cunidda cidiyaha
cidiyo cunidda waa arrin aad u xun, nadaafad ahaan iyo caafimaad ahaanba. - GETTY IMAGES

In aad noqoto qof leh dabeecado ama dhaqamo wanaagsan oo joogto ah oo sidoo kale awood ku siiya, waa waxa ugu wanaagsan ee maalintaada.

Sidoo kale, jeclow ama nac, dabeecad xun waxay u daran tahay caafimaadkaaga – maskax, jidh iyo dareenba, iyo xitaa in aad bulshada ka mid ahaato.

Inkastoo ay adag tahay in dhaqamada qaar la iska jaro, haddana waa qasab in la iska daayo kuwa xun. Halkan ka akhriso 11 ka mid ah kuwa ugu xun:

  1. Wax cunidda uu walwalka wehliyo

Waxaa jiro dad wax badan cuna marka ay walwalsan yihiin. Waxay dareemaan farxad marka ay raashiinka iska badiyaan. Qaarkood waxay jecel yihiin mac-macaanka oo ay isaga bi’iyeen walbahaarka, xanaaqa ama niyad-jabka.

Dadka qaarkood, isla markiiba way ka fiicnaadaan walwalka haya, marka ay cuntada iska badiyaan. Balse taa waxay keeneysaa in caafimaad darro laga qaado – cayil ama in qofka uu iska badiyo heerka calore-ga uu jidhka u baahan yahay.

Haddaba, waxaa wanaagsan in xilliga walwalka aad isbarto sameynta waxyaabo kale oo caafimaadkaaga u wanaagsan, halkii aad cuntada ku bururi lahayd. La soco dareenkaaga iyo waxa niyaddaada ay kuu sheegeyso, ka dibna waa in aad is xakameysaa.

  1. Cunidda cidiyaha

In aad cidiyahaaga ku gurto afkaaga waa nadaafad darro, sidoo kale ma wanaagsana bulsho ahaan, waxaa ka dhasho xanuunno ilkaha ku dhaca, sidoo kalena waxay sababtaa calool xanuun iyo in cidiyahaaga xitaa ay qaab ahaan isbedelaan.

Dadka cidiyaha cuna waxay leeyihiin cidiyo gaagaaban; waxaa bannaanka u soo baxa maqaarkii la doonayay in uu daboolnaado.

Haddaba waxaa muhiim ah in aad raadiso oo fahamto waxa kugu kallifaya in aad cidiyahaaga cunto oo ilkaha isaga jarto – ka dib waxaad ku bedeshaa dabeecad kale oo wanaagsan.

Tusaale; haddii cidiyaha aad ku jarto ilkahaaga xilliga aad walwalsan tahay ama xanaaqsan tahay, haddaba, waxaad ku bedeshaa lugo baxsi iyo socod gaaban, markas oo aad walwaleyso.

  1. La saaxiibidda dadka jecel xanta, dhalleeceynta ama diididda waxkasta

Qofkasta wuu garanayaa dadka, ugu yaraanna mid ayaad saaxiib la tahay – ama adigaaba ah. La saaxiibidda dadka xun waxay dhib ku tahay fikrad kasta oo fiican oo aad hayso ama ujeeddo kasta oo aad dooneyso in aad gaarto.

Qof kasta dhib iyo dhalleeceyn naftiisaa ugu filan, haddaba iska daa in aad la socoto ama la saaxiibto dadkaas – haddii adiga aad tahayna waa in aad hadda iska joojisaa dabeecaddaas.

Wakhtigaaga muhiimka ah la qaado dad wax wanaagsan kugu soo kordhinaya oo kuu sheegaya hadallo waxtar leh. Markaas ayaad dareemeysaa farxad.

  1. La joogidda dad aan mahdineyna ama ku muqsuudeynin wanaaggaaga

Waa suuragak in mar uun aad dareemtay xaaladdan oo kale. In aad la joogto dad aan abaal-lahayn oo garaneyn waxa wanaagsan ee aad sameyneyso. Dad aad adiga caawineyso balse iyaga ku lug-goynaya.

Markasta waxaan wanaagsan in arrimaha fiican aad sameyso adigoo aan fileynin in lagugu abaalgudo. Balse way ka duwan tahay dadka aan arkeynin qiimaha aad leedahay, sababtoo ah kuwaas waxay halis ku yihiin naftaada.

Haddaba jooji in aad la saaxiibto dadka noocaas ah. Waxaad waqtigaaga ku bixisaa dad garanaya mahdinta iyo wanaagga.

  1. Cabidda sigaarka

Sigaarka wuxuu ka mid yahay arrimaha ugu badan ee sababa geerida dunida. Balse waa mid la iska deyn karo.

Mareykanka oo keli ah, illaa 500,000 oo qof ayaa ugu dhimata sannadkasta, cudurro ka dhasha sigaarka. Sidoo kale cilmi baaris ayaa muujineysa in seddaxdii qofba ee Shiinaha ku nool, in midkood uu qabo xanuun ka dhashay sigaar.

Sidoo kale, dadka aan sigaarka cabin balse qiiqiisa uu gaaro xitaa waxay halis ugu jiraan xanuunno ka dhashay tubaakada. Haddaba waxaa wanaagsan in si degdeg ah looga celiyo qofkii cabaya.

