Talooyin kaa caawinaya ka hor tagista walwalka - Image Credit: UNSPLASH

Tusaale, haddii jaamka jidka aad gasho xilli aad ku degdegeysay shir muhiim ah, oo saacadda aad eegeyso markasta, waxay kugu abuureysaa walwal weyn.

Qeybta madaxaaga ee loo garanayo hypothalamus – oo ah anteeno yar oo maskaxda ku taalla – ayaa go’aan ku gaarta in farriimahaas ay soo dirto. Waxay soo racineysaa hoormoonnada walwalka keena.

Waa hoormoonnada keena ama kiciya qeybta jidhkaaga ee bixiya jawaabta ah “dagaallan ama carar”. Wadnaha ayaa aad u garaaca, neeftaadana waxay noqoneysaa boobsii saa’id ah, murqahana waxa diyaar u noqonayaan falcelin ama ficil.

Arrintaas waa mid u qaabeysan habka difaacidda jidhkaaga ee xaaladaha degdegga ah, waxayna kuu diyaarineysaa in si dhaqso ah aad u falceliso.

Balse marka jawaabta ka dhalatay walwalka ay soo noqnoqto, maalin kasta, waxay halis weyn gelineysaa caafimaadkaaga.

Walwalka waa arrin dabiici ah oo ka dhalata falcelinta jidhka iyo maskaxda oo isu bedela khibrad nololeed. Qof kasta ayaa la kulmi kara arrin walwal iyo walbahaar leh.

Arrimaha maalinlaha ah sida shaqada iyo qoyska iyo illaa xaaladaha nololeed ee kale sida cudurada, colaadda iyo geerida, dhammaan waxay keenaan walwal. Walwalka degdegga ah ee xaaladaha qaar ee kooban, wuxuu u wanaagsan yahay caafimaadkaaga.

Wuxuu mararkaas oo kale kaa caawin karaa in aad la tacaasho dhibaato halis ah. Balse haddii uu soo noqnoqdo, heerkiisana uu sare u sii kaco, markaa wuu ka gudbay xaalad degdeg ah oo is badbaadin ah. Halisna wuxuu ku yahay caafimaadkaaga.

Walwalka cudurka ama xanuunka noqda, wuxuu sababi karaa astaamahan:

  • Xanaaq ba’an
  • Walaac iyo walbahaar
  • Niyad-jab iyo quluw
  • Madax-xanuun
  • Hurdo la’aan

Neerfayaasha Dhexe iyo hannaanka hoormoonnada

Hannaanka dhexe ee neerfayaasha (CNS) waa qeybta “dagaalka ama baxsashada” keenta. Maskaxda gudaheeda, qeybta hypothalamus waxay heleysaa farriinta, waxayna qanjidhada Andrenal-ka u sheegeysaa in ay soo saaraan hoormoonnada walwalka ah.

Hoormoonnadaas waxay dib u kiciyaan wadne garaaca, waxayna dhiig dheeraad ah u diraan qeybaha jidhka ee muhiimka ah marka ay jiraan xaalado degdeg ah, sida murqaha, wadnaha naftiisa iyo qeybaha kale ee jidhka.

Marka cabsida iyo walwalka ay baxaan, anteennada yar ee hypothalamus waxay dhammaan qeybaha jidhka u sheegeysaa in xaaladdii caadiga ahayd ay ku noqdaan. Balse haddii walwalka uu sii socdo, jawaabta iyo falcelinta sidooda ayey u sii wadanayaan shaqada.

Walwalka noocan waxaa sidoo kale sababa arrimo la xiriira dhaqanka iyo dabeecadda, sida cuntada oo la iska badiyo, ama wax cunid la’aanta, balwadda iyo maandooriyaha iyo in qofka uu ka dhex baxo bulshada.

Hannaanka neefsashada iyo wadnaha

Hoormoonnada walwalka waxay saameeyaan hannaanka neefsiga iyo wadne-garaaca. Xilliga walwalka ama cabsida, neeftaada way badataa, ujeedadana waa in awood oxygen ah ay siiso dhiigga.

