Calanka Mareykanka
Calanka Mareykanka. | Image Credit: UNPLASH

Mareykanka oo dad badan ay jecel yihiin in ay u safraan, haddana waxaa jiro kuwa neceb oo u arka meel aan wanaagsaneyn.

Haddaba aan eegno dalalka ay dadkooda neceb yihiin Mareykanka!

Baaritaankan waxaa sameeyay machadka Pew ee cilmi-baarista sameeyay. Wuxuu aragti ka aruuriyay shacabka dalal badan, ka dib ayey natiijadan u soo baxday. Waa machad aan siyaasad shaqo ku lahayn.

1-      Masar

Sida baaritaanka lagu ogaaday, ka dib markii meesha laga saaray Ikhwaanka, illaa boqolkiiba 85 ka mid ah dadkii Pew la hadlay, waxay aragti aan fiicnayn ka qabaan Mareykanka iyo dadkja Ameerikaanka ah.

2-      Shiinaha

Sannadihii la soo dhaafay, wuxuu xiriir xun oo aan wanaagsanayn u dhexeeyay Shiinaha iyo Mareykanka, taas oo sababtay in dhanka dhaqaalaha lagu dagaallamo.

Ma jiro wax astaan ah oo muujinaya in xiriirka labada dal uu soo hagaagayo. Waxay xaaladda sii xumaatay markii Wuhan uu ka soo bilowday fayraska korona ka dibna u faafay caalamka. Dadkii aragtida laga qaaday ee Shiinaha, waxay xitaa neceb yihiin dadka mareykanka.

3-      Giriigga

Deenta faraha badan ee ragaadisay Giriigga waxay keentay in shacabka dalkaas ay ku adkaato in ay aaminaan farriimaha Mareykanka, sida baaritaanka Pew lagu xusay.

Illaa 63 boqolkiiba dadkii la wareystay ayaa muujiyay in aysan jeclayn Mareykanka.

4-      Turkiga

Khilaafka soo noqnoqday ee labada dal u dhexeeya iyo loolanka dhanka awoodda ciidanka, ayaa laga yaabaa in arrintan ay sabab u tahay. Illaa 73 boqolkiiba dadkii ka qeybgalay baaritaanka waxay muujiyeen in Mareykanka aysan jeclayn.

Dad badan oo diidan mareykanka waxay u arkaan in uu yahay cadow, mana jecla xitaa in madaxda dalkaa ay booqdaan turkiga.

5-      Ruushka

Ruushka iyo dalalka reer galbeedka weligood iskuma fiicnayn. Taa waxay keentay in boqolkiiba 71 aysan jeclayn Mareykanka. Waxaana suuragal ah in arrinta Ukraine ay sii xumeysay.

Waa suuragal in aragtida ay is bedesho, haddii uu hagaago xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

6-      Jarmalka

Jarmalka xiriirka kale dhexeeya mareykanka waa isku dhexjirka Jaceyl/naceyb. Illaa 47 boqolkiiba, dadkii Pew la hadlay ayaa muujiyay in aysan ku faraxsanayn Mareykanka oo aysan dooneyn.

7-      Iraan

Wixii ka dambeeyay 1979, xilligii kacaanka uu ka dhacay Iraan, lana weeraray safaaraddii Mareykanka ee tehraan, wax wanaag iyo saaxiibtinimo kama dhexeynin Mareykanka iyo Iraan.

Illaa 61% boqolkiiba ayaa muujiyay in aysan dooneyn Mareykanka. Xiriirka waxaa sii xumeeyay weerarrada Iran lagu qaaday ee qarsoodiga ah iyo dagaalka Ciraaq iyo arrinta nukliyeerka dalkaas.

8-      Urdun

Dalkan oo deris la ah Masar, shacabkooda waxay wadaagaan aragtida ku saabsan mareykanka. Sannadkii 2009, illaa 13% ayaa Mareykanka necbaa, balse hadda 85% ayey gaartay.

Dowladda Urdun waxaa loo arkaa in ay ka mid tahay saaxiibbada ugu waawayn ee Mareykanka uu ku leeyahay bariga Dhexe, balse shacabka dalkaas ayaan jecleyn Mareykanka iyo aragtidiisa.

9-      Dhulka Falastiin

Si buuxda ayaan Mareykanka loogaga jeclayn dhulka falastiiniyiinta. Balse ra’yi uruurintan ugu dambeysay waxay muujineysaa illaa 72 boqolkiiba.

Xilligii Donald Trump waxay noqotay boqolkiiba 80%, balse hadda ayey hoos u soo yara dhacday.

10-   Belarus

Dalkan yar wuxuu saaxiib dhow la yahay Ruushka, mana jecla Mareykanka iyo xulafadiisa. Illaa 70% ayaa diiday mareykanka iyo aragtidiisa.

11-   Argentina

Dad badan oo u dhashay dalka Argentina aya shaki wayn ka qaba Mareykanka iyo qorsheyaashiisa. Boqolkiiba 57 ayaan jeclayn dalka Mareykanka.

