Daalka ama caajiska subixii
Daalka ama caajiska subixii arrimaha sababa iyo waxa dawada u ah. - UNSPLASH

Dunida waxay ku socotaa si xawaare dheereeya ah. Waxkasta si degdeg ah ayey isu bedelayaan. Haddii aad dareemeyso in markasta aad daalan tahay oo adan gaarin Karin arrimaha isbedelaya, haddaba keligaa ma ahid.

Dad badan waxay sheegaan in aysan ba haynin awooddii ay wax ku qabsan lahaayeen ama yoolkooda ku gaari lahaayeen.

Mararka qaar sababta keenta daalka badan waa wax iska cad – Tusaale ahaan, xanuun yar sida hergebka ama in aad waxyar hurudo. Marka waxaa keena in fitamiinnada ay kugu yaryihiin.

Haddaba waa muhiim in dhaqtarkaaga aad kala hadasho xaaladdaas – waxaa markaa aad ogaan kartaa midka uu yahay seddaxda arrimood ee aad kor ku soo sheegnay.

Fitamiinnada u wanaagsan caafimaadka iyo yareynta caajiska iyo daalka waxaa ka mid ah:

  • Iron.

Waxaad isku arkeysaa dhiig-yaraan marka ay jidhkaaga ku yartahay maadada IRON. Ka dib waxaa hoos u dhacaya oxygen-ta uu jidhka qaato. Waxaa kale oo hoos u dhacaya in unugyada jirka qaadaan borotiinka loo garanayo hemoglobin.

Daalka ama caajiska waa calaamadda ugu horeysa ee lagu karto in ay dhiig la’aan ku hayso (anemia). Baaritaan ka dhanka dhiigga ah oo lagu sameeyo heerka uu gaarsiisan yahay unugyada dhiigga ee cas iyo haemoglobin ayaa lagu ogaan karaa qofka ay anemia hayso.

Sida ugu horeysa ee dhiiggaaga aad ku soo celin karto waa in aad cunto raashiinka ay ku badan tahay maadada fitamiinka ah ee IRON.

Cuntooyiinka aad ka heli karto waxaa ka mid ah: hilibka cas, ukunta, bariiska iyo digirta. Sidoo kale waxaad la hadli kartaa dhaqtarkaaga si uu kuu siiyo dawooyiin kaa caawiya.

  • Vitamin B-12

Jidhka dadka wuxuu aad ugu baahan yahay vitamin B-12 oo ku filan, si uu u soo saaro unugyada cas ee dhiigga. Hadduu fitamiinkan kugu yaryahay, waxaa kugu dhaeceysa dhiig-yaraan sababi karto daal.

Meesha ugu badan ee laga helo B-12 waa hilibka, caanaha iyo cuntooyiinka caanaha ka sameysan, haddaba dad badan waxay ka helaan waxa ay cunaan.

Balse dhibka wuxuu yahay in jidhka ay ku adkaaneyso in uu keydsado Vitamin B-12, marka qofka uu sii weynaadaba. Sidoo kale waxaa fitamiinkan yareeya cudurrada caloosha ku dhaca.

Waxaa kale oo B-12 laga heli karaa dawooyiin la isticmaalo oo dhaqtarkaaga kuu qori karo. Balse waxaa aad u wanaagsan in waxa aad cuneyso ay lahaadaan fitamiinka uu jirka aadka ugu baahan yahay.

  • Vitamin D

In uu kugu yaryahay Fitamiin D, waxaa ka dhalan kara in ay yaraato awoodda lafaha iyo murqaha – waxaadna noqon kartaa qof daciif ah, taas oo dhalineysa caajis iyo daal badan.

Fitamiinkan meesha ugu badan ee laga helo waa qoraxda. Marka jidhkaaga ay toos ugu dhacaan fallaaraha qoraxda, wuxuu soo saarayaan Vitamin D ku filan.

Sidoo kale waxaa jiro cuntooyiin badan oo dabiici ah oo laga helo fitamiinkan. Waxaa ka heli kartaa noocyo ka mid ah kalluunka (sida tuna iyo salmon). Caanaha, liin-macaanta, iyo quraacda mushaarida ayaa laga heli karaa.

Waxaa kale oo jiro dawooyiin loo qaato kordhinta Vitamin D – Balse xusuusnow, markasta waxaa wanaagsan in si dabiici ah aad u qaadato – qoraxda iyo cuntooyiinka wanaagsan badso.

Warbixintan waxaa qoray wargeyska Health-lines oo ka hadla caafimaadka

Aragtidaada ka dhiibo