Lacag gubayesa
Haddii aadan u fiirsan sida aad u bixineyso, sidan ayey la mid tahay in ay u gubatay! - UNSPLASH

Wax ka baro sida aad u maareyn karto lacagtaada iyo wanaajinta caafimaadkaaga maskaxda – si aadan u faqiirin.

Lacagta iyo caafimaadka maskaxda way xiriiraan.

Haddii aad tahay qof aan si wanaagsan u fakarayn, waxaad noqoneysaa qof lacagtiisa six un u maareeya. Sidoo kale haddii aad tahay qof markasta ka walwalaya lacag, waxay u daran tahay caafimaadka maskaxdaada.

Haddaba xaalad xun ha isu horseedin.

In aad wax kasta u maareyso sida aad dooneyso, waxay mararka qaar kaa dhigeysaa sida qof daallan. Arrimaha qaarna waxay noqon karaan kuwa dhaafsiisan awoodaada.

Haddaba waxaad u baahan tahay in marba aad tallaabo qaado si aad u gaarto guusha aad tiigsaneyso.

Haddaba waa kuwan tallaabooyiinka ku caawinaya:

  • Faham xiriirka ka dhexeeya lacagtaada iyo dareenka qalbigaaga

In aad ka shaqeyso hagaajinta dabcigaaga iyo fakarkaaga eek u wajahan lacagta waa arrinta ugu fiican ee aad ku billaabi karto. Waxay kaa caawineysaa in aad ka fikirto arrimaha aad u baahan tahay in aad wanaajiso.

  • Ka fikir xilliga aad qarash bixineyso iyo xilliga aad keydsaneyso – Sababta na waa muhiim markasta.
  • Ka fakar arrimaha la xiriira isticmaalka lacagta ee wax u dhimaya caafimaadka maskaxdaada. Ma ballamaha baa? Ma dagaal iyo khilaaf baa? Mise waa is fahmi waa?
  • Waxaad sameyn kartaa in aad bug ku qorto qarashka kaa baxa, iyo sida aad dareemeyso marka aad bixiso. Isku dey in aad ogtahay lacagta aad bixisay iyo sababta. Ha illaawin in aad qorto dareenkaaga ka hor iyo ka dib marka aad lacagta isticmaasho. Taa waxay kaa caawineysaa in aad ogaato xiriirka ka dhexeeya iyo in aad la tacaasho.

Marka aad ogaato wax aka dhex socda noloshaada, ka dib waxaan ka shaqeyn kartaa sidii aad isu caawin lahayd. Waxaad awood u yeelaneysaa in aad dareenkaaga xakameyso.

Tusaale, qodobbbadan waa sida ay isugu xiran yihiin lacagta iyo caafimaadka maskaxda.:

  • Xaaladaha qaar waxaa ka dhasha walwal iyo shaki. Marka aad lacag isticmaasho waxaad mararka qaar dareemeysaa shaki iyo walbahaar ah sababta ay kaaga baxday, xitaa haddii aad awoodo ama aad wax ka faa’iday.
  • Haddii aad dareemeyso walbahaar aad u xun, waxaa suuragal ah in aad lacagtaada si wanaagsan u maareyn waydo.
  • Xilligaa oo kale, in qarash badan aad isticmaasho waxay kaa dhigeysaa qof faraxsan – waana sida aad dooneyso.
  • In lacagta ay walwal kugu abuurto waxay sidoo kale sababi kartaa hurdo la’aan.
  • Lacagta iyo dhibkeeda waxay sidoo kale saameyn karaan noloshaada bulsho iyo xiriirkaaga guur. Waxaa suuragal ah in aad dareento kelinimo iyo cidlo.

Haddaba xalka si aad u hesho raac qaababka:

Si fiican u qaabee ama u habee dhaqaalahaaga

In lacagtaada aad si wanaagsan u maamusho una qaabeyso waa tallaabo muhiim ah oo sababeysa in dareenkaaga iyo isticmaalka lacagta aad xakameyso.

  • Diyaari miisaaniyadda kugu bexeysa – maalin, isbuuc ama bil kasta. Waana in ayaysan ka badneyn dakhliga ku soo gala.
  • Iska ilaali deynta, ama si wanaagsan isaga bixi.
  • Iska ilaali adeegga isbuuc kasta ee aan qiimaha kuu lahayd iyo iibsashada waxa aad ka maaranto. Haku adeegan karakaaga bankiga – kaash suuqa la aad.
  • Dhammaan dukumiintiyada iyo warqadaha muhiimka kuu ah meel isugu gee oo xafid. Dib ayey kaa anfici doonaan.

Lacag badan ha isticmaalin marka aad xanuun dareemeyso – iska ilaali arrintaa

Arrimahan samee, si go’aankaaas uu kugu suuragalo

  • U dansheego qof aad aaminsan tahay – haka qarinin sida aad dareemeyso iyo dhibka ku haysto, si laguu caawiyo
  • Kaararkaaga bankiga u dhiib qof kale, ama geli meel ay adag tahay in aad kala soo baxdo.
  • Marka aad wax qaali ah iibsan rabto, xoogaa dib u dhig bixinka kharashka. Waxaa suuragal ah in naftaada aadan ka warhayn xilligaas oo marka dambe aa dba iska dayso iibsashada.
  • Naftaada ka mashquul wax kale oo kuu wanaagsan, kuna farxad gelinaya.

Maaree walwalkaaga xilliyadan:

  • Marka aad bixineyso masaruufka reerka iyo lacagaha kale ee muhiimka ah – xakamee walbahaarka ku soo wajahaya.
  • Qof kale waydii in uu eego kharashka korontada iyo wixii la mid ah – ka dib adiga bixi oo keli.

Walwalka lacagta ee la xiriirka qoyska

Lacagta waxay ku dhex dhigi kartaa dhibaato dhanka xiriirka qoyska ah, sababo badan aawadood:

  • Waxaa kugu adkaan karto in aad kala hadasho xaaskaaga, saaxiibkaaga ama qof qoyska ka mid ah – gaar ahaan sida aad lacagta u bixisay.
  • Waxay taa kugu dhalin kartaa in lacag aad soo deynsato, balse marka dambe ay kugu adkaato in aad iska bixiso.
  • Ama in qof aad lacag amaahiso, ka dibna aad ka walwasho in aad weydiisato in laguu soo celiyo.

Isha ku hay oo si dhow ula soco caafimaadkaaga:

Maskaxdaada iyo caafimaadka jidhkaaga way isku xiran yihiin. Mark aka shaqee sidii aad labadaba u xoojin lahayd, ugana adkaan lahayd dhib kasta oo kaa soo wajaha.

Arrimaha aad sameyn karto waxaa ka mid ah:

  • Nasasho kugu filan
  • In aad xal u hesho hurdo la’aanta – ama hurdada badan
  • Cuntada iyo dareenka qalbiga oo aad wanaajiso
  • Arrimaha dabiiciga ah iyo caafimaadka maskaxdaada oo aad ka shaqeyso
  • In aad jimicsi wanaagsan sameyso – Jidh iyo maskax ba
  • Ha noqonin keli ama cidlo-joog
  • Xakamee walwalka
  • Ha xanaaqin
  • Kalsoonida naftaada sare u qaad
  • Raadi qof kaa caawiya caafimaadka maskaxda – sida dhaqtarka cilmu-nafsiga

Aragtidaada ka dhiibo