Xasaasiyadda cuntada
Maxaa sababa xasaasiyadda cuntada, sidee se looga hortagi karaa? - UNSPLASH

Xasaasiyadda cuntada waxaa suuragal ah in halis wayn ay yeelato, mararka qaarna waa loo dhintaa – haddana dadka qaba ayaa sii badanaya daafaha caalamka oo dhan. Maxaa sabab u ah sideese looga hortagi karaa?

Xasaasiyadda ama alerjiga cuntada waa arrin dhibaato iyo argagax leh. Dadka qaar waxyba ka qaadi karaa waxyar oo ay cunaan – ha noqoto xabad lows ah.

Mid ka mid ah afartii qofta wuxuu qabaa xasaasiyadda cuntada – xitaa haddii aysan hadda ahayn, mar uun noloshiisa ka mid ah wuu arki karaa alerjiga.

Tirada ddka qaba xasaasiyadda rashiinka laga qaado ayaa sare ugu kacday si aan horey loo arag – dad badan ayaa isbitaallada u tagaya xanuun ay ka qaadeen wax ay cuneen – calool-xanuun, wareer, finan, matag iyo wixii la mid ah.

Dhakhtar caafimaadka ka bara jamacadda London, Graham Rook ayaa yiri: “Si aan cadi ahayn ayay u badaneysaa tirade dadka qaadaya xanuunada cuntada – waa xaalad la yaableh.”

Mid ka mid ah aragtida la xiriirta sare u kaca waxay sheegeysaa in sababta ay tahay dadka oo si wayn uga warhaya cuntada ay ku xanuunsadaan.

Balse Kari Nadeau, oo ah khabiir ku taqasustay xasaasiyadaha, kana tirsan jaamacadda Stanford – taa oo bug ay ka qortay alerjiga ku sheegtay in sare u kaca yahay “saf-mar”, waxay sheegtay in arrinta aysan ahayn ‘ka warhaynta xanuunka’.

“Ma ahan sababta in aan cudurka ka warhayno, balse maba ogin. Xitaa haddii aan ognahay, taa ma noqoneyso sababta”, ayey tiri.

Dadka qaar waxay isku qaldaan ‘ku sumowga cuntada ama jidhka oo yara diida wax aad cuntay’ iyo xasaasiyadda laga qaado cuntada. Taa waxay sababtay in dad badan la aamini waayo marka ay sheegtaan xasaasiyad.

Mid ka mid ah arrimaha loo sababeynaya sare u kaca xasaasiyaddan waa wax loogu yeeray “qiyaasta nadaafadda”, in kastoo hadda macno kala duwan ay dhaqaatiirta u yeeleen weedhan.

“Waa arrin naxdin gelineysa qof kasta, sababtoo ah dadka waxay ka qaadanayaan aragti qaldan oo ah waxa socda”, ayuu yiri Rook.

Macnaha wuxuu noqonayaa qof kasta oo nadiif ah in uusan ku dheceynin xasaasiyadda cuntada. Balse arrinta sidaa ma ahan.

Micneyn cusub oo loo sameeyay waxay noqotay in aysan ahayn arinta sida aad nadaafadda gurigaaga u ilaaliso, balse waa sida xiidmaha caloosha u soo saaraan noocyo kala duwan oo wax caafimaad leh ah.

“Sare u kaca xasaasiyadda waxaa qeyb ka mid ah sababay in difaaca jirka iyo sida uu u howlgalo oo is bedesha ama yaraata,” ayuu yiri Rook.

Sidoo kale waxaa jirto aragti ah sida lagugu soo bandhigo xasaasiyadda. Waa sida lagaala taliyo cuntada laga qaadi alerjiga. Xilligii uu sida wayn u soo shaacbaxay, waxaa carruurta laga ilaalin jiray lowska.

Taladaas ma ahayn mid caddeyn ku saleysneyd. Waxaa wanaagsanaan lahayd in waxa xasaasiyadda laga qaado la siiyo carruurta inta ay yaryihiin. Taa waxay yareyneysaa halista ay ka wajahayaan marka ay waynaadaan.

