Gabdho Soomaali ah
Dabeecadda wanaagsan waa farxadda nolosha

Dabeecaddaada iyo shaqsiyadaada waxaa lagu qeexaa sida aad wax u sameyso ama arrin u wajahdo. Lama eego waxa aad sheegto.

Dadka wanaagsan waxay leeyihiin shaqsiyad heer sare ah oo dadka oo dhan ay dareemaan.

Mararka qaar waxaan eegeynaa qof aad u dabeecad wanaagsan, ka dibna waxaan is odhaneynaa, “qofkaas oo kale ma noqon karaa?” maya. Sababtoo ah qof kasta wuxuu leeyahay shaqsiyad u gaar ah.

Balse waxaa jiro arrimo laga samin yahay ama aad sameyn karto si aad dabeecadda kuu gaarka ah ee wanaagsan aad bannaanka ugu soo saarto.

Hadda halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa 12 shaqsiyad oo lagu garta dadka wanaagsan. Dhakhtarka warbixintan qoray wuxuu dabeecadahan ka bartay dadkii uu daweeyay intii uu shaqeynayay.

Waa dabeecado aad la qabsan karto, naftaadana bari karto; waa haddii aad u baahan tahay isbedel wanaagsan in noloshaada aad ku sameyso – taa waxay soo saareysaa dabeecadaha shaqsiyan kuu gaarka ah ee wanaagga leh:

