Faa'iidada timirta
Timirta waa miro aad u qiimo badan - Copy Right: UNSPLASH

Diinteenna Islaamka waxay inagu baraarujisay in timir lagu afuro – waana sida Nabigeenna SCW uu inoo sheegay.

Xilligan casriga ah waxaa la caddeeyay in timirta ay leedahay faa’idooyiin badan oo caafimaad iyo waxyaabo macdan ah oo jirka u baahan yahay iyo nafaqo.

Sidoo kale Axaadiis ayaa inoo sheegaya in maalin kasta la cuni karo timirto oo caafimaad badan leh.

Sida uu weriyay Anas Binu Maalin 9Radiyallahu Canhu), Nabiga SCW, wuxuu ku afuri jiray timir markaa uun geedka laga soo jaray, ka dib ayuu salaadda Maqrib tukan jiray. Haddii uu waayo timir fereesh ah, wuxuu cuni jiray timir qalalan, haddii uu waayana, biyo ayuu kaban jiray. Waxaa Xadiiskaas weriyay Imaamu Tirmidhi.

Haddaba, 6 faa’iido oo timirta ay leedahay akhriso:

  1. Timirta way jilcan tahay si fudud ayaana lagu liqi karaa, marka dheef-shiidka way u fududahay, calooshana dhib uma geysato haddii aad cunto ka dib saacadaha dheer ee aad soomaneyd.
  2. In timir lagu afuro waxaa laga faa’idayaa in gaajada ay si degdeg ah kaaga ba’do, oo aadan ku degdegin in cunto aad u badan aad cunto. Cuntada badan ee lagu afuro waxay dhibaato u geysan kartaa caloosha iyo dheef-shiidka.
  3. In timir lagu afuro waxay keeneysaa in caloosha ay diyaar u noqoto cunto kale, maadaama ay gaajeysneyd, shaqo la’aanna ahayd muddo saacado ah – maalinta oo dhan. Hannaanka dheef-shiidka ayaa sidoo kale diyaar garoobaya.
  4. Timirta waxay qani ku tahay macaan dabiici ah oo si degdeg ah u soo celiya awoodda jirka. Sidoo kale waxay leedahay nafaqooyiin u wanaagsan unugyada maskaxda iyo neerfayaasha.
  5. Timirta waxay kaa difaaceysaa dibirada iyo in caloosha ku istaagto (oo saxarada kugu dhegto), maadaama caloosha ay gaajooneyso.
  6. Cusbada alkaline ee timirta ku jirta waxay dib u habeyneysaa aasidhka jirka ku jira ee cadaadinaya dhiigga eek a dhalata hilibka iyo cunidda raashiinka leh carbohydrate-ka,  kuwaas oo sababi kara cudurro badan sida sokorow ama macaan, lugo xanuun, dhagxaanka kelyaha iyo caabuqyada kaadi-heysta, dhiig-karka iyo baabasiirka.

Faa’idooyiinka kale ee timirtu leedahay

plate of brown nuts

Timirta waxaa ku badan maadooyiinka magnesium iyo kaalshiyam. Sidoo kale waxaa baaritaan lagu ogaaday in ay dawo u noqon karto xanuunnada neef-mareenka.

Sidoo kale waa lagu daweyn karaa dhiig-la’aanta, xasaasiyadda, iyo calool-fadhiisadka.

Timirta waxaa sidoo kale ku jira 7 nooc oo fitamiinno ah iyo 11 nooc oo mcadan ah, oo dhammaan u wanaagsan caloosha iyo qeybaha kale ee jirka.

Dhakhaatiirta qaar ee Carabta waxay ku talinayaan in caano geel ama caano ari lagu cuno, si caloosha ay faa’iido badan ugu yeelato.

Sidoo kale waxaa la soo jeediyay in timirta la siiyo haweenka uurka leh. Cilmi-baarisyo caafimaad ayaa muujiyay in timirta ay faa’iido badan u leedahay haweenka uurka leh iyo hooyooyiinka naas-nuujinaya.

Timirta waxay leedahay maadooyiin caawiya xoojinta murqadaha caloosha oo sababi kara in si fudud ay hooyada ku umusho oo canuga ku dhasho. Sidoo kale macaanka timirta waxay hooyooyiinka ka helaan awood dheeraad ah.

Sida diinta Islaamka lagu sheegay, Maryama (NNKH) markii ay dhaleysay Nabi Ciisa (CS), oo foosha xanuun ay ka dareemtay, waxaa loo sheegay in timir ay cunto.

Sida ku jirto Suuratu Maryama, in Maryama lagu yiri ‘Ha murugoonin, Alle ayaa awood ku siinaya. Haddii aad ruxdo geedka timirta ah, waxaan aks oo daadanaya miro timir oo cusub, si fiicanna u karay. Cun oo cab, qalbigaagana deji… (Quran 19:24-26)

Aragtidaada ka dhiibo