Laf-dhabar
Maxaa keena xanuunka dhabarka? - UNSPLASH

Xarunta dhakhaatiirta Mareykan waxay sheegtay in dhabar-xanuunka uu yahay mid ka mid ah xanuunada ugu badan ee dadka ay u tagaan isbitaallada.

Sidoo kale waxay tilmaameen in dadka ka naafooba xubnaha qaar ee jidhka, waxay marka hore ka soo billaabataa dhabar-xanuun.

Inta badan, dadka ma garanayaan halka uu xanuunkaas kaga yimid, sidaa darted, dhakhaatiirta waxay ku qasbanaadeen in ay qiyaasaan.

Balse sida guud waxaa jiro arrimo aad u badan oo sababa xanuunka dhabarka. Halkan ka akhriso qaar ka mid ah kuwa ugu badan ee sababa:

Dhaawac gaara murqaha iyo lafta dhabarka

Dillaaca ama dhaawaca gaara murqada iyo lafta dhabarka, waa kuwa ugu badan ee keena xanuunka.

Xanuunka haddii uu ku faafo murqaha, wuxuu ka dib u gudbayaa lafta dhabarka. Wuxuu saameyn ku yeelan karaa dheecaanka murqaha ku jira.

Haddii aad si degdeg ah loo daweyn, xanuunka wuxuu u sii gudbayaa sinaha, balse waxay dhakhaatiirta sheegeen in xanuunkaas uusan u gud bin lugaha.

Sciatica

Sida lagu ogaaday cilmi baaris uu sameeyay machadka Qalliinka Lafaha ee Mareykanka, waxaa lagu sheegay in haddii aad isku aragto xanuun ka bilowday dhabarka illaa sinta, kaas oo saameeya bowdooyiinka iyo lugaha, haddaba waxaa suuragal ah in lafta dhabarka ay qalloocatay oo ay saameyneyso neerfayaasha dhabarka. Xanuunkaas waxaa loo garanayaa sciatica.

Soo bixidda, dillaaca ama waynaanta lafta

Arrinta waa mid ka mid ah kuwa ugu badan, waxaana ka dhasha xanuun aad u daran.

Qeybta hoose ee dhabarka waxaa xanuun saa’id ah noqota marka ay soo baxdo ama qalloocato, waxayna gaartaa heer uu dhuuxa ka dhammaado, waxayna soo riixeysaa lafta-dhabarka oo dhan.

Dhaqaatiirta Neerfaha waxay sheegayaan in xanuunkaas badankiisa uu ka yimaado neefayaasha cadaadiska dareema.

[the_ad id=”906″]

Cabsi

Marka laga hadlayo dhabar xanuunka, cabsida waa fikradda ballaaran eek a mid ah kuwa keeni kara.

Waxaa jirto caddeyn muujineysa in xanuunnada la xiriira xabsida ay yihiin kuwo si joogto ah loo arko. Cabsidaas waxaa keena arrimo ay ka mid yihiin in qofka lagu dhoho “dhabarkaaga wuu jilcan yahay, ama isma haysto, ama dhaawac ayaa ka muuqdo”.

Ka dib wuxuu qofka billaabayaa in uu ka baqo dhaqdhaqaaqa iyo shaqo qabashada taas oo keeni karta xanuunka dhabarka. Dhaqaatiirta ayaa cabsidaa kaa saari kara oo sidaadii caadiga ahayd kugu soo celin kara.

Da’da[the_ad id=”904″]

Lafaha ku jira dhabarka way duqoobaan. Sida caadiga ah, markasta oo da’daada sii waynaato, waxyaabaha isku haya lafaha way dhammaadaan taana waxay dhalin kartaa in lafaha ay is xoqaan.

Laakiin arrintaas ma ahan mid uu qof kasta isku arko. Balse, dadka isku arka xanuunkaas, dhibaato kale kalama kulmayaan, sida uu qabo machadka Arthrits.

Xanuunka Osteoarthritis

Illaa muddo aan fogeyn, waxaa la aaminsanaa in xanuunkan uu ka dhasho kala baxa ama isgalidda lafaha, balse seynisyahannada waxay hadda aaminsan yihiin uu yahay xanuun ku dhaca kala goys-yada.

Waxaa keena, hido-sidaha, cayilka, dhaawac, dhabarka oo shaqo ka badan lagu qabto, iyo xanuunno kale,

Lafaha dhabarka oo isku dhega – ciriiri

Xanuunkan waa mid ah in laf-dhabarta ay isku dhegto oo meelaha bannaan buuxsamaan, taas na waxay keeneysaa in neerfayaasha ay cadaadis uu koro. Taa waxay dhalataa marka qofka uu duqoobo oo wixii lafaha kala celinayayna dhammaadaan.

Spondylolysis

Waa dillaac ama jab-yar oo gala mid ka mid ah lafaha dhabarka. Mararka qaar dillaacaas wuxuu daciif ka dhigaa lafta, waxayna gaartaa heer ay ku sii jiri-waydo booskeeda, ka dibna qofka wuxuu noqonayaan mid dhinac u badan, waxaana ka dhasho xanuun.

Osteoporosis

Osteoporosis waa xanuun lafaha ku dhaca. Waa mid yimaada marka jidhka uu lumiyo qeyb badan oo lafta ka mid ah.

Inta badan xanuun kama dhasho, balse lafta ayaa daciif noqota, waxaana ugu dambeyn suuragal ah in ay si fudud ku jabot.

Sababaha kale

Arrimaha kale ee sababi kara dhabar-xanuunka waxaa ka mid ah caabuqyada lafaha, kansarka, qaar ka mid ah xanuunada maqaarka, daalka iyo murqa xanuunka, caabuqa kaadida, kelyo xanuunka iyo  ugxaan sidaha.

Aragtidaada ka dhiibo