Maskax
Xanuunnada maskaxda waxay ku bilowdaan fikrado iyo arrimo kale oo buuxiya. - UNSPLASH

Muxuu yahay ‘fikirka qottada dheer ee arrin la xiriira’

Weli maskaxdaada ma qabsaday fikirka hal arrin? Ama aragtiyo isku qasan oo soo noqnoqda?

Fikradaha sida joogtada ah u buuxiya maskaxdaada ee badanaa la xiriira murugo ama mugdi, waxaa loo garanayaan Rumination.

Dabeecad in ay noqdaan fikradaha noocaas ah waa halis wayn oo dhanka maskaxda ah. Waxay isu bedeli kartaa walbahaar cudur ah, waxayna saameyn kartaa hannaanka u fikiridda si sax ah iyo shucuurta qalbiga.

Waxaa suuragal ah in ay ku gaarsiiso heer cidlonimo ah, waxayna keentaa in dadka ay kaa dhex saarto.

Maxaa sababa Ruminating?

Dadka sababo kala duwan ayey maskaxdooda fikrado amah al fikir uga guuxaan. Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka maskaxda ee Mareykanka, arrimaha qaar ee sababa guuxa fikirka ee maskaxda waxaa ka mid ah:

  • In aad aaminsan tahay in wax faa’iido ah aad heli doonto ama dhib ku soo gaari doono
  • In naxdin ama dhaawac jidhka ah ay horey kuu soo gaareen
  • In xilligaas uu ku haysto walwal xun oo xilligaa aan la xakameyn karin

Dhibaatada maskaxeed ee noocan ah wuxuu sidoo kale ku badan yahay dadka qaar eel eh dabeecado qalafsan – sida dadka raba in waxkasta ay kaamil ahaadaan, ama dadka naftooda ka shakisan ee xumaanta oo keli ah dareema iyo kuwa aad u qiimeeya xiriirka dadka kale kala dhexeeya ee isku wareeriya sida dadka kale u arkaan.

Arrinta xiriirka waa sida in aad naftaada u hurto saaxiibtinimada qof oo qiimo wayn aad siiso, balse iyaga dhankooda aysanba dank a lahayn xiriirkaas.

Sida aad isaga celin karto fikradaha loo garanayo Ruminating

Marba haddii maskaxdaada ay u xannibanto hal fikir ama fikrado aan wanaagsanayn oo joogto ah, way adkaan kartaa in aad iska saarto.

Haddii an dhex-gasho baddaas wareegtada ah, waxaa muhiim ah in sida ugu dhaqsaha badan aad isaga joojiso, inta aysan ka sii darin ee xaaladda aysan xumaan.

Way fududahay in fikradaha guuxaya la joojiyo inta ay cusub yihiin ee bilowga ay joogaan, oo xawaarahoodana uu yaryahay. Marka ay xoogeystaan, way adag tahay in la joojiyo.

Haddaba, halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa 10 qaab oo aad isaga joojin karto markasta oo ay kugu bilowdaan ba:

  1. Wax kale oo wanaagsan isku mashquuli

Marka aad garato in fikir xanuun ah oo aadan dooneyn kugu bilowday, waa in aad raadiso wax wanaagsan oo aad isku mashquuliso.

Dhinacyada eeg, wax fiican soo qabso isla markiiba, hana siinin fursad. Haddii keligaa aad tahayna, soo bax ooi dad kale dhexgal. Ka fikir sameynta arrimahan:

  • Wac saaxiib ama qof qoyska ka tirsan
  • Guriga shaqo ka qabo ama meesha aad joogto
  • Quraan akhriso ama duceyso
  • Buug qor ama mid akhriso
  • Filim daawo
  • Luga baxsi ama socod gaaban aad
  1. Qorsheyso waxa aad sameyn doontid

Halkii aad ku celcelin lahayd fikradaha xun, iska saar taa oo qorshe u sameyso sidii aad wax uga qaban lahayd oo isaga daweyn lahayd.

Maskaxda waxaa gelisa tallaabo kasta oo aad qaadeyso si aad uga fogaato fikradaha ku dhibaya, ama warqad ku qor si aad u xusuusato. Noqo qof degdeg isaga celiya, tallaabooyiinkana ha noqdaanno kuwo la sameyn karo oo macquul ah.

Taa waxay carqaladeyneysaa fikradaha Rumination-ka. Sidoo kale waxay kaa caawineysaa in fikadaha xun oo dhan aad iska saarto.

  1. Ficil samee hadda – ha sugin illaa beri

Marka aad dejisato qorshe wanaagsan, ficilka u qaad sida ugu degdegga badan – ku bilow tallaabooyiinka yaryar ee fudud, si gaar ahna u eeg xaaladaha keena fikradahaas.

Qorshahana ku darso sidii aad wax uga qaban lahayd arrimaha kugu haya walwalka faraha badan.

  1. Su’aal geli fikradaha xun marka ay kugu bilowdaan

Badanaa fikrado xun-xun ayaa ka guuxa maskaxdeena marka aan dareemno ama ay nala noqoto in khalad aan sameynay, ama marka aan soo xusuusano arrin xanuun iyo qalbi-jab nagu ah oo nagu dhacay mar hore.

Haddii maskaxdaada ay bilowdo fikradaha noocaas ah ee ku dhibaya, haddaba waxaad isku deydaa in fikirkaas soo noqnoqonaya aad u rogto aragti, su’aal na iska waydiiso sababta iyo waxa ay yihiin.

Waxaad si qoto-dheer uga fakartaa in ay suuragal tahay in fikradaha kaa guuxaya eek u dhibaya aysan sax ahayn – taa waxay kaa caawin kartaa in aad joojiso.