12-   Lubnaan

Si baahsan ayaan Lubaan looga jeclayn dalka Mareykanka, waxaana taas sabab u ah faragelinta arrimaha gudaha dalkaas iyo colaadaha ka dhanka ah Xisbullah iyo dhanka Suuriya dagaalka ka taagan.

Dalalka Midowga yurub ayaan sidoo kale laga jeclayn dalkaas, Jarmalkana waxaa looga arkaa dal xun in uu yahay.

13-   Austria

Sida laga soo xigtay MarketWatch, illaa 55 boqolkiiba oo ka mid ah dadka Austria ayaan jeclayn Mareykanka. Dadka qaar ee aragtidooda dhiibtay waxay sababta ka dhigeen qaabka cuntada fudud ee mareykanka.

14-   Tunisiya

Arrimo la xiriira aragtida mareykanka iyo Islaamka ayaa sababay in boqolkiiba 47 ka mid ah dadka Tunisiya in aysan soo dhoweynin mareykanka. Ma muuqato in tiradaa ay hoos u sii dhici doonto, balse waxaa la qiyaasayaa in ay sii kororto.

15-   Slovenia

Shacabka dalka Slovenia waxaa Mareykanka aragti khaldan ka haysta ilaa 54%, sababtana waxay tahay madaxda mareykanka oo aysan jeclayn. Xilligii Melania Trump ay ahayd marwada koobaad, xoogaa way is bedeshay, balse hadda markale ayey sare u kacday.

16-   Pakistan

In kastoo ciidamo badan ay Mareykanka ka joogaan Bakistan, haddana waa meel aad laga jeclayn. Xitaa dadka mareykanka u dhashay am aka yimaada, lagama soo dhoweeyo Pakistan.

Naceybka Mareykanka wuxuu sii xoogeystay ka dib markii la dilay Osama Bin laden.

17-   Chile

Kala bar shacabkan dalkan ku yaalla Koonfurta Amerika, waxay Mareykanka ka aaminsan yihiin xumaan iyo dhibato. Balse Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay dalkan yar u aragtaa saaxiibkooda ugu wanaagsan ee Latin Amerika.

18-   Canada

Illaa 51 boqolkiiba shacabka Canada ma soo dhoweynayaan mareykanka, wayna neceb yihiin. Taas waxay sii xoogeysatay xilligii Donald Trump, waxaana hadda la filayaa in ay hoos u dhacdo.

19-   Australia

In shacabka Australia aysan jeclaanin Mareykanka waxay soo billaabatay xilligii George W. Bush, waxayna sii xoogeysatay xilligii Donald Trump. Inta badan dadkii lala hadlay waxay aaminsan yihiin ay jiraan sababo keenaya in Mareykanka uu dagaalka iyo colaadaha ku bato.

20-   Netherlands

Inta badan dadka dalkan ku yaalla Yurub oo ah illaa 59%, ayaa Mareykanka u arko dal ay dadkiisu yihiin juhalo, kuwa buuran, cunsuriyiin, iyo dad marqasta baqaya. Dad badan waxay filayaan in “arrimihii cunsuriyadda ee Trump” meesha laga saari doono, xaaladdana ay wanaagsanaan doonto.

21-   Tajikistan

Aragtida ay shacabkan dalkan ka qabaan Mareykanka waa mid aad u daran, balse tirada waa 53 boqolkiiba. Dalkan yar shacabkiisa waxay sidoo kale neceb yihiin Shiinaha iyo dalalka Yurub.

22-   Mexico

Dowladda mexico iyo shacabkeeda waxay aragti aad u xun ka haystaa Mareykanka. Waxaa taa sabab u ah Donald trump, hadalladii  uu dalkaas ka sheegay iyo gidaarka uu xuduudda ka dhisay.

23-   Ciraaq

In Shacabka Ciraaq aysan jeclaanin Mareykanka waxaa sabab u ah dagaalka dalkaas ka dhacay iyo burburka soo gaaray dalkooda. Illaa boqolkiiba 70 shacabka dalkaas, waxay neceb yihiin Mareykanka.

24-   Spain

Arrimo la xiriira xaaladaha dibadda iyo kala aragti duwanaanta labada dal ayaa keentay in shacabka dalkaas aysan soo dhoweynin Mareykanka. Waxaa sii xoojiyay kalsooni-daradii ay ku qabeen Trump iyo madaxtinimadiisa.

25-   Sweden

Waxay ku dhowyihiin Canada iyo Sweden. Illaa boqolkiiba 51 ka mid ah shacabka Sweden waxay mareykanka u arkaan dal aan wanaagsanayn, in kasto sababta ay arrin dhexaad iska tahay. Markale, Donald Trump ayaa sabab u ah xaaladdan. Wuxuuna Mareykanka u soo jiiday in aan dunida laga soo dhoweynin.

Aragtidaada ka dhiibo