Xitaa haddii carruurta laga ilaaliyo waxyaabaha xasaasiyadda laga qaado, weli way la kulmayaan – qof wayn oo cunaya, kareemka ama saliidda lagu daray lowska ama xitaa waxyaabo ka sameysan lows.

Haddii canugga aan la siinin xitaa, waxaa jidhka xasaasiyad ku noqon kara sida kale ee uu u arkayo, caraf, ama saliid loo mariyay, taas oo kicineysa difaaca jidhka.

Waxaa kale oo dhaqaatiirta ay sheegeen in acrruurta cambaarta ay ka soo baxdo ay sabab u tahay in cuntooyiinka qaar laga qariyay.

Waxay ku talinayaan in ay fiican tahay in canugga la siiyo cuntooyiin aad u kala duwan, marba hadduu soo gaaro afar bilood.

“Waxaa jirto fursad ah in sannadaha ugu horreeya uu canugga yeesha is difaac adag”, ayey tiri Alexandra Santos, oo Jaamacadda King’s College ee London ka dhigta ka hortagga Xasaasiyadda carruurta.

Waxay gacan ka geysatay baaritaan la xiriira in carruurta loo bandhigo xasaasiyadda lowska inta ay yaryihiin.

Waxaa lagu sameeyay carruur dad’dooda ay u dhexeysay afar illaa 11 bilood iyo kuwa shan sano jirro ah. Kuwa waaweyn ayey boqolkiiba 80% ku dhacday xasaasiyadda lowska laga qaado.

Xasaasiyadda cuntada laga qaado way kala duwan tahay taa oo ku xiran bay’ada ama deegaanka . Waxaa lagu caddeeyay in dalalka aysan dadkoodaba cunin lowska uu ku yaryahay xasaasiyadda.

Cilmi-baaristii ugu wayneyd ee Yurub laga sameeyay oo lagu baaray xasaasiyadda cuntada, deegaanka iyo hiddaha, waxaa lagu ogaaday in Giriigga, oo dadkiisa aysan aad u cunin lowska, uu heerka xasaasiyadda yahay 0%.

Santos waxay sheegtay in dadka dalalka kale taga in ay xasaasiyadda uga nugul yihiin kuwa muwaadiniinta ah ee halkaa ku nool, sababtana waa dhiigga Hidaha oo kala duwan iyo hawada. Iyagoo da’yar haddii la geeyo, way u nuglaanayaan xasaasiyadda.

Arrin kale waxay noqon kartaa vitamin D. Xasaasiyadda cuntada ma waxay ka dhalatay in raashiin badan la cunay oo dadkiina guryaha uun ay ku xiran yihiin. Qoraxda in aysan jidhka arkin.

Vitamin D, wuxuu kaalin wayn ka qaataa howlgelinta iyo awoodda difaaca jidhka. Balse dhaqaatiirta qaar ayaa arrintaas madmadow gelinaya.

Waxaa jiro baaritaanno muujiyay xiriirka ka dhexeeya Vitamin D iyo halista isbedelka xasaasiyadda laga qaado cuntada.

Balse cilmi baarayaal ku sugan jarmalka waxay heleen in carruurta marka ay dhalanayaan ay ku yartahay Vitamin-D ay halis ugu jiraan xasaasiyad, ka hor inta aysan gaarin laba sano.

Cilmi Baaris kale oo Jarmalka laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in carruurta ku dhasha Vitamin_d aad u badan, ay aad suuragal u tahay in ay xasaasiyad qaadaan marka ay seddax sano gaaraan.

“Waxaa suuragal ah in ay tahay xaalad iska mala-awaal ah,” ayey tiri Nadeau oo buuggeeda uga hadashay xasaasiyadda. “Marka ay Vitamin-D yartahay iyo marka ay badan tahayba waa dhibaato”.

Iyadoo xasaasiyadda cuntada ay sii badaneyso, haddana weli way taagan tahay su’aasha ah, siduu qofka uga badbaadi karaa alerjiga laga qaado cuntada?

In aad nooc ka mid ah cuntada aad oga go’do xasaasiyad aawadeed kuma caawineyso, waxaana suuragal ah in dhibaato ay kugu noqoto.

Aragtidaada ka dhiibo