Dadka way jecel yihiin in ay wax badan ka ogaadaan shaqsiyaddooda iyo waxa uu cilmu-nafsiga ka dhahay, balse illaa dhowaan ma kala caddeyn noocyada shaqsiyadda ee jiray – Hadda afar ayaa ugu dambeyn lagu soo koobay.

Muddo sanado ah, khubarada qaar waxay u arkeen in shaqsiyadda la qeexo arrin iska khiyaali ah. Balse baaritaanka cusub wuxuu soo saaray in ay jiraan shaqsiyado kala duwan.

Cilmi baaris lagu daabacay wargeyska lagu magacaabo Nature Human Behaviour, waxaa lagu soo bandhigay afarta nooc ee shaqsiyad ee jirta –

Waxay kala yihiin – qof iska caadi aha, qof xirxiran, qof ku deyasho mudan iyo daneyste – Qeybta hoose ayaan ku sharixi doonnaa.

Arrimaha lagu sheegay baaritaanka waxaa suuragal ah in ay isbedel wayn ku yeeshaan sidi aad u haysatay shaqsiyadda guud ahaan.

“Si kastaba, noocyadan waxay noqdeen kuwa ugu dambeeya ee lagu soo koobay shaqsiyad, waana tallaabo horey loo qaaday,” ayuu yiri Jonathan Adler, oo Cilmu-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Olin, Massachusetts.

Qof kasta wuxuu leeyahay mid ka mid ah afar dabeecadood oo ah kuwan cusub. Waxaana lagu saleeyay sida dadka isu qiimeeyaan ee ah: qof – Furfuran, wax kasta ogolaada, dib u socod ah, xanaaq-badan, iyo muran-badane.

In la fahmo qofka midda uu yahay waxay ku xiran tahay qiimeyn iyo saadaalin lagu sameeyo waxa uu qofka sameynayo – waxayna taa keeni kartaa halis dhanka maskaxda ah iyo in uu yahay qof aan reerkiisa dhaqan karin.

Balse weli waxaa loo baahan yahay baaritaanno dheeraad ah oo dhanka seyniska ah.

“Dadka way ku kala duwan yihiin shanta shaqsiyadood ee waaweyn,” ayuu yiri Adler.

“Marka aad eegto dhammaan waxa laga sawiran karo shaqsiyadda qofka – sida dabeecadaha iyo arrimaha kale – weli waxay u muuqataa qiyaas aan kala soocnayn,” ayuu hadalka ku sii daray:

Micnaha afarta shaqsiyadood

  • Qof iska dhexdhexaad ah: Waa shaqsiyadda ugu badan – qofkan waxaa ku yar furfurnaanta iyo aqbalidda talooyiinka, laakiin waa qof dhexdhexaad ka ah dabeecadaha kale.
  • Qof xirxiran: Shaqsiyaddan qofkeeda feejigan balse dareen iyo maskax ahaan deggan. Waa qof aan bulshada soo dhexgalin, balse talooyiinka qaata, maskaxdiisana ay feejigan tahay.
  • Qof ku deyasho mudan: Dadka shaqsiyaddan leh waxay sida dabiiciga yihiin madax – diidmadooda way yartahay, aqbalidoodana way badan tahay – Waa qof furfuran oo leh damiir-naxa. Waa qof dhageysta fikradaha cusub, iskuna kalsoon.
  • Qof daneyste ah: Qofkan waxaa ku badan lug-gooyada dadka – waa qof aan furfurnayn, khilaaf iyo dood badan oo aan nixinba.

Cilmi-baarayaasha waxay ogaadeen in shaqsiyadahan aysan ahayn kuwa joogto ah. Qofka wuu isbedeli karaa, ama waa la badeli karaa.

Carruurta 10-sano jirrada ah ayaa ku badan dameysiga, halka dadka waaweyn ay ku badan yihiin dadka lagu daydo. Taa waxay muujineysaa in qofka marka uu sii waynaadaba ay shaqsiyaddiisa isbedeleyso.

Sidoo kale waxay arrimaha la socdaan caafimaadka. Dadka qaar, sida kuwa leh shaqsiyadda dhexdhexaadka ah waxay leeyihiin xanaaq.

Aragtidaada ka dhiibo