  1. Qof karti leh—Ma jiro wax uusan awoodin qofka noocan ah. Weli lama arag qof howlkar ah, oo faraxsan, guul na gaaray, kaas oo aan lahayn dabeecaddan. Shaqada iyo noloshaba si dhab ah ayey u wajahaan. Waxay leeyihiin u jeedo ay tiigsanayaan. Wayna garanayaan waxa ay ka hadlayaan.
  2. Qof xiise u qaba in uu wax hubsado—Dadka wanaagsan waxba ma mala awaalaan. Haddaba jooji malaha badan! Waa in aad jeclaato hubsiimada iyo ogaanta waxa dhabta ah. Dadka leh dabeecaddan waxay waydiiyaan su’aalo badan – waana sida ay uga fogaadaan malaha.
  3. Leh ujeeddo cad oo aan sir ahayn—dadka waxay la tahay in ay qasab tahay in aad qof fiican noqoto. Haddaba way wanaagsan tahay in aad noqoto qof edeb leh, balse waddadaada iyo ujeedada aad leedahay yaan lagaa leexin. Haddii markasta aad dulqaadato, maalinta dambe waxaad lumineysaa hammigii aad lahayd. Dadka wanaagsan naftooda way ka fakaraan. Mararka qaarna kama tanaasulaan ujeedadooda. Taa waa caddeynta go’aankaaga iyo awoodaada.
  4. Cafin badan—In aad xanaaq uurka ku qaado waa in ay noqoto waxa ugu yar ee lagaa filanayo. Dad badan waxay sabab u noqdaan burburinta qoyska iyo shaqooyiinkooda, sababtoo ah xanaaqooda ayey isku celiyaan oo muddona uurka ku sidaan. “Siduu qofkaa waxaa iigu sameeyay!” Waxaa suuragal ah qofkaas in uusanba ogeyn arrintaa. Adigana ka soco oo cafiska badi.
  5. Noqo qof madaxbannaan—Dadka dabeecadaha wanaagsan si fudud looguma yeeshan galangal dhanka maskaxda ah. Balse si wanaagsan ayey dadka kale u dhageystaan. Balse waa kuwo si madax banana u fakara, go’aanadoodana u gaara. Si fudud laguma bedeli karo – dadkana laguma diri karo.
  6. Dadka xushmeeya—Ma ogtahay sida dadka aan isku kalsooneyn ay xushmad darada ula dhaqmaan adiga ama dadka kale? “daal ayaa kaa muuqdo? Maxaa kaa qaldan manta?” waa su’aalaha ay dadka waydiiyaan. Waxay muujinayaan xasadnimo iyo xushmad darro. Balse dadka xushmadda badan weligood sidaa ma sameynayaa. Sidoo kale xitaa haddii ay kaa aragti duwan yihiin, si xushmad ay ku jirto ayey u diidayaan aragtida. Si guud dadka wanaagsan way ka duwan yihiin kuwa ka caytama baraha bulshada.
  7. Qof run badan—Marka si joogto ah aad been u sheegto (oo aadan dank a lahayn kana baqeynin), ugu dambeyn waa lagu qaban doonaa, waadna ceeboobi doontaa. Waa sababtaa midda keeneysa in dadka lagu dhiirageliyo in ay runt aka sheegaan wax kasta. Dadka Runta badan, waa la aaminaa, waxayna noqdaan kuwa bulshada dhexdeeda laga xushmeeyo.
  8. Qof hadal yar oo af-daboolan—Way adag tahay in ereyo kooban lagu sharaxo dhacda oo dhan. Waxay u baahan tahay fakar iyo ka fiirsasho badan si hadalkaaga u koobnaado. Dadka aan fakarin hadalkoodu wuu badan yahay, mana dhammaado. Ma garanayaan waxa ay sheegayaan, marka ay iska wadaan hadalka. Si hadalkaaga uu u koobnaado, waa in jumlad kasta iyo ficil kasta ay ujeedo ka turjumaan.
  9. Qof cadaalad badan—Ha noqon qof aan cadaalad-falin. Cadaaladda waxay xitaa qeyb wayn ka tahay diinta Islaamka. Haddaba, noqo qof hadalkiisu toosan yahay oo aan dadka u kala eexaneyn. Waxaad joogteysaa sida aad dadka ula dhaqmeyso ee cadaaladda ah.
  10. Qof dabacsan—Nolosha way adag tahay, waxaana ka buuxo isbedello badan. Si aad ufu dhex badbaado, waa in aad noqotaa qof la qabsan kara isbedel kasta iyo xilli kasta. Waana sababta keenta in dadka dabeecadaha wanaagsan ay u yihiin kuwa u dabacsan isbedellada nolosha. Haddii aragti cusub aad siiso, isla markiiba way la qabsanayaan wayna ka howlgalayaan. Dan kama lahan isla-weyninka iyo quruxda. Waxayn diiradda saaraan shaqada.
  11. Qof naftiisa garanaya (Is-ogow)—In aa dog tahay waxa aad awoodo iyo waxa aadan awoodin, waxay noloshaada ka dhigeysaa mid fudud. Waxaa inta badan dhacda in dadka aysanba garaneyn waxa ay ku fiican yihiin iyo arrimaha aysan qaban Karin. Taa waxay keentaa in qofka uu iska dhexgalo shaqo uusan awoodin, uuna ku fashilmo. Haddaba waa in aad garaneyso awooddaada iyo meesha aad daciifka ku tahay. Qof kasta wuu leeyahay daciifnimo, ceebna ma ahan. Haddaba is-ogowoo naftaada baro!
  12. Noqo qof rajo wanaagsan (Khayrka filo)—Dadka wanaagsan u dhiib shaqo culus, isla markiiba waxay ka fakarayaan qeybta wanaagsan iyo guusha ay gaarayaan. Balse dadka xun waxay billaabayaan in ay ka deyriyaan kana fakaraan culuska soo food saari kara. Wanaagga iyo khayrka in la fisho waa awood aan caadi ahayn, qof kastana ma lahan. Balse waad isu tababari kartaa.

Shaqsiyaddaada ma ahan dhagax – oo in la burburiyo mooyee aan isbedeleynin. Waa suuragal in aad leedahay waxyaabo dabiici ah, balse in aad qof wanaagsan noqoto waad isu tababari kartaa. Keliya bedel sida aad u fakareyso, waxaad na ballaarisaa aqoontaada guud – Diini ama maadi.

Aragtidaada ka dhiibo