Sida dabiiciga ah ee loo caddeeyo ilkaha
Sida dabiiciga ah ee loo caddeeyo ilkaha. | Exquisite

Waxaa jiro alaab badan oo aad kala xulan karto, si ilkahaaga ay u noqdaan kuwa dhalaalaya oo aad u cad. Si kastaba, badankooda waxaa ku jiro kiimikooyiin caddeeya ilkaha, taas oo walwal ku ah dad badan.

Haddii aad dooneyso ilko nadiif ah oo dhalaalaya, kana baqeyso kiimikooyiinka, haddaba, warbixintan way ku anfaceysaa ee akhriso. Waxaan ka hadleynaa waxyaabaha dabiiciga ah ee ilkaha dhalaaliya.

  1. Saliid ku cadeyo

Qaabka cadeyga saliidda waxaa si dhaqan ahaan ah looga adeegsadaa Hindiya, balse hadda wuxuu ku faafay dunida kale. Waa hanan saliid loo marinayo ilkaha iyo ciridka. Waxayna dishaa bakteeriyada afka gasha.

Bakteerayadaas waa midda keenta in ilkaga ay jaalle noqdaan.  Sida caadiga ah, waxaa la isticmaalaa saliidda Galabdeyaha, sisinta ama qumbaha.

Saliidda Qumbaha waa midda ugu wanaagsan, sidoo kalena aadan ka lalabooneynin. Balse dookhaaga adiguu kugu xiran yahay. Dhowr Cilmi Baaris oo la sameeyay ayaa muujiyay in saliidahan ay dilaan bakteeriyada afka gasha ee ilkaha wasaqeysa.

Balse dhinaca Seyniska weli baaritaan dhab ah loogama sameynin arrintan. Laakiin waa qaab badqab leh oo aan kiimiko ku jiri, waadna tijaabin kartaa.

Dhamman noocyada saliiddan, waxaad u adeegsan kartaa si maalinle ah, wax dhibaato ahna kuuma geysanayaan.

  1. Ku cadeyo fixiso (baking soda)

Baking Soda – oo loo adeegsado cuntooyiinka, nadaafadda – waxaa loo adeegsan karaa cadey ahaan. Waa maado can ah oo afka inta lagu shubto, lagula rugo cadeyga. Waxay si degdeg ah u nadiifineysaa ilkaha oo dhan, waxayna ka saareysaa wasakhda ku dheggan.

Sidoo kale, fixisada waxay ka hor tageysaa bakteeriyada ku sameysmi lahay hareeraha afka. Balse xusuusnow, hal mar oo aad ku cadeyatay, kuma caddeyn karto ilkahaaga, waxaan u baahan tahay in aad si joogto ah ugu cadeyato illaa muddo laba isbuuc ah.

Cilmi-baaris ayaa muujisay in dawooyiinka lagu cadeydo ee Baking Soda lagu daray, ay ka wanagsan yihiin kuwa kale. Waxay bixiyaan midabka jaallaha ah ee ilkaha ku sameysmay, waxayna wada nadiifiyaan wasakh kasta oo afka iyo ilkaha ku dhegtay.

Sida loo adeegsado: Hal qaado oo Fixiso ah ku dar laba qaado oo biyo ah, ka dibna ku luqluqo, kuna cadeyo, ugu yaraan isbuuciiba dhowr goor.

  1. Isticmaal maadada hydrogen peroxide– waa dareere lagu dilo bakteeriyada

Hydrogen peroxide waa dawo dabiici ah oo loo adeegsado dagaalka bakteeriyada afka. Waxaa xaqiiqo ah in muddo sanado ah loo adeegsanayay in lagu dilo bakteeriyada gasha boogaha jirka iyo afka. Waana mid awood badan.

Dawooyiin badan oo lagu cadeydo ayaa lagu daray maadada hydrogen peroxide, balse qaarkood waa laga badiyay, waxana ka wanaagsan in aad toos u isticmaasho.

