Is caawinta iyo isu naxariisa!shada
Is caawinta iyo isu naxariisa!shada waa arrimaha lagu gaari isla dhaqanka wanaagsan!!! | Blue Health

Haddii aad dooneyso in aad ogaato sida dadka ay kuula dhaqmayaan, sida ugu wanaagsan waa in aad naftaada u diyaariso oo adiga aad si wanaagsan ula dhaqanto dadka kale.

Haddii aadan jecleyn in six un laguula dhaqmo, hal waddo oo keli ah ayaa kuu furan – waa in dabeecaddaada aad besho, sababtoo ah dadka kale ma bedeli kartid adiga.

Xiriirka wuxuu u shaqeeyaa sida muraayad aad isku arkeyso. Marka ugu dambeyn humaagaas wuu isbedeli doonaa, wuxuuna ku xiran yahay dhaqankaaga.

Halkan ka akhriso sagaal arrimood oo qiimo wayn leh oo ku saabsan la dhaqanka dadka:

  1. Halkii aad eegi lahayd wixii dadka ay ahaan jireen, eeg waxa ay markaa yihiin, kana cawi dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Qof kasta wuxuu leeyahay wax la soo dhaafay. Qaar way wanaagsanaayeen, arrimaha qaarna way ku wanaagsan yihiin in la iska illaawo.

Balse wax kastoo laga soo gudbay, waa sidii loo soo dhaafay. Dadka way waynaadaan, wayna is bedelaan. Hadaba ha ku qiimeynin wixii la soo dhaafay, eek a taageer sidii mustaqbalkooda ay u hagaajin lahaayeen.

Xushmee oo ujeedadooda ka dhig mid la gaari karo oo fudud.

  1. Si xiiso leh u dhageyso, si degan oo daacadnimo ah ula hadal, si sharaf leh na ula dhaqan.

Dhageysiga iyo xiisaha waa kuwa dhisa xiriirka, kana caawiya in uu sii socdo. In aad si daacadnimo ah oo dhab ah ula hadasho naftaada iyo iyagaba waa arrin kale oo muhiim ah.

In si sharaf leh aad u dhaqanto waa heerka ugu sareeya ee wanaajinta xiriirka kaala dhexeeya dadka kale. Xiriir kasta wuxuu u baahan yahay dhageysi wanaagsan si uu u xoogeysto, deganaan si uu mid qoto dheer u noqdo iyo sharaf si uu u sii socdo.

  1. Qof kasta ula dhaqan si naxariis leh – Ma ahan in ay yihiin kuwa naxariista, balse waa in aad adiga noqotaa:

Hadiyadda ugu qaalisan ee qof kale aad siin karto waa naxariista. Haddii qof uu qabo baahi, u baahan yahay in la caawiyo – garab sii.

Naxariista ha u sameynin oo keli ah dadka aad jeceshahay ama u naxariisato – taa waa mid fudud – balse waxaad kaalmeysaa dadka aadan aqoonin, qof dhibka kuu geysta, iyo kuwa qasaarahaaga jecel.

Naxariista dhabta ah waa marka aad qof caawiso adigoo aan filaneynin in bedelkeeda lagu siiyo.

  1. Ha is wayneynin adigoo liidaya qofka kale:

Marka aad dareemto in dadka kale ay kaa hooseeyaan, oo aad u qadato in aad ka wanaagsan tahay, ka aqoon badan tahay, ka dhaqaale badan tahay, kana awood badan tahay, waa marka ay dhimaneyso sharaftaada iyo sumcaddaada.

Dadka kale dareemsii in ay kula siman yihiin – waxyar ama badan. Haddii aadan caawin Karin, ama u nixi Karin, ugu yaraan kala tag isla weyninkaaga.

Qof kastoo aad la kulanto ula dhaqan si sharaf iyo wanaag leh!

  1. Xusuusnow, qof kasta wuxuu hayaa sheeko u gaar ah.

Waxay noqon kartaa arrin ay la soo kulmeen oo weli dhibkeeda uu haysto, balse ogow dabeecaddaas ma ahan mid iska timaada.

Qof kasta waxaa haysto dhibaato uu uurka kala dagaallamayo iyo arrimo kale. Adigoo aan ku qiimeyn taa, waxaad siisaa caawinta aad adiga u baahnaan lahayd haddii booskooda aad joogi lahayd.

  1. Dadka ulama kulanno si lama filaan ah:

Qofkasta oo aad la kulanto, waa arrin saameyn ku leh noloshaada – ha yaraato ama ha badnaato. Kuwa way ku caawinayan si aad u horumarto, kuwana dhaawac iyo dhib ayey kuu geysanayaan. Qaarna way ku dhiiragelinayaan.

Sidoo kale, adiga xitaa door ayaad ku yeelaneysaa noloshooda. Haddaba ogow, arrintaas sabab uun ayey u dhacday ee dadka si wanaagsan ula dhaqan.

  1. Macalinka ugu wanaagsan waa midka aan kuu sheegeynin sida guusha lagu gaaro, balse ku tusa waddada loo maro:

Ma jirto wax ka farxad badan in aad dadka kale caawiso, oo garab ka siiso yoolka ay tiigsanayaan iyo sidii ay ku gaari lahaayeen heerka saree e ay ku hamminaayaan.

Balse taa micneheeda ma ahan in aad wax kasta u xalliso ama adiga u sameysid. Noqo hage ku jiheeya awooddooda. Sii taageerada iyo dhiiragelinta ay u baahan yihiin, si ay u helaan waddadooda u gaarka ah ee guusha.

Waxa keliye ee lagaaga baahan yahay waa in aad tusto sida ay naftooda u aaminayaan!

  1. Qofna hoos ha u eegin, in aad caawineyso mooyee:

Waan jecelnahay in aad ka fikirno sidii mudnaanta na loo siin lahaa, marka way fududahay in qof loo eego si hoose ama sida qof kaa hooseeya, weliba si gaar ah, marka qofkaas uusan guul gaarin, ama aqoon lahayn.

Balse waa in aad ogaataa dhibaatada ay arrintaa leedahay iyo meesha ay ku dambeyn karto. Wakhtiga ayaa is bedeli karo oo noloshaadana hoos ayey noqon kartaa. Haddaba dadka si sharaf le hula dhaqan.

  1. U mahadceli dadka ku taageera, cafi kuwa ku dhibaateeya, caawi kuwa kuu baahan:

Ganacsiga iyo shaqada way dhib badan yihiin, nolosha na way adag tahay, hoggaamintana way dhib badan tahay. Dadka oo dhan, oo naftaada ay ka mid tahay ula dhaqan si jaceyl iyo naxariis leh.

Dadka ula dhaqan sida aad adiga jeclaan lahay in laguula dhaqmo, noloshana markaas ayey hagaagi doontaa.

Aragtidaada ka dhiibo