Qof shilimaad ku dul fadhiya
Taajirnimada waxay ka billaabataa naftaada. Haddaba u fakar sida qof taajir ah, lacagtana haku cayaarin. - UNSPLASH

In aad taajir noqoto oo dhaqaale badan hesho waa sheeko aysan dadka jeclayn in ay ka hadlaan. Laakiin haddii lacagtaa aad ku heli karto 30 sano, waa arrin lagu naaloodo.

Haddaba, waa suuragal in aad heerkaa gaarto. Marka aad gaarto 21 sano, waxaad billaabi kartaa howl wanaagsan si aad 30 sano ugu noqoto milyaneer.

Halkan ka akhriso 10 tallaabo si aad hammigaa u gaarto:

  • Lacagta si wanaagsan u raadi.

Taajir iskama noqon kartid xitaa haddii lacag aad keydiso.

Tallaabada koobaad waa in aad diiradda saarto sidii aad u kordhin lahayd dakhligaaga, si joogto ah.

Haddii aad ku shaqeyso $500 bil kasta, ka fakar sidii aad ku gaari lahayd $20,000 oo dollar. Haddaad ogtahay in aadan ka heli karin meesha aad ka shaqeyso, xusuusnow waxaad u baahan tahay in shaqo kale aad aasaasato.

  • Jooji istutusnimada – balse is muuji!

Gaari iibsashada iyo lacag ku dheeldheelka iska daa illaa aad ka ogaaneyso in dhowr meel ay lacag kaa soo gasho – meelaha aad dhakhliga ka hesho badi.

Maalgasho ganacsigo kala duwan iyo mashaariic kale si maalin kasta lacag ay kuu soo gasho.

Noqo qof ilaaliya anshaxa isticmaalka lacagta – ha noqon mid dadka istustusa oo doonaya in la ogaado waxa uu haysto.

  • Lacagta u keydso si aad maalgashi u sameysato – ha keydin lacag meel iska ooleysa

Sababta keli ah ee lacag aad u keydsaneyso ha noqoto sidii aad maalgashi kale ugu sameysan lahayd.

Lacagtaada ha gelinin qaanado xiran oo aan weligood la furi doonin. Adigoo xitaa xaaladaha degdegga ah aan u isticmaaleynin lacagtaas.

Haddaba si uu dakhligaaga u kordho, waa in aad lacagta maalgashi ku sameyso. Xita mararka qaar noqo qof aysan waxba u oolin meel. Laakiin ogow, lacagtaada way kuu soo shaqeyneysaa.

  • Ka fogow deenta

Sharci ka dhigo in weligaa aadan qaadanin deen – gaar ahaan mid kugu raagta.

Deenta haddii ay ku daba socoto waxay ku gaarsiineysaa heer aan waxba maalgashan waydo oo iayada uun aad guto.

Balse waad u qaadan kartaa si aad maalgashi kale ugu sii sameyso ama ganacsi kale u geliso, adigoo muddo kooban ku bixinaya.

  • Lacagta u la dhaqan sida qof maseyrsan

Dad badan waxay rajeeyaan in ay noqdaan dad isku filan, balse kuwa sida wanaagsan u shaqeysta, lacagtana u maseyra ayaa isku filnaansho gaara.

Si aad taajir u noqoto, marka hore iska dhig, lacagtana haku cayaarin. Lacagta ula dhaqan sida qof maseyray.

Haddii aad iska fogeyso, iyadana way kaa fogaan doontaa; waxay aadi doontaa qof jecel lacag xalaal ah.

  • Xilli kasta shaqeyso

Lacagta ma taqaano saacad, xilli iyo maalin fasax ah intaba. Adigana ha u nasanin.

Lacagta way jeceshahay dadka u shaqeysta sida xushmadda leh, qofka xilli kasta shaqeysta ee aan daalin, dadka kalena isku tiirinin.

Xitaa haddii aad tahay qofka ugu nasiibka badan, uguna caqliga badan, weli waa in aad shaqeysataa xilli kasta oo suuragal ah.

  • Faqrinimada yaysan kuu sheegin in aadan heer sare gaari Karin – Alle bari na ku dar

Waxaa jiro dad badan oo ka soo jeeda qoysas sabool ah, haddana heer sare gaaray, tujaarna ah.

Naftaada haka dhaadhicinin in dhaqaalaha lala dhasho. Waxaa milyaneer noqda qofkuu alle u qadaro, dadaalna waa loo baahan yahay. Haddaba meel ha isku owdin adiga.

Iska saar dhammaan fikradaha ah in aad faqiirnimo u dhalatay. La dagaallan lacag la’aanta! “guusha waa sida adiga aad isaga soo qaado saboolnimada una gaarto meesha ugu sareysa”.

  • La saaxiib qof milyaneer ah – Wuxuu ku siinayaa talooyiin fiican

Dadka intooda badan waa dabaqadda dhexe ama fuqaro, Haddaba adiga ayey kugu xiran tahay sida aad isu gaarsiiso heerka kooxda taajiriinta ah.

Ka fakar sidii aad ugu biiri lahayd dad dhaqaale haysta oo saaxiib aad u la noqon lahayd. Fikaradaha ay hayaan ma xadidna, waxaad na ka heleysaa talooyiin wanaagsan.

U fakar sida qofkaas oo kale oo ka baro xeerarka ganacsiga iyo lacagta.

  • Lacagtaada ha ku caawiso – dad kale wax aan ahayn talo haka qaadan

Lacagtaada ku maalgasho ganacsiyada iyo mashaariicda, si aad milyaneer u noqoto. Waxaad ku dadaashaa sidii aad sare ugu qaadi lahayd lacagta kaa soo gasho maalgashiya – ha ku tiirsanaan hal shaqo.

Sidoo kale, dadka dhaqaalaha leh, haka qaadan lacag, balse ka qaado talooyiin iyo in aad ganacsi isla maalgashataan.

Maalgashiga waa sababta keli ah ee aad tallaabooyiinkan oo dhan ugu guuleysan karto.

Lacagtaada hakuu shaqeyso, hana kaa soo qaado hoos!!!

  • Yoolkaaga ka dhig sidii aad $10 milyan ku heli lahayd – maya $1 milyan

Si ballaaran u fakar. Ha u fakarin si hoose – micnaha wuxuu yahay ka gudub meelaha hoose oo aad meel sare.

Waa muhiim in aad tiigsato sidii aad ku gaari lahayd faa’iido ka badan hal milyan oo dollar. Dunida lacagta kuma yara ee adiga ha isku yareynin fikradaha wanaagsan ee aan dembigana ahayn.

Tobankan tallaabo si deggan u raac, waad noqon doontaa taajir. Ka fogow aragtida ah in si degdeg ah taajir aad ku noqoto.

Noqo qof xushmeeya anshaxa ganacsiga. Wleigaa ha quusan. Marka aad guusha gaartana caawi dadka kale.

Aragtidaada ka dhiibo