Dadka guukleysta waxay la shaqeystaan qof kasta
Dadka guuleysta waxay jecel yihiin inay la shaqeystaan qof kasta oo ay la kulmaan.

Waa lagama maarmaan in aad la shaqeyso ama wax aad wadaagtaan dad aadan ku raacsanayn aragtida ay qabaan.

Waxaa jiro kuwo aad la sii shaqeyn karto, iyo kuwa aad isaga tageysaba oo aadan marnaba aqbali Karin.

Dadka guusha gaara way fahamsan yihiin in haddii aad koobto dadka aad la shaqeyn karto iyo in aad naftaada meel ku xadido in ay tahay guul darada bilowgeeda.

Isticmaal 11 kaan istiraatiijiyad si aad naftaada u barto la shaqeynta dadka kuwooda ugu dhibka badan:

  • Qofna ha soo dhoweysan ama ha iska fogeynin

Runtu waxay tahay in aynaan jeclaan doonin qof kasta oo aan la kulanno.

Tallaabada koobaad waxa ay tahay sida aad ula dhaqmeyso shaqsiyaadka laga xanaaqo – waa in aad sidaa ay yihiin ku aqbashaa.

Sidoo kale ogow in adiga xitaa aadan ka heli doonin qof kastoo kaa hor yimaada, waana arrin iska dabiici ah.

In qof aad neceb tahay kaama dhigeyso qof xun – taas na micneheedu ma ahan in qofka kale uu xun yahay  – waa suuragal in uu ka duwan yahay sida uu kuula muuqdo markaa.

Laakiin waxaa muhiim ah in aan helno si aan ula shaqeyn karno qof kasta oo colaad ama wax kale ay inagala dhexeeyaan.

Waxaad ogaataa; haddii qof aad isku dhacdaan, adigoo aan go’aamin ‘yaa qaldan ama saxan’, iska saar dareenka adag ee ka dhasha xanaaqa aad u qabto qof dhib badan iyo xiriirkiisa adag.

  • Feejignaanta iyo qalbi jooga waa dawada dadka cuqdadeysan

In aad la dhqanto qof dhinaca qaldan kuu weecinaya, waxay dhibaato ku tahay dareenkaaga iyo shaqadaada. Qof xun oo cuqdadeysan wuxuu ku gaarsiin karaan meel aad xun. Waa marka aad u ogolaato taa.

Xusuusnow, adiga ayaa leh awoodda xakameynta waxa qalbigaaga galaya iyo sida aad u dareemeyso. Weligaa ha ogolaan in qof xun oo khaladaadka jecel uu galangal ku yeesha maskaxdaada.

Taasna micneheedu ma ahan, waad deyrineysaa oo lama shaqeyneysid. Keliga ka feejignow sida uu kaaga xanaajinayo ama wax aadan dooneyn u sameynayo.

Waxaad na ogaataa in mararka qaar aad u baahan tahay in aad dhoolacadeyso oo madaxa u ruxdo oo keli ah. Ha u jawaabin ama haka hadlin waxa uu kuu sheegayo ama kaa sheegayo.

  • Xeeladda iyo xanaaqa daran

Waa in aad si xeeladeysan u kala xulataa diblumaasiyadda iyo wejiga xanaaqsan – taa waxay tahay in qof kasta aad u muujiso wanaagsan iyo degganaan.

Micneheedu ma ahan in aad aqbasho waxa uu doonayo qof aad neceb tahay, balse waa in aad degganaansho muujisaa aadna si wanaagsan ula hadasho, xitaa haddii aad ka diideyso waxa uu kaa doonayo.

U dabacsanow qofka, arrimaha idiin dhexyaallana si wanaagsan oo adag uga hadal. Waxaad diiradda saartaa shaqada – shaqsiga iyo shaqsiyaddiisa marna ha eegin.

Haddii arrintaas si joogto ah aad u sameyso, waxaad markasta noqoneysaa qof xirfad wanaagsan leh oo dhaqan fiican, waxayna taa horseedaa guul.

  • Waxkasta oo ay ku dhahaan, ha u qaadanin si shaqsi ah

Inta badan dadka waxay arrin u sameeyaan naftooda darted ee adiga kuguma socoto. Waxaa suuragal ah in ay murugo ama dhibaato ku hayso arrin naftooda la xiriirta.

Marka waxay noqon kartaa wax si kama ah u kulmay oo adiga ay ereyo aan fiicneyn kugu soo tuuraan.

Isku dey in aad si ballaaran u fakarto oo xaaladaha u eegto si qoto dheer. Ha noqonin qof aragti gaaban oo wax aan meesha oolin ka fakaraya.

Sidoo kale marka aad la tacaamuleyso qof aad ogtahay in uu markasta ku daandaansado, ha noqonin qofka marka hore difaaca ku jira. Dhageyso oo faham waxa uu ka hadlayo ka dibna si shaqo ahaan ah uga falceli.

Howshaadu waxay tahay in aad diiradda saarto shaqada, Shaqisiga ha eegin weligaa.

  • Madaxa sare u qaad ama wejiga la gal ciidda

Way fududahay si xanaaq ah in aad ugu jawaabto qof jecel in uu dadka xumeeyo kana cadheysiiyo.

Haddaba, haddii aad sidooda oo kale u dhaqanto oo qof sumeysan aad noqoto, waxaa markaaga laguu arki doonaa qof dhib badan oo qalalaasaha ka hela.

Dareenkaaga yuusan kaa tan badinin. Uma baahnid in aad ka jawaabto rabshada ay wadaan. Madaxa sare u qaad, waxaadna diiradda saartaa xaqiiqooyiinka iyo shaqada.

Waxaad ka hadli kartaa arrimo ama dhibaatooyiin gaar ah, balse xusuusnow in aad si diblumaasiyadeysan uga hadasho.

  • Si degan u muuji dareenkaaga iyo fakarkaaga – Adigaa xanaaqsan ha jawaabin

Badanaa waxay dhibaatada ugu weyn ka dhalataa sida aan u wada hadleyno. Haddii qof kale sida uu kuula hadlayo iyo qaabkiisa aad ka xanaaqdo, waa xilliga aad wada hadal daacad ah la yeelaneyso.

Waxaad kala hadleysaa oo