Sida caloosha loo yareeyo
Jimicsiga kaa caawinaya sida caloosha loo yareeyo - UNSPLASH

Haddii ay dhib kugu tahay in aad jiimka aado maalin kasta ama aad caajis badan tahay, oo aad ogtahay in caloosha ay kugu sii waynaaneyso, haddaba arrimahan haddii aad sameyso, waxay kaaga go’eysaa toddobo maalmood gudahood.

Haddii gabadh aad tahay oo caloosha wayn ay dhib kugu hayso, waad sameyn kartaa arrimahan.

Waa arrimo fudud oo aad sameyn karto adigoo howl maalmeedkaaga iska wata.

  • Tababar iyo jimicsi guud oo joogto ah

Haddii aad dooneyso in calooshaada ay murqu yeelato, markaa waxaad u baahan tahay tababar joogto ah oo ugu yaraan seddax maalin isbuucii ah.

Sidee taa ugu guuleysan kartaa? Waxaad sameysaa tababar buuxa, sida midka sambabada, kelyaha, caloosha, xabadka iyo bowdyaha. Ugu yaraan 15 goor midkiiba.

Ama waxaad uga maarmi kartaa in xarig-bood aad sameyso. Muhiimaddu waa in aad gubto 500 illaa 600 oo calories maalintii.

  • Jimicsiga caloosha joogtee

Waa sida ugu fudud uguna dhaqsaha badan ee caloosha lagu jaro – balse waa in aad joogteyso.

Sameyso diiwaan ay ku qoran yihiin ama warqad aad ka raacdo noocyada jimicsiga caloosha ee aad sameyneyso.

Maalin kasta laba goor raac middaa ugu yaraan. Ka di b isbuuc waad arki doontaa natiijada. Haddii aad tahay qof mashquul badan; waa in aad sameyso jimicsigaa, ugu yaraan seddax jeer, toddobaad kasta.

  • Iska fiiri waxa aad cuneyso

Nooca cuntada ee maalin kasta aad afka mariso, una sii gudbiso caloosha, waxay kaalin wayn ka qaadataa nooca ay calooshaada noqoneyso.

Haddaba, isbedel ku samee. Waxaad badsataa cuntooyiinka dabiiciga ah, sida kgudaarta, galeyda, burka bunniga ah, hilibka lo’da, kalluunka, iyo caanaha ay borotiinnada ku yaryihiin.

Waxaadna joojisaa sokorta oo malab ayaad ku badalan kartaa.

  • Ka fogow cusbada

Si aad u yareyso biyaha caloosha iska dhex fadhiya, waa in aad yareyso waxkasta oo laga helo maadada sodium-ta.

Taa micneheedu wuxuu yahay in aad ka fogaato cusbada. Waxaad cuntada ku macaaneysan kartaa ama dhadhaan uga dhigi kartaa qudaar kale oo dabiici ah.

  • Biyo kugu filan cab

Jirkaaga waa in uu helo biyo ku filan si uu isaga soo saaro wasaqda iyo waxyaabaha kale ee sumeysan.

Cabidda biyaha waxaad ka heleysaa laba faa’iido. Haraggaaga oo dhalaala iyo caloosha oo ku yaraata.

In aad biyo cabto micneheedu ma ahan in aad iska badiso. Si qiyaas ah u cab; maalintii seddax litir way kugu filan tahay.

Sidoo kale, waxaad cabi kartaa cabitaanno caafimaad ah, sida Caleenta cagaarka ah (Green teat), iyo cabitaannada dabiiciga ah ee laga sameeyay khudaarta.

  • Jooji walwalka iyo walbahaarka badan

Walwalka iyo xanaaqa waxay keenaan calool, sababtoo ah waxay kordhiyaan hoormoonada qaar ee sababa in caloosha ku bararto.

Walbahaarka wuxuu keenaa in wareegga caloosha ay ku bataan cadiin iyo cayil kale oo u ekeysiiya in ay weynaatay.

Haddaba is deji oo walwalka iyo walaahowga iska daa!

Aragtidaada ka dhiibo