Marka aad sidaa u fakarto oo su’aalo is weydiiso, waxaa kuu soo bexeysa in waxa ku dhibaya aysanba micno sameyneyn mararka qaar.

  1. Wax ka bedel yoolka noloshaada ee aad tiigsaneyso

Ujeedooyiinka isla-qumanaanta ku saleysan ee aan macquulka ahayn, waxay sababaan fikrado xun oo maskaxda kaa qabsada.

Haddii yoolkaagu yahay wax aan macquul ahayn, haddaba waa in aad dib u eegtaa oo aad diiradda saarto sababta ay u fashilmeen. Ama is weydii waxa wanaagsan ee aad sameyn kartay si aad u gaarto ujeedooyiinkaaga.

Waxay arrintaa kaa caawineysaa in aad la timaado arrimo macquul ah oo aad tiigsan karto, sidoo kalena aad awooddo in aad ku guuleysato.

Taa waxay yareyneysaa in si xadka ka baxsan aad u fakarto, ka dibna xanuun uu kugu noqdo fikirkaas.

  1. Ka shaqee sidii aad u kordhin lahayd kalsoonidaada

Badanaa dadka maskaxdooda ay ka guuxayaan fikradaha aan loo baahnayn, waxay sheegaan in kalsooni darro ay hayso. Sidoo kale waxaa lala xiriiriyay kororka walbahaarka.

Qaababka aad sare ugu qaadi karto kalsoonida waxaa ka mid ah in aad kordhiso arrimaha aad awoodda iyo aqoonta u leedahay. Ka dib shaqadooda u bado. Sidoo kale isku filnaanshaha wuxuu kordhiyaa isku kalsoonaanta.

Haddii aad awoodi waydo in aad kordhiso kalsoonidaada, waxaad la hadli kartaa dhakhtar ku taqasusay cilmi-nafsiga oo kaa caawin kara

  1. Isku dey jimicsiga maskaxda (meditation)

Jimicsiga maskaxda wuxuu yareyn karaa fikradaha xun ee maskaxda qabsada, sababtoo ah wuxuu nadiifiyaa maskaxda, wuxuuna gaarsiiyaa heer xasillooni wanaagsan ah.

Mararka qaar ee aad isku aragto arrimo madaxaaga ka guuxaya, waxaad raadsataa meel deggan – fariiso, si qoto-dheer u neefso, ka dib waxaad diiradda saartaa neefsiga oo keli ah, inta kale iska saar oo haka fakarin.

  1. Faham waxa kugu kicinaya fikradaha xun

Markasta oo aad isku aragto fikrado ku dhibaya, waxaad meel ku qortaa xaaladda aad xilligaa ku jirto ee suuragalka ah in ay kugu kicisay.

Waxaa taa qetb ka ah, meesha aad joogto, xilliga ama saacadda, yaa kula jooga, iyo wixii aad sameyneysay xilligaas.

Ka dib waxaad is bartaa qaababka aad uga fogaan karto arrimahaa aad qortay ee kugu kicin kara fikradaha xun.

  1. Qof asxaabtaada ka mid ah kala sheekeyso

Fikradaha Rumination-ka waxay mararka qaar kugu qasbayaa in aad cidlooto. Haddaba qof kala hadal fikradahaas ku dhibaya, gaar ahaan qof aad ka heli karto garab iyo aragtiyo kale oo wax kuu tari kara.

Iska hubi in saaxiibkaas uu ku siiyo aragtiyo wanaagsan – waana in uusan noqon qof isagaba dhib ay ka haystaan fikrado ka guuxaya.

  1. Isku day in aad dhakhtar ku xirnaato

Haddii fikradaha xanuunka ah ay la wareegayaan noloshaada, oo aad ka cabsi qabto in dhib uu kaaga yimaado, haddaba la tasho dhakhtar si daweyn ama la talin caafimaad laguugu sameeyo.

Dhakhtarka wuxuu kaa caawinayaa sida aad ku garan karto meesha ay ka yimaadeen fikradaha ku dhibaya iyo qaabka aad u xallin karto.

Wax ka bedelka hab noloeedkaaga

Haddii muddo dheer ay ku dhibayeen fikrado xun oo soo noqnoqday, aadna dooneyso in arrintaa aad soo afjartro, haddaba isbedelladan fudud ku samee sida aad u nooshahay, waxaa suuragal ah in ay ku caawiso:

  • Noqo qof firfircoon oo ay ka go’an tahay xallinta dhibkiisa: Marka hore garo dhibaatada noloshaada ku dhex jirta, ka dib qaad tallaabooyiin aad ku xallineyso – marba mid xalli
  • Dejiso waxa aad naftaada ka fileyso: Fikradaha xun waxay yimaadaan marka aan su’aal gelino qiimaha iyo muhiimadda nafteena. Haddaba Mahdi waxa wanaagsan ee aad sameysan – guulaha aad gaartay – iskana ilow wixii khaldamay. Kalsoonidaada si joogto ah u kordhi, kana fogow waxa ku niyad jebinaya. Waxaadna sameysaa arrimaha aad ku farxeyso.
  • Sameyso hannaan aad isku taageereyso: In aad yeelato saaxiib ama qof qoyska ka mid ah ama xitaa dhakhtar, oo xilliga aad u baahan tahay caawin u yeeran karto, waa muhiim. Waa in ay noqdaan dad kaa mashquulin kara waxa kaa guuxaya ee madaxa kaa qabsaday, sidoo kalena waa in ay kalsoonidaada kordhin karaan.

Aragtidaada ka dhiibo