Faa'iidada Huruudda
Faa'iidada Huruudda aad ayey u badan tahay - NGR Booster

Waa suuragal in aad garaneyso huruudda iyo waxa loo adeegsado. Waxaana macquul ah in ay kula tahay in dumarka oo keli ah ay wejiga marsadaan, balse wax intaa ka badan ayaa loo adeegsadaa huruudda.

Huruudda waa dawo, dunidana hadda waxay ka sii noqoneysaa can. Balse dadka Hindiya waxay isticmaalayeen in ka badan 4000 oo sano. Waxay ku darsadaan cuntooyiinka.

Huruudda waxay caafimaad wanaagsan u tahay jirka. Waxaa lagu sameeyay tijaabooyiin badan oo lagu ogaaday faa’iidada ay leedahay.

Qaar ka mid ah faa’idooyiinka ay leedahay waxaa ka mid ah, daweynta walbahaarka iyo ka hortagga in xusuusta iyo garashada ay lumaan. Sidoo kale waxay qofka ka ilaalisaa cayilka.

Waxaa suuragal ah in ay ka wanaagsan tahay dawooyiin aad u badan oo hadda dunida laga isticmaalo. Waxayna macaaneysaa cuntada.

Haddaba isticmaal huruuda, ka dib waad arki doontaa faa’idooyiinka aad ka hesho. Cuntada ku darso, iyadoo caleen shaah ah cab:

1- Ka hortagga caabuqyada ka dhasha falcelinta jirka

Falcelinta jirka ee sababa xanuunnada sida finanka iyo xasaasiyadda, waxaa sababo wax jirka ku jira oo la dagaallama duullaano dibadda kaga imaanaya , balse dhibaato caafimaad ayuu leeyahay.

Sababto waxay tahay, waxaa suuragal ah in uu la dagaallamo unugyada iyo qeybaha kale ee jirka ee caadiga ah. Haddaba huruudda waxay u wanaagsan tahay arrintaas iyo ka hortaggeeda.

Huruudda oo ah xididka geed oo caafimaad badan leh, Waxay yareyneysaa qaabka uu jirka uga falcelinayo waxyaabaha qaar ee aan dhibka lahayn, waxayna difaaceysaa in xusuusta iyo maskaxda qofka ay lumaan.

2- Jirkaaga iyo wejigaaga waxay u muuqanayaan dhallinyaro

Huruudda waxay sidoo kale masuul ka noqoneysaa in jirkaaga uu dhalaalo, dhallinyarada aad u ekaato. Maadadan suntan disha waxaa ku jira kiimikooyiin ka hortaga waxyaabaha sumeysan ee jirka soo gala.

Waxyaabahaas suntan ah waxay keeni karaa in maqaarka ay ka baabi’iyaan unugyada uu ku shaqeeyo ee isku celinaya. Haddana huruudda waxay ka hortageysaa arrimahaas iyo fallaaraha shucaacyada sida qoraxda ee dhibaatada u geysan karo maqaarka.

Sida ugu wanaagsan waa in aad cuntada ku darsato, adigoo weli marinaya jirkaaga.

3- Awoodda jirkaaga uu isaga celinayo sunta ayaa kordheysa

Difaaca jirka ayaa aad u xoog badnaada – Xuquuqda sawirka: NGR Booster

Sida aan kor ku soo sheegnay, huruudda waxay dishaa waxyaabaha suntan ah ee kiimikada leh ee soo gala jirka. Taas waa arrin saameyneysan jirkaaga oo dhan, maqaarka oo keli ah ma ahan.

Sidoo kale, huruudda waxay keeneysaa farsamooyiin ay xubnaha muhiimka ah ee jirka, sida kelyaha, isaga celiyaan caabuqyada soo weerrara.

4- Hannaanka difaaca jirka ayaa kordhaya

Waa fikrad wanaagsan in markasta aad kordhiso awoodda uu jirkaaga isaga difaacayo fayrasyada iyo caabuqyada kaaga yimaada bannaanka ee duullaanka ah.

