Isku kalsoonaan
Kalsoonida waxaa sidoo kale dhiiragelisay diinta Islaamka.

Marka laga hadlayo tixgelinta naftaada, micnaha wuxuu yahay in aad noqoto qof qiyam leh oo naftiisana bogaadiya – Balse looma baahno buunbuunin iyo faan in ay kaa noqoto.

Ku kalsoonaanta naftaada se, waa sida aad ka dareemeyso nafteena iyo awoodda aan u leenahay in aad guul gaarno iyo isku deyga.

Farqi ayaa u dhexeeya labada arrimood. Mararka qaarna waxay noqonayaan isku mid ama way isu soo dhowaanayaan macno ahaan.

Waxaa dhici karta in xilliyo aad noqoto qof si wayn isugu kalsoon, balse xoogaa aad tixgelineyn naftiisa – sababtu na ay tahay in waxyaabaha qaar aad weli ka baqeyso ama aadan ku kalsooneyn.

Haddaba, waxaa daran marka aad kalsooni darro aad ka dareemeyso naftaada – waxay saameyneysaa natiijada shaqo kasta oo aad qabato, xishood badan oo aan loo baahnayn ayaad dareemeysaa, waxaa kugu adkaanaya in dadka aad la sheekeysato ama arrin aad kala hadasho, waxaana kugu dhacaya in aad dadka ka carrooto oo aad ka dhex baxdo.

Haddaba, ku kalsoonaanta naftaada waa mid u baahan joogteyn. Hoos u dhac wuu jiri karaa, balse qof kasta masuuliyad ayaa ka saaran siduu caafimaadkiisa iyo kalsoonidiisa u dhowri lahaa.

Inta badan dhallinyarada Muslimiinta way og yihiin in caqiidada iyo cibaadada ay kordhiyaan kalsoonida.

Waxaa jiro dhowr qaab amah ab oo kaa caawin kara in kalsoonidaada ay soo noqoto, balse waa in aad si wanaagsan ugu dhaqantaa arrimahan hoos ku xusan ee hagaajinta kalsoonida nafta:

  • Waa in aad maareyso filashadaada

Xaqiiji in waxa aad tiigsaneyso ay yihiin arrimo lagu guuleysan karo oo macquul ah. Naftaada haku qasbin oo haku shirqooli wax fashil keenaya oo aa dog tahay in aan lagu guuleysan karin.

  • Ha ka baqin guuldarada

Waxaa jiro markasta tallaabooyiin ku gaarsiin kara guusha ugu dambeysa. Sida diinta Islaamka ay inoo sheegtayna guushaas waa Janada. Haddaba wax kasta oo aad la kulanto inta aad nooshahay waa qadar waana tallaabooyiinka aad qaadeyso kuwa ka mid ah.

Haddaba wax kastoo aad sameyneyso ha ahaadaan Arrimo uu ALle raali ka yahay, waana in aad aaminto in waddada saxda ah uu kugu hoggaamin doono.

Haddaba fashilka ama guul darrada waa in ay kuu noqdaan cashir aad ka baratay wax aad isku dayday. Ka dib na isticmaal wixii aad baratay.

Guuldarada ayaa dhasho guusha, haddaba si fiican u tiigso yoolkaaga, kana shaqee sidii aad meesha uga saari lahayd waxyaabaha aad daciifka ku tahay.

  • Ka adkow shakiga iyo hubaal la’aanta

Maadaama dadaalkaaga uu ka mid yahay waxbarasho, iyo helidda khibrad kugu filan, waa in aad naftaada u ogolaato in ay halista wajahdo, ka dibna khaladaadka kaa dhaca u qaado aqoon kororsi ahaan.

Waa in aad filato dhibaato iyo guul darro; waa sida adigoo dhagxaan iyo buur ku dul socda. Haddaba ha niyad jabin, haddii wax ay kaa khaldamaan.

  • Markasta diyaargarow – qof diyaarsan noqo

Waa in yoolkaaga uu yahay mid cad oo qayaxan. Dadka qaar waxay la tahay arrin fudud in ay tiigsanayaan yool ballaaran oo aan si hoose loo sharixin.

Waa dad aanan garaneyn meesha ay doonayaan in ay gaaraan shanta sano ee soo socota, Hadduu Alle gaarsiiyo. Haddaba yoolkaaga u kala jebi tallaabooyiin aad mid ba mar fulineyso.

Waa in aad dejisato waxyaabo macquul ah oo aad ku guuleysan karto bil kasta; isbuuc kasta; maalin kasta; iyo saacad kasta.

Qiimee xirfadaha iyo aqoonta aad u baahan tahay si aad guushaas u gaarto, ka dibna ku dadaal sidii aad u baran lahayd.

  • Naftaada yaysan kaala hadlin wax khaldan oo ku niyad jebinaya

Dadka aan isku kalsooneyn marka ay imtaxaan ama tijaabo laga qaaday ay ku dhacaan, waxaa inta badan lagu garanayaan in naftooda ay liidaan oo hoos ay isu dhigaan.

Waxay billaabaan in ay isla hadlaan oo iyaga uun ay is niyad jebiyaan. Taas na waxay ka hor istaageysaa in ay horey u socdaan.

Balse, qof niyad wanaagsan oo naftiisa tixgelinaya kuna kalsoon, sidaa ma sameynayo. Wuxuu natiijada xun u qaadanayaa in xirfaddaa uusan ku wanaagsanayn, uuna raadiyo mid kale oo uu ku fiican yahay.

Qofka kalsoonida isku qaba wuxuu is weydiiyaa: ‘Maxaa sameeyaa si aan arrintaa u hagaajiyo ama u horumariyo? Maxaa iga khaldamay?

Haddaba, naftaada in aad dhaawacdo ama is liido diinta Islaamka way inaga reebtay, waxaad u baahan tahay in aad noqoto qof karti leh.

Aragtidaada ka dhiibo