Haddii qofka uu qabo xanuunada saameeya neef-mareenka sida Asthma ama Emphysema, walwalka iyo cabsida waxay u keeni karaan in neefta ay ku dhegto.

Xilliyada uu jidhkaaga bixinayo walwalka aadka u yar, sidoo kale wadnaha aad ayuu u garaacaa. Hoormoonnada walwalka waxay sababaan in halbowlayaasha dhiigga ay celiyaan dhiig badan oo aada dhanka murqaha, si ay awood ay ku dhaqdhaqaaqaan ama ficil ku sameeyaan u yeeshaan.

Balse taa waxay sare u qaataa heerka dhiig-karka. Natiijada ka dhalata waxay noqoneysaa in walwalka iyo cabsida badan ay sababaan in wadnaha uu muddo dheer qabto shaqo aad u badan.

Markasta oo heerka dhiiggaaga uu sare u kaco, waxaa sii badanaya halista aad ugu jirto wadne-xanuun ama dhinac qalal (stroke).

Hannaanka Dheef-shiidka ee caloosha

Marka aad walwalsan tahay, jirkaaga wuxuu soo saarayaa sokor dheeraad ah, si uu awoodda ama tamarta u kordhiyo. Balse marka walwalkaagu ka hooseeyo heerkii la rabay, jirka ma soo saari karo sokor dheeraad ah.

Haddaba walwalka iyo cabsida waxay sare u qaadi karaan in nooca labaad ee xanuunka sokorta ama macaanka uu kugu dhaco.

Degdegga hoormoonnada, neef-tuurka, iyo wadna garaaca oo kordha, waxay sidoo kale dhib u geysan karaan hannaanka dheef-shiidka.

Waxay u badan tahay in wadne-xanuun ama lab-jeex iyo lab-hur – oo waxay soo celineysaa aashidka ka buuxa caloosha. Laakiin walwalka ma sababo Gaaska caloosha (ulcers), balse wuxuu sare u qaadi karaan halista keeni karta, wuxuuna kicin karaa midka horey caloosha ugu jiray.

Sidoo kale, walwalka wuxuu saameyn karaa qaabka ay cuntada ugu dhex wareeganeysa jirkaaga, waxaana ka dhalan karo shuban ama calool-istaag iyo dibiro.

Waxaa kale oo uu walwalka sababi karaa lalabo, matag iyo calool xanuun.

Hannaanka murqaha

Murqaha way kacaan si ay isaga difaacaan dhaawac ama dhibaato, xilliga uu walwalka ku hayo. Marka aad caadi noqoto, iyagana way degaan, balse haddii walwalka uu joogte noqdo, waxaa suuragal ah in murqahaaga aysan helin xilli nasasho.

Murqaha taagan ee adag waxay sababaan xanuunka madaxa, dhabarka iyo garbaha – iyo mararka qaar jirka oo dhan.

[td_smart_list_end]Haddii aad sidaa ku socoto, waxaad la kulmi kartaa caafimaad darro joogto ah oo sababa in aad joojiso jimicsiga, aadna u adeegsato dawooyiinka xanuunka dejiya.

Hannaanka difaaca jirka

Walwalka wuxuu kiciyaa hannaanka difaaca jidhka, taas oo dheeraad ku noqon karta xilliga xaaladaha degdegga ah.

Kicitaankaas waxaa laga yaabaa in uu kaa caawiyo ka hortagga caabuqyada iyo daweynta degdegga ah ee dhaawacyada.

Balse haddii ay joogto noqoto, hoormoonnada walwalka waxay daciifinayaan hannaanka difaaca, waxayna hoos u dhigayaan sida jirkaaga uu isaga celiyo weerarrada bannaanka uga yimaada.

Dadka qaba xanuunka walwalka, aad ayey ugu nugul yihiin cudurrada faafa sida hergebka iyo qandhooyiinka iyo sidoo kale caabuqyada qaar.

Walwalka wuxuu sidoo kale sababi karaa in waqti dheer ay kugu qaadato in aad ka caafimaaddo xanuunnada ama dhaawacyada.

Aragtidaada ka dhiibo