24.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 6, 2022

Subixii cab mid ka mid ah cabitaannadan – si maalintaa u guuleysato

Cabitaannadan kulul waxay u wanaagsan yihiin caafimaadka maskaxda iyo jidhka ba!!!

Must read

Talooyiinka nafaqo oo dhanka cabitaannada

In aad wax caafimaad leh cabto waa mid ka mid ah faa’idooyiinka ugu wanaagsan ee caafimaadka. Khubarada waxay ku taliyeen kuwan hoose:

  1. Biyo cab

Biyo kugu filan cab maalin kasta, subixiinna ku bilow ka dib marka aad cadeyato. Taa waxay kaa caawineysaa in jidhkaaga uu xakameeyo cayilka sida ay sheegtay xarrunta ka hortagga xanuunada ee Mareykanka CDC.

Qofka haddii uusan jeclayn biyaha cad, wuxuu ku darsan karaa cabitaanno kale sida fiimtada. Ama xitaa shah ayuu ka dhigan karaa.

  1. Ku raaxeyso cabidda kafeega

Sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii, kafeega aad aadka u cuslayn oo maalintii laga cabo 3-5 koob, wuxuu ka hortagayaa halisaha kala ah:

  • Cudurka macaanka noociisa labaad (type 2 diabetes)
  • Xanuunka Alzheimer (Waa cudur baabi’iya xusuusta iyo shaqada muhiimka ah ee maskaxda)
  • Xanuunka Parkinson’s (Waa cudur saameeya neerfayaasha maskaxda)
  • Xanuunada wadnaha

Sida lagu sheegay baaritaankaas, dumarka uurka leh ama naas-nuujinaya, waxay cabi karaan hal illaa laba koob oo kofee ah maalintii – balse waa in uusan ka badanin.

  1. Cab shaaha lagu daray caleenta dawo-dhaqameedka

Sida laga soo xigtay cilmi baareyaasha researchTrusted Source, in maadooyiinka ku jira shaaha cagaarka, madowga ama noocyada kale ee caleenta ee la midka ah waxay ka hortagaan caabuqyada ama jeermiska dili kara unugyada jidhka koriya.

Caleenta shaaha sida Reexaanta (mint), chamomile, iyo rooibos, kuma jiro kofee, waxayna kaa caawinayaan in jidhkaaga uu ka hortago in maalintaa uu oon badan ka qabto.

Aragtidaada ka dhiibo

- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article