Waxaa jirto cilmi baaris lagu ogaaday in dawada cadeyga oo lagu daray Fixiso iyo hydrogen peroxide, ay si aad ah ilkaha u caddeyso, una dhalaaliso. Balse weli waxaa taagan su’alo la xiriira dhibaatada caafimaad eek a dhalan karta haddii la isku daro labadan maado.

Haddaba, waxaa sameyn kartaa in aad xadido ama yareyso isticmaalka waxyaabahan dabiiciga ah – Illaa dhowr goor isbuucii way kugu filan tahay.

  1. Cun khudaarta

In aad cunto khudaarta, waxay u wanaagsan tahay jirkaaga iyo ilkahaaga. In kastoo aan ilkaha lagu cadeyin khudaarta, haddana ruugiddooda waxay caawineysaa in ay ilkaha nadiif nocdaan, afkaagana soo carfo.

Labada ugu wanaagsan waa Strawberries iyo  pineapple. Waxaa la caddeeyay in labadaba ay nafiidiyaan, sidoo kaolena dhalaal u yeelaan ilkaha.

  1. Ka hortag ka hor inta ilkahaaga aysan wasakh noqonin

Inta aad sii waynaaneyso, ilkahaaga waxay sii noqonayaa jaallo, balse waa arrin aad ka hortagi karto. Keliya waxaa eegtaa cuntooyiinka aad qaadaneyso. Waa cabitaannada iyo raashiinka qaar.

Waxaa ka mid ah kafeega, cabitaannada la midka ah kookada iyo kuwa kale oo ilkaha midabkooda bedela.

Sidoo kale, sokorta iska yaree. Waxay caawisaa noocyo ka mid ah wasakhda in ay ku dhegaan ilkaha, Waxa ugu wanaagsan ee aad uga hortagi karto waa cadey joogto ah.

Sidoo kale, haddii jirkaaga ay ku yaraato maadada calcium, waxaa isbedelaya midabka ilkaha, afkana waad ka xanuunsaneysaa. Maadadan waxay xoojisaa awoodda lafaha, oo ilkaha ay ka mid yihiin. Wax kasta oo lafaha awooddooda kordhiya, way u wanaagsan yihiin ilkaha.

  1. Ha yareysanin cadeyga iyo nadaafadda ilkaha

Marna cadeyga ha fududeysanin. Ugu yaraan laba goor cadeyo maalin kasta – Subixii iyo habeenkii. Way wanaagsan tahay in ilkaha aad nadiifiso, markasta oo aad wax cunto. Waxay ta aka hortageysaa wasakhda ku sameysmeysa ilkaha hoostooda iyo dhexdooda.

Si aayar ah u rug ilkaha, marka aad cadeyaneyso. Sababtoo ah, xoog hadduu aad u rugto oo aad is dhaacwacdo, waxaa suuragal ah in aad cadeyan waydo ka dibna wasakh ay gasho ilkahaaga.

Ugu yaraan, sannadkiiba laba goor u tag dhakhtarka ilkaha, daweyn iyo nadiifin si lagugu sameeyo.

Waxyaabaha kale ee aad sameyn karto:

Waxaa jiro arrimo kale oo lagu nadiifiyo ilkaha, in kastoo weli aysan jirin cadeyn dhanka seyniska ah, haddana waa kuwo muddo la soo isticmaalayay.

Waxaa ka mid ah:

  • Dhuxusha jileeca ah: In aad ku cadeyato dhuxul budo ah, waxay dileysaa bakteeriyada iyo wasakhda. Afka illaa ilkaha ayey u fiican tahay.
  • Dhiiqada nadiifka ah: Arrimo badan ayey kaa caawineysaa. Waxaana ugu muhiimsan in wasakhda ku dhegtay ilkaha ee midabkooda bedeshay ayey ka saareysaa.
  • Xuubka khudaarta: Waxa laga fiiqo khudaarta, sida liinta, mooska iyo wixii la mid ah, in ilkaha lagu rugo, waxay ka dhigeysaa caddaan dhalaalaya.

Aragtidaada ka dhiibo