Hoggaamiyaha wanaagsan
Hoggaamiyaha wanaagsan waa midka dadkiisa ay ku kalsoon yihiin - SM

Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu hagaa dadkiisa, wuu dhiirageliyaa wuxuuna u jeexaa dhabaha wanaagsan ee ay qaadi lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu ka saaraa cabsida, wuxuuna u sameeyaa waxa ay xiiseynayaan, kalsooni, go’aan fiican iyo wax ay ku hammiyaan.

Muhiimaddu waa in si wada jir ah loogu guuleysto hammi iyo hiigsi la doonayo in la gaaro – ha ahaato shirkad, hay’ad, xarun ganacsi ama dal.

Haddaba hoggaamiyaha ugu wanaagsan waxaa lagu gartaa astaamaha soo socda:

  • Waxay dadka la wadaagaan waxa ay himiladooda tahay

Hoggaamiyaha himilada leh, wuxuu aragti cad ka haystaa halka uu tiigsanayo, sida lagu gaari karo iyo guusha sida ay u ekaan doonto.

Haddaba ha caddaado waxa aad ku hammineyso, waana in aad xiiso wayn u hayso in ujeedadaa ay guuleysato.

Sidoo kale waxaa muhiim ah dadka aad madaxda u tahay – goob shaqo ama dal – in ay si cad u ogyihiin yoolkaas iyo sida ay muhiim u tahay taageeradooda si guusha loo wada gaaro.

Waxaa dhankooda looga baahan yahay dulqaad, adkeysi, xamaasad iyo dhiiranaan.

  • Wuxuu noqdaa tusaale wanaagsan

Hoggaamiye ahaan, sida ugu wanaagsan ee aad ku dhisi karto aaminaad, aadna ku heli karto xushmeyn waa in aad tusaale u noqoto dadka – sida hoggaamintaada tahay iyo dabeecadahaaga ba.

Adiga iska bilow oo muuji dabeecadda ama dhaqanka aad dooneyso dadka in ay raacaan. Haddii dadka aad ka codsaneyso in ay heer sare is gaarsiiyaan, adiga iska bilow oo samee taa.

In aad is waafajiso hadalladaada iyo ficilladaada waxay xoojineysaa kalsoonida iyo is aaminaadda, waxayna dadka ku dhiiragelineysaa in ay ku soo raacaan.

  • Daacadnimo la imow

Hoggaamiye daacad ah waxay go’aannadooda ku saleeyaan qiyamka iyo shuruucda, dhaqanka wanaagsan iyo sida ay u la tacaamulayaan dadka.

Si cad ayey u lala garanayaan xumaanta iyo samaanta, waxaana lagu xushmeeyaa in arrintaa ay ka dhab tahay, xeerarka ay raacaan, anshaxa ay ilaaliyaan iyo joogteeyaan.

Waxay leeyihiin dabeecado wanaagsan – sida ilaalinta ballamaha, si aan sir ahayn in ay ula hadlaan dadka, iyo in dadka ay u siman yihiin.

In aad daacad ahaanto waxay dhalineysaa in dadka ay kugu kalsoonaadaan, ku xushmeeyaan, si dhab ahna kuula shaqeeyaan.

  • Hadalkaaga ha ahaato mid wax ku ool ah

In hadalkaaga uu cad yahay, kooban yahay, dhameystiran yahay, lana fahmi karo, waa awood muhiim u ah hoggaamiyaha wanaagsan.

Waxa hadalka waxaa qeyb weyn ka ah dhageysiga tabashada dadka, aragtiyada ay hayaan iyo talooyiinka ay soo jeedinayaan.

Waxaa ka mid ah hadalka: la wadaagidda xog muhiim ah, waydiinta su’aalo wax ku ool ah, in aragtidooka ka dhex muuqato yoolka la tiigsanayo, kala cadeynta arrimaha aan la fahmin Karin, xallinta is mariwaaga, iyo in aad caddeyso waxa aad dooneyso.

  • Gaaridda go’aanno adag

Si aad u noqoto hoggaamiye wanaagsan oo waxtar leh, waa in aad awood u leedahay gaaridda go’aanno adag oo degdeg ah mararka qaar.

Marka aad gaareyso go’aan adag, waa in aad marka hore qiimeyso waxa aad dooneyso in aad ku guuleysato. Qiimee wax aka dhalan kara ga’aankaas – xumaan iyo samaan. Waxaadna eegtaa in wax kale oo bedela la heli karo.

Ka dib marka aad gaarto go’aanka qaado masuuliyadda, ka dibna dhaqangeli – haddii uu fashilmo, adiga ayaa qaadanaya masuuliyadda, dadka kale ha ku eedeynin. Taana waa go’aan kale oo adag.

  • Aqoonso dadka guulaha keena

In si joogto aad u aqoonsato dadka guulaha gaaray waa mid ka mid ah dabeecadaha awoodda siiya hoggaamiyaha wanaagsan ee dadkiisa dhiirageliya.

Si dadka ay u sii xoojiyaan shaqooyiinka wanaagsan ee ay hayaan, waa in dadaalkooda la mahdiyo oo mararka qaarna laga abaalmariyo.

  • Kordhi awoodda dadka kale

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan waxay fahamsan yihiin in si dadka ay wax wanaagsan ugu qabtaan in dadka ay jecel yihiin in ay dareemaan lahaanshiyaha wax soo saarkooda, ama shaqada ay hayaan.

Dadka waa in ay dareemaan in waxa ay sameynayaan ay yihiin arrimo qiimo leh oo macno ku fadhiya. Haddaba si wanaagsan ugu sharax yoolka, una diyaari in iyaga ay hoggaamiyaan guusha.

Taa waa qeybta ugu muhiimsan ee awoodsiinta dadka iyo shaqaalaha ba. Haddii aad madaxweyne tahay, waa in aad diyaarisaa bay’ad ogolaaneysa arrimahaas.

Dadka ku dhiirageli in ay yeeshaan hal abuur ganacsi, wax soo saar, ayna sare u qaadaan guusha ay filanayaan. Haddii hal abuurka, waxbarashada iyo fikirka wanaagsan ay meesha ka baxaan, waxaa sare u kacaya gaajada iyo dadka ku tiirsan dadka kale ee aan shaqeysan.

  • Dhiirageli oo dhiirageli

Hoggaamiyaha ugu fiican wuxuu dadkiisa u sii wadaa horey – marna dib uma celiyo. Wuxuu ku hagaa xiiso-gelin, xamaasad, dhiiragelin, iyo soo jiidasho.

Waqti geli dadka aad hoggaamineyso si aad u kala garato awoodooda, baahidooda iyo sida ay arrimaha mudnaanta u kala siinayaan.

Sidoo kale, dareemsii in ay qiimo leeyihiin. Taa waxay kaa caawineysaa in aad barato qaabka ugu wanaagsan ee aad u dhiiragelin karto.

Markasta kordhi awoodooda – dhanka waxbarashada, fikirka wanaagsan, hal abuurka iyo wax soo saarka – taa waxay isbedel weyn ku keeneysaa dadaalkooda, dhiiranaantooda dhanka horumarka iyo in ay yeeshaan tiigsi wanaagsan.

Aragtidaada ka dhiibo