  1. Cunidda raashiinka fudud (sida beegarka, cabitaannada iscaateynta iyo wixii la mid ah)

Cuntooyiinka loo garanayo Junk food — Meel kasta ayaa laga helaa. Way fudud yihiin. Waxay buuxaan McDonald’s, illaa KFC, illaa Burger King. Xilli kastana waad soo iibsan kartaa.

Haddii ay kula tahay in cunto macaan ay tahay, waxaad u baahan tahay in aad markale fakarto.

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in cuntooyiinkan fudud ay wax u dhibaan shaqada maskaxda, ayna la mid yihiin maadooriyeyaasha la qabatimo.

“ka dib isbuucyo oo la siinayay junk food aad u badan, waxaa doolliga lagu sameeyay tijaabada lagu arkay in maskaxdiisa ay howsha gabtay, markastana uu raadinayo cuntooyiinkaas oo badan”.

Haddaba is weydii sababta aad markasta ugu xiisto cuntooyiinka noocan ah, xitaa haddii shalay aad cuntay?

Sababta waxay tahay in la qabatimo oo maandooriye ay la mid yihiin. Haddaba iska yaree, adigoo u naxaya caafimaadkaaga. Waxaa laga qaadaa cayil, caajis iyo daal badan.

  1. Cunidda hilibka guduudan oo aad u badan

Waxay khubarada caafimaadka isku raaceen in la iska badiyo hilibka guduudan ay sare u qaado halista qofka uu ugu jiro kansark xiidmaha; iyo noocyo ka mid ah kansarka sida midka dhuunta, sambabada iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa jiro xanuunno kale oo laga qaado hilibka guduudan – waa haddii la iska badiyo. Waa in aad la socotaa qiyaasta aad maalin kasta ka cuneyso.

  1. Daawashada TV-ga oo saa’id ah

Marna kama shalayneysid in aad joojiso daawashada TV-ga iyo mobile-ka ba. Dhib ma lahan in mararka qaar aad daawato TV-ga si aad u aragto waxa daafaha caalamka ka dhacaya.

Balse ka daawo barnaamijyo wanaagsan oo wax ku soo kordhinaya noloshaada. Wakhtiyada kale ee TV-ga kaaga lumi lahaa, waxaa kaaga fiican adigoo buugaagta wanaagsan akhrista.

In aad dhowr saacadood habeenkasta hor fadhido TV-ga, waxba kuma soo kordhineyso noloshaada. Hadda waa in aad qaado tallaabo wax ku ool ah oo aad ku joojineyso daawashada TV-ga.

  1. Soo daahitaanka

In aad meelkasta oo lagaaga yeero ka soo daahdo waa dhaqan aad u xun, bahdilna ku ah dadka kale. Waxayna taa muujineysaa in aad tahay qof markasta degdeg qaba. Waa arrin laga fiican yahay in aad raaligelin uun wado markasta.

Jooji in aad soo daahdo. Waa in aad noqotaa qof xilliga ku yimaada oo ballantana dhowra. Naftaada bar in markasta aad ka soo hormarto xilliga ballanta, ugu yaraan 15 daqiiqo.

  1. In waxkasta aad la sugto illaa daqiiqadda ugu dambeysa

In aad daqiiqadda ugu dambeyso aad isu daaliso ama isu mashquuliso oo walwal iyo maskax xanuun ka qaado wax fiican ma ahan. – Waad isdilid.

Waxay dhibaato ku noqoneysaa jidhkaaga iyo maskaxdaada oo degdeg u noqota howlgab. Waxaad noqoneysaa qof markasta shucuurtiisa ay kacsan yihiin, xanaaqsan oo ka walwalsan in shaqada uu ku dhammeyn karo xilligii loo qabtay.

Haddaba, wixii manta ka bilowdo noqo qof ku shaqeeya oo raaca qoraal u qoran, arrimahana u kala horumariya sida ay u kala muhiimsan yihiin iyo waqtiga ku xiran mid kasta.

Xilli hore waa in aad sii bilowdo shaqada oo u kala qeybiso wakhtigaaga qaaliga ah. Waxyaabaha qaar waa in aad dhameysaa ka hor xilliga kama dambeysta.

In aad xilli hore dhameyso waxay sidoo kale kaa caawineysaa in aad wakhtiga firaaqada qabsato arrimo kale oo muhiim kuu ah, iyo in ay ku aaminaan dadka shaqada aad u qabatay.

  1. Jooji in aad eegto waxa xun oo keli ah

Xaalad kasta, waxay leedahay laba marxaladood ama arrimood oo aad uga falcelin karto – Waa in aad eegto waxa xun oo keli ah ama in aad u dabaaldegto inta wanaagsan, iskana ilowdo wixii xumaaday.

Inteena badan waxaad jecelnahay in waxa wanaagsan aad sameyno oo eegno, balse sida xaqiiqada tahay, waxaad eegnaa xumaanta iyo wixii khaldamay. Maxay tahay sababta?

Sababtoo ah, dhalleeceynta iyo in diiradda la saaro xumaanta way fudud yihiin balse dhiiragelinna ma lahan, shaqadana ma wanaajiyaan.

Isbedel samee – Wax kasta oo xun oo kuu muuqda, waxaad isku deydaa in aad ka dhex raadiso seddax shay oo wanaagsan. Ka dib ku celceli dabeecadda noocaas ah.

Waxaa hubaal ah in ugu dambeyn aad la qabsan doonto, aadna noqo doonto qof wanaagga eega.

Aragtidaada ka dhiibo