cidi boloshay
Waa cambaar ay arrimo kala duwan sababto. - Research Gate

Cambaarta ama bololka cidiyaha gala waa xaalad iska dabiici ah. Waxaa badanaa la arkaa wax cad ama jaallo ah oo ka soo baxa cidiyaha, si gaar ah suulka.

Haddii cambaartaas ama caabuqaas uu sii ballaarto, waxaa ka dhasho in cidida ay is bedesho midab ahaan iyo sida ay u soo baxdaba. Waxaa suuragal ah in ka dib ay cidiyaha kale ku sii fiddo.

Haddii xaaladda ay xumaato oo xanuun aad dareemeyso, waa suuragal in aad iska daweyn karto si shaqsi ah, balse waxaa wanaagsan in aad dhakhtar aragto.

Xusuusnow, waxaa suuragal ah in xanuunka uu soo noqdo.

Cambaarta cidiyaha waxaa loo garanayaa onychomycosis (on-ih-koh-my-KOH-sis). Marka cambaar ama boog ay ka soo baxdo farahaaga dhexdooda, ayna saameeyaan maqaarka lugtaada, xanuunkaasna waxaa loo garanayaa tinea pedis.

Astaamaha lagu garto

Sida uu qoray wargeyska Mayo Clinic, waa suuragal in bololka ama boogta cidida gasha ay tahay cambaar, haddii aad isku aragto:

  • Cidi adag oo jabeysa
  • Midabka oo isu bedela caddaan ama jaalle-bunni ah
  • Cidida iyo farta oo kala baxa am aka fuqda
  • Qaabka cidida oo isdhalanroga
  • Midab madow oo uu sababay jug kugu dhacday oo cidida hoosteeda ka soo muuqda
  • Ur aan caadi ahayn oo cidida ay yeelato

Cambaarta ciddiyaha waxay saameyn kartaa faraha oo dhan, balse waxay ugu badan tahay suulasha.

Marka aad u baahan tahay in aad dhakhtar aragto

Waxaa suuragal ah in aad u baahan tahay in dhakhtarka haragga aad aragto, haddii isbedelka midabka cididaada uu sii fidayo.

Sidoo kale haddii ay sii adkaato ama qaabkeeda uu isbedelo waa in aad daweyn degdeg ah raadsato.

Sidoo kale haddii aad qabto xanuunka sokorow ama macaanka, oo aadna isku aragto cidiyahaaga oo isbedelaya, waxaa wanaagsan in aad dhakhtar la hadasho.

Waxyaabaha sababa cambaarta cidida

In cidiyaha ay xanuunsadaan waxaa sababo caabuqyo kala duwan oo dhaliya cambaarta. Midka ugu  badan waxaa loo garanayaa dermatophyte. Sidoo kale waxaa sababo bolo lama wasakh gala cidiyaha oo dhaliya caabuq.

Xanuunkan wuxuu qofka isku arki karaa da’ kasta – canugga yar ama qofka waynba – balse dadka da’da ah ayuu aad ugu badan yahay.

Markasta oo da’da ay sii korodho, cidiyaha way adkaadaan, wayna qalalaan. Taa waxay dhalisaa in cambaarta caabuqeeda uu galo cidida

Arrinta kale ee sababta – In wareegga dhiigga jidhka uu yaraado, waxaana ta aka dhasha in cidiyaha ay heli waayaan awood ku filan oo ay isku difaacaan.

Sidoo kale, cambaarta ama boogta cagta iyo faraha dhexdooda gasho ayaa sabato in cidiyaha ay bololaal.

Arrinta kale ee badan waa in aad qof kale oo qaba caabuqaas ka qaado xanuunka, sida in aad cidi jar isla isticmaashaan.

Arrimaha kale ee sababi kara waxaa ka mid ah:

  • Da’da, yaraanta wareegga dhiigga, ciddiyaha oo aan si wanaagsan u bixin
  • Dhididka saa’idka ah
  • In aad horey u qabi jirtay cambaarta cidiyaha oo aad ka soo fiicnaatay
  • In aad socoto kabo la’aan oo dhiiqo aad dhex marto
  • In cidida uu dhaawac gaaro ama xitaa maqaarka hareeraha cidiyaha
  • Difaaca jidhka oo daciifa

Sida looga hortago

In aad la timaado dabeecada iyo dhaqamada soo socda waxay kaa caawinayaan in aad ka hortagto cambaartan ama haddii horey aad uga caafimaaday, aysan markale kugu soo noqon:

  • Gacmaha iyo lugaha si joogto ah u dhaqo. Gacmaha iska dhaq ka dib marka aad taabato cidi xanuunsan. Cidiyahaaga qalaji ka dib marka aad dhaqdo.
  • Cidiyaha iska jar markasta, meelaha adgna ka gooy ka dibna kareemyo u fiican marso. Mararka qaar ku dhaq dawooyiinka dila jeermiska.
  • Cagaha ku xidho soksiyada dhididka dhuuqa, ama maalintii ugu yaraan laba goor iska bedel soksiga.
  • Xiro kabo leh meel ay hawo ka qaataan ama laga sameeyay walxo wanaagsan.
  • Kabaha ku dhaq dawooyiinka jeermiska ama gudaha uga shub budada ka hortagta cambaarta cagaha.
  • Kabo ku xira meelaha biyaha leh sida bannaanka marka uu roob da’ayo
  • Iska jooji waxyaabaha cidiyaha lagu qurxiyo ioyo kuwa been abuurka ah.

Aragtidaada ka dhiibo