooda ay kuu soo gaarsiinayaan, iyo in aad dadka u soo gudbiyo – qiimaha, canshuurta iyo faa’idadaada, waa in ay qeyb ka yihiin wadahadalka.

Haddii macaamiishaada ay billaabaan in si toos ah ay u iibsadaan qeybta adiga aad sameysay, ka dib markale kala hadal in faa’idadaada la kordhiyo.

  1. Wakiil – gaarsiiye

Mararka qaar in ganacsi yar aad bilowdo way dhib badan tahay, sida hannaanka bilaabidda, lacagta, nooca alaabta iyo wixii la mid ah. Balse in aad noqoto wakil isku xira shirkadaha waawayn iyo macaamiishooda waa mihiim.

Wakiillada ama gaarsiiyeyaasha waxay ka shaqeeyaan arrimo kala duwan. Midda ugu wanaagsan waa isku xirta ganacsato kala joogta dalal kala duwan. Alaabta ka soo qaad warshadda, ka dib Markab ama diyaarad sii saar, sidaana ha lagu gaarsiiyo ganacsadaha dal kale jooga.

Waxaad sameysan kartaa bog ama website arrintaas ka shaqeeya, si dadkale ay kugu soo xirtaan – adigana faa’iido badan ayaa kugu jireysa, ganacsatada yaryar ee dalal kale joogana, dhaqaale ayaad u badbaadineysaa, oo uma baahna in ay soo safraan.

Ganacsigfan wuxuu ku xiran yahay is aaminaad iyo sumacadda shaqsiyaddaada. Haddii kuwaa aad ku guuleysato, waxaad la mid noqoneysaa Amazon ama eBay iyo Alibaba.

  1. Ganacsiga guur-guura

Ganacsiyada guur-guura ama wareega waa kuwa fudud oo haddana dhaqaale laga sameeyo. Waxay qabtaan iibka cuntada, hagaajinta timaha iyo qurxinta, iyo daryeelka dadka xanuunsan iyo xitaa sameynta gawaarida – Waxayna qof kasta oo macaamiisha ka mid ah ugu tagaan guryahooda.

Marka ganacsigaaga wareega uu noqdo mid guuleysta, waxaad ugu dambeyn yeelaneysaa xarun lagugu imaado oo aad ku bixiso adeegyo dheeraad ah.

Ka hor inta aadan billaabin ganacsiga wareega, iska xaqiiji xeerarka iyo shuruucda magaalada iyo waxa la ogol yahay in la wareejiyo. Waa in aad hesho shatiga aad ku shaqeysan karto. Uma baahnid caqabad inta uu ganacsigaaga cusub yahay.

  1. Macallim si Online ah casharada u bixiya

Fursaddan waa midda dhaqaalaha u keeneysa qofka sameynaya isagoo iibinaya khibradda iyo aqoonta uu suuqa iyo ganacsiga u leeyahay.

Ganacsiga Internet-ka, waxaa qeyb ka ah sameynta muuqaallo casharo ah oo YouTube ama facebook la geliyo, waa tusaale kaa. Sidoo kale waxay noqon kartaa casharo ku saabsan hoggaaminta oo toos loo bixiyo. – Waa xirfad wadaag, dhaqaale laga helayo.

Inta badan dunida ayaa hadda u socota waxa loo garanayo E-learning, oo noqotay fursad ay ka faa’ideystaan dad ku sugan meelo kala duwan. Casharka ayey isla qaadanayaan, way isbaranayaan, iyagoo dalal kale kala jooga. Waana isku xir wanaagsan

Adigana waxay kuu noqoneysa fursad aad dunida ku tusto awooddaada aqoon iyo xirfadahaaga, ka dibna waad heli doontaa dad ku maalgashada iyo dhaqaale badan oo dhanka macallimnimada aad ku hesho.

Aragtidaada ka dhiibo