Cuntooyiinka ka sameysan kalleyda
Cuntooyiinka ka sameysan kalleyda, waa kuwa ugu wanaagsan suxuurta. | UNSPLASH

Waxa aad cuneyso ama iska deyneyso inta lagu jiro bisha Ramadan, waxay saameyn wayn ku yeelanayaan awooddaada iyo sida aad gaajada ugu adkeysaneyso.

Marka aad gaajooto maalinta, waxaad mararka qaar ku fakareysaa in afur badan aad cunto, balse sida dhabta ah way kugu adag tahay in aad wax badan cunto. Suxuurtana waa la mid oo waxaad niyadda ku haysaan in caloosha aad sahay ku qaadato.

Iska badinta cuntada uma fiicno caafimaadka guud iyo midka calooshaba. Raxma Cali oo ku taqasustay daweynta iyo cuntada, ayaa sheegtay in cuntada afurka iyo suxuurta loo baahan yahay in la isu dheellitiro.

Waa in lagu daraa khudaar kala duwan, caano iyo cuntooyiinka kale ee caadiga ah. Waana in marar kala duwan la cuno.

“Soonka wuxuu qeyb wayn ka qaadan karaa caafimaadka, balse waa in dhaqamo wanaagsan oo wax cunid ah la yeesho. Haddii aan sidaa la sameyn, cuntada dhib ayey kuu geysan kartaa. Waa in aad is xakameysaa haddii aad aragto cunto badan,” ayey tiri.

 “Suxuurta ujeedadeeda waa in ay noqotaa in aad maalinta oo dhan awood lahaato oo gaajada u adkeysato. Waxaa muhiim ah in cuntada aad qaadaneyso ay tahay mid jirkaaga biyo u yeeleysa.”

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah cuntooyiinka ay ku talisay in la cuno iyo kuwa laga fogaanayo:

Cuntooyiinka afurka

Khudaarta ay ku badan tahay Potassium: Maadada Potassium waa lagama maarmaan, waxayna u fiican tahay shaqada jirka. Waxa ugu wayn waa in jirka ay ku celiso biyaha si uusan u qalalin, isuguna dheelli tirto. Cuntooyiinka laga helo waxaa ka mid ah digirta, afakaadhada, Caanaha suusaca ama garoorta ah, iyo mooska. Sidoo kale timirta waa meesha laga helo maadadan, waxaadna ka heleysaa awood dheeraad ah.

Biyo kugu filan: In aad cabto biyo badan, illaa inta aad awoodda – kuwa cad ama cabitaanno – xilliga afurka iyo suxuurta, waxay aad u caawineysaa in jirkaaga uusan aqalalin.

Lowska ceyriinka ah: Noocyada lowska oo dhan way wanaagsan yihiin. Waa dufanka caafimaadka leh, gaar ahaan xilliyada ugu dambeeya ee daalka iyo haraadka la dareemayo ayuu u fiican yahay. Haddii habeenkii aad cunto, waxaa afurka la gaarayaa adigoo aan gaajo iyo haraad dareemin.

Lowska wuxuu ka mid yahay cuntooyiinka caafimaadka leh
Lowska wuxuu ka mid yahay cuntooyiinka caafimaadka leh | Credit: UNSPLASH

Khudaarta biyaha leh: Qajaarka, qaraha iyo saladhka si guud iyo khudaarta kale ee laga helo macdanta kala duwan iyo biyaha, cun inta habeenka lagu jiro. Waxaad ka heleysaa in jirkaaga uu qaboobo iyo in haraggaaga uu caafimaad helo. Sidoo kale calooshaada caafimaad taam ah ayey heleysaa.

Ka fogow kuwan

Cabitaannada leh kaarboonka: Ka fogow cabitaannada la soo warshadeeyay iyo kuwa kaarboonta leh. Waxaa ku badan sokorta, waxayna kuu keeni karaa cayil badan, waxayna sababi karaan dibiro iyo calool xanuun. Hannaanka dheef-shiidkana uma wanaagsana. Waxaad cabtaa kuwa dabiiciga ah oo keli ah.

Cuntooyiinka sokorta badan leh: Raashiinka laga buuxiyay sokorta waa in laga fogaado. Ha ahaadan kuwo la kariyay ama kuwa warshadeysan iyo macmacaanka kale. Haddii maalin kasta aad cunto waxay kuu geysan karaan dhibaato caafimaad.

Cuntooyiinka la dubay ama sokorta badan leh, uma wanaagsan caafimaadka guud, xilliga ramadaanna waxay sababaan cayil | Credit: UNSPLASH

Cuntooyiinka la shiilay ama la dubay: Raashiinka saliidda badan leh ama aadka loo qallajiyay, midna uma wanaagsana caafimaadka iyo maqaarka ba. Adigoo maalinta oo dhan soo gaajeysnaa haddii aad cunto raashiinkaas, waxay kuu keeni karaan gaas, calool hur iyo in cuntada ay kaa degi waydo.

Cuntooyiinka suxuurta

Raashiinka leh borotiinka: Ukunta waxay leedahay borotiinno badan iyo cuntooyiinka la midka ah waa in aad cuntaa. Maalinta oo dhan waad dherganaaneysaa, carabkaagana ma qalalayo oo dhadhankooda ayaa ku haraya.

Cuntada leh macdanta: Boorashka ayaa ka mid ah, waxaana u baahan jirkaaga xilliga suxuurta. Caloosha marka ay gaarto si aayar ah ayey u baabe’eysaa, waxayna ku sii jireysaa illaa galabkii am aka dib. Waxay yareysaa dufanka dhiigga gala iyo sokorta. Awood bandanna waad ka heleysaa.

Cuntooyiinka laga helo Calcium iyo fitamiinnada: Meesha ugu wanaagsan waa caanaha oo laga helo dhammaan maadooyiinkan iyo borotriinno. Suusaca iyo malabka waxay ka mid yihiin kuwa ugu fiican.

Ka fogow cuntooyiinkan

Raashiinka leh carbohydrates: Cuntooyiinkan sida sokorta, burka, baastada, bariiska iyo keegga iyo wixii la mid ahba, waa macaan, laakiin ma wanaagsana oo waxaa ku yar borotiinka, saacado ka dibna waad ka gaajooneysaa.

Cuntada cusbada ku badan tahay: In jirkaaga uusan helin sodium aan isu dheellitirnayn, xilliga aad sooman tahay, waxaa ka qaadeysaa oon aad u daran. Haddaba ka fogow cusbada.

Kafeega: Cabitaannada lagu daray kafeega ama maadooyiinka la midka ah waxay kaa dhigayaan how soo taagan oo aan nasaneyn. Sidoo kale, jirkaaga waxba kama faa’idayo, wuxuuna ku gaarsiinayaa in maalinta oo dhan aad oomanaato.

Aragtidaada ka dhiibo