Marka hannaanka difaaca uu la tacaalayo weerarro kala duwan, marka dambe wuu daalayaa. Huruudda waxay diyaar u tahay in caajiska ay ka bixiso, awood dheeraad ahna siiso. Xawaaraha shaqada ayey sidoo kale kordhisaa.

5- Ka hortagga walwalka

Walwalka wuxuu ka mid yahay cudurada ugu daran ee maskaxda ku dhaca – Sawirka: NGR Booster

Huruudda waxay tallaabo ka qaadaa arrimaha walwalka ku haya maskaxda eek u dhex wareeganaya. Walbahaarka waa cudur aad u xun oo sababi kara xaalado caafimaad darro oo soo gaara maskaxda iyo jirkaba.

Huruudda waxay ka hortageysaa in dhiigga uu si aan wanaagsanayn u shaqeeyo oo maskaxda dhibaato gaarsiiyo. Taana waxay muhiim u tahay ka hortagga iyo daweynta walbahaarka.

Balse, markasta oo aad isku aragto xaalado walbahaar leh oo dhib kugu haya, waa in aad dhakhtarka la tashato si uu kaala taliyo dawooyiinka kale ee aad isticmaaleyso.

6- Huruudda waxay yareysaa halista cudurada wadnaha

Huruudda way u wanaagsan tahay cudurada wadnaha – Xuquuqda Sawirka: NGR Booster

Huruudda waxay kaa caawin kartaa in wadnahaaga uu caafimaadkiisa siyaado. Sababtoo ah waxay xoojisaa toosnaanta halbowleyaasha dhiigga qaada ee wadnaha ku xiran.

Toosnaanta iyo shaqada halbowleyaasha waxay wanaajineysaa wareegga dhiiga iyo sida uu u soconayo, in xinjiraha ay dhaqaaqaan iyo arrimo kale.

Dadka qaar ee baaritaanka ku saameyay huruudda waxay aaminsan yihiin in ay u wanaagsan tahay sida jimicsiga u fiican yahay.

7- Daweynta iyo ka hortagga kansarka

Arrintan weli si buuxda looma cadeynin, balse tijaabooyiin laga sameeyay Hindiya waxaa lagu oagaaday in dhirtan ay ka hortagi karto unugyada qaar ee sababi kara kansarka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay yareyneyso in kansarka uu ku faafo jirka, mararka qaarna waxay dili kartaa unugyada kansarka ah.

Sidoo kale baaritaanka waxaa lagu ogaaday in huruudda ay ka adag tahay unugyada tumors loo garanayo ee isu bedeli kara kansarka ee gala halbowleyaasha dhiigga. Dhakhaatiirta waxay isku raaceen in baaritaanno dheeraad ah loo baahan yahay.

8- Daweynta iyo ka hortagga in xusuusta lunto

Cudurka Alzheimer’s –ka wuxuu ku soo badanayaa dunida waa mid halis badan leh oo sababi kara xanuunno waalidu ka mid tahay.

Cilmi baarisyo ayaa muujiyay in huruudda ay ka hortageyso Alzheimer’s. Waa xanuun keena in maskaxda ay tagto, waxaana sababa borotiinno ku dhex sameysma xididada iyo neerfayaasha maskaxda.

Huruudda waxay ka hortageysaa in borotiinkaas uu sameysmo, waxayna awood u leedahay in ay baabi’iso midka ku sii sameysnaa.

9- Xannuunada kalagoysyada jirka

Waa qeyb kale oo jirka ka mid ah oo huruudda ay aad ugu wanaagsan tahay. Waxay la dagaallameysaa bararka iyo xanuunka ku dhaca kalagoysyada jirka, si gaar ah dadka da’da ah iyo kuwa qaba lugo xanuunka.

Baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dadka qaba xannuunada la isku dhoho osteoarthritis, ay muujiyeen horumar caafimaad ka dib markii la siiyay huruudda oo cunto loogu daray.

Sidoo kale xanuunnada rheumatoid waxaa lagu arkay in si aad u wanaagsan ay uga caafimaadeen dadkii qabay, ka dib markii huruudda ay cuniddeeda joogteeyeen.

Aragtidaada ka dhiibo