14-ka shaqo ee ugu sarreeya caalamka
14-ka shaqo ee ugu sarreeya caalamka, xogta Linkedin

Xogta barta ay adeegsadaan dadka shaqa doonka ah waxaa lagu sheegay in shirkada waaweyn ay si aad ah u raadinayaan dadka ka shaqeeya xirfadahan hoos ku xusan.

Warbixin cusub oo shirkaddaas ay soo saartay waxaa lagu xaqiijiyay in arrintan ay sabab u tahay koboca degdegga ah ee xarumaha ganacsiga ay sameynayaan.

Waxay taa sare u qaaday xirfadaa aadka loogu baahan yahay iyo boosaska shaqo ee shirkadaha waaweyn iyo kuwa kaleba uga baahan yihiin dadkan.

Arrimaha kale ee sababay waxaa ka mid ah cudurka COVID-19 oo dhaliyay in dad badan ay guryaha ka soo shaqeeyaa.

Shantii sare ee la soo dhaafay waxaa warbixinnada diiradda lagu saarayay xirfadaha cusub ee shaqooyiinka ku soo kordhay iyo kuwa sida degdegga ah u kobcayay. Balse goobaha shaqo ee dunida ayaa si xowli ah isu bedelay 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Shaqooyiinka side ugu degdegga badan u kobcaya waxaa ugu sareysay Suuqgeynta dhanka Digital-ka! Sida qof soo saari kara macluumaad ku wanaagsan aaladaha casriga ah iyo qof khibrad u leh waxa ay doonayaan dadka adeegsada Internet-ka.

Balse dhammaan waxay la xiriirtaa xirfadaha aaladaha casriga ah ee Digital-ka. Shaqooyiin badan oo horey aad loo raadinayay ayaa hadda la iska daayay, maadaama guryaha laga soo qaban karo wax badan.

Xogtan waxay muhiim u tahay qof kasta oo doonaya in uu yeesho xirfado iyo aqoon cusub isuna diyaariyo waxa cusub ee imaan kara sanadaha soo socda.

Waa kuwan shaqooyiinka aadka loo doonayo sannadkan 2021, oo ay wehliyaan heerka waxbarasho iyo xirfad ee loo baahan yahay in uu qofka lahaado:

1- Qof safka hore kaga jira ganacsiga Internet-ka

In shaqadan la doono waxay sare u kacday 73%. Haddana waxaa weli loo baahan yahay boqollaal kun oo qof oo leh xirfaddan

  • Xirfadaha: Maareynta wakhtiga, Adeegga macaamiisha, iyo hoggaamin.
  • Waxbarasho: Illaa 75% dadka la shaqaaleysiiyo waxaa la weydiiyaa shahaadada koobaad ee jaamacadda aha ka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $42,000 – $56,000.

2- Khabiir maareeya deymaha

Shaqadan waxay sare u kacday boqolkiiba 59%.

  • Xirfadaha: Maareynta halista, Adeegga Macaamiisha, Risk Management, Customer Service, Baaritaanka iyo dabagalka amaahda.
  • Waxbarasho: Illaa 86% dadka la doonayo waa in ay haystaan shahaadada koobaad ee Jaamacadda am aka sare
  • Qiyaasta Mushaarka: $43,700 – $60,000.

3- Horumarinta ganacsiga iyo Xirfadda iibinta

Illaa 45% ayey sare u kacday dalabka shaqadan, wuxuuna sare u kacaas soo bilowday 2019-kii

  • Xirfadaha: Soo jiidashada iyo haynta macaamiisha, hannaanka iibinta iyo xoojinta kooxda shaqaalaha.
  • Waxbarasho: Illaa 92% waxaa lagu qortaa shahaadada bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta mushaarka: $43,300 – $105,000.

4- Khubarada kala duwanaanshaha goobta shaqo

Dalabka shaqadan wuxuu sare u kacay boqolkiiba 90%.

  • Xirfadaha: La hadalka iyo gaaridda bulshada, Horumarinta abaabulka iyo dhiiragelinta.
  • Waxbarasho: Illaa 99% waxaa lagu qortaa bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $72,900 – $97,000.

5- Khabiirka suuq-geynta Internet-ka

Shaqadan waxay ka mid ahayd kuwii horey u soo jiray, waxayna sare u sii kacday 33%.

  • Shaqooyiinka: Dadka sida gaarka ah loo doonayo waa Khabiirta suuq-geynta, Maamule Baraha Bulshada, Wakiilka suuq-geynta iyo qof aad u garanaya waxa ay dadka Google ka raadinayaan.
  • Xirfadaha: Suuq-geynta alaabaha, Istiraatiijiyadda Digital-ka, iyo maareynta magaca shirkadda.
  • Waxbarasho: Illaa 94% waxaa lagu shaaleysiiyay bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $48,000 – $96,000.

6- Kalkaaliye Caafimaad

Dalabka shaqaaleysiinta kalkaaliyeyaasha caafimaad wuxuu sare u kacay 30%.

  • Xirfadaha: U adeegidda bukaanka, aqoon u leh dawooyiinka, maareynta wakhtiga
  • Waxbarasho: Illaa 89% waxay shaqada ku heleen shahaadada bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $73,000 – $111,000.

7- Xirfadle dhanka waxbarashada ah

In macallimiin khubaro ah la qorto waxay sare u kacday 20%.

  • Si gaar ah: Waxaa la raadiyaa kaaliye macallim, bare dhiga dugsiga hoose, macalim xisaab iyo qof qori yaqaana manhaj.
  • Xirfadaha: Qorsheynta casharka, maareynta wakhtiga, iyo macallim dhigi kara maadooyiin kala duwan.
  • Heerka waxbarasho: Illaa 97% waxaa lagu shaqaaleysiiyay bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta mushaarka: $46,500 – $63,200.

8- Khabiirka Mowduucyada digitalka

Illaa 49% boqolkiiba ayey dalabka shaqadan kor u kacday.

  • Xirfadaha: Jar-jaridda muuqaallada, hal-abuurka qoraalka iyo fikradaha, bulshada horteeda si fiican uga hadli kara.
  • Heerka waxbarashada: 92% waxaa shaqada lagu siiyay bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta mushaarka: $46,000 – $62,400.

9- La taliyeyaal xirfad ama shaqsi-ahaaneed (Tababare)

Boqolkiiba 51% ayey sare u kacday dalabka shaqadan, tan iyo 2019-kii.

  • Xirfadaha: Kor-meere, baraha bulshada, ganacsiga.
  • Waxbarashada: 92% waxay shaqada ku heleen bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta mushaarka: $44,300 – $50,000.

10- Injineerada leh taqasuska gaarka ah

Illaa boqolkiiba 25% ayey sare u sii keceysay tan iyo 2019-kii.

  • Shaqooyiinka la doonayo: Sameeye Website, Injineer Computer, iyo sameeye barnaamijyada game-ka.
  • Xirfadaha: Maareynta barnaamijyada, Web Development, qeybinta hanaanka Internet-ka.
  • Heerka waxbarasho: Illaa 93% waxaa lagu shaqaaleysiiyay bachelor’s degree ama ka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $77,500 – $104,000.

11- Khabiir dhanka caafimaadka maskaxda

Illaa 24% boqolkiiba aye sare u kacday dalabka shaqadan.

  • Shaqooyiinka la doonayo: Dhaqtar dabeecadda, Caafimaadka maskaxda, waaliida
  • Xirfadaha: Dhaqtar xirfad leh, maskaxdiisu deggan yahay, daweyn kara dadka dabeecadahooda isbedelaan.
  • Heerka waxbarasho: 97% waxay shaqada ku helaan bachelor’s degree amaka sare.
  • Qiyaasta mushaarka: $41,600 – $65,000.

12- Khabiir garanaya waxa ay doonayaan dadka Internet-ka isticmaala

Dalabka shaqadan waxay sare u kacday 20%.

  • Xirfadaha: Qaabeynta Website, bedelidda Fikirka (dadka adeegsada baraha bulshada), khibradda ama aqoonta waxa ay doonayaan dadka internet-ka soo gala.
  • Heerka waxbarasho: 97% waxay shaqada ku heleen bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $80,000 – $103,000.

13- Khabiir dhanka xogta Seyniska ah 

In shaqadan la qorto waxay sare u kacday boqolkiiba 46% tan iyo 2019.

  • Xirfadaha: TensorFlow, hannaanta qiimeynta, Sameynta Data Visualization.
  • Waxbarashada: 98% waxay shaqada ku heleen bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta Mushaarka: $100,000 – $130,000.

14- Sameynta aaladaha macmaulka-caaqilka ah (Artificial Intelligence)

In shaqadan la doono waxay sare u kacday 32% laga soo billaabo 2019.

  • Xirfadaha: C++, Amazon Web Services (AWS), Python (Barnaamijyada luqadaha).
  • Heerka Waxbarasho: 99% waxaa lagu shaqaaleysiiyay bachelor’s degree am aka sare.
  • Qiyaasta mushaarka: $124,000 – $150,000.

Aragtidaada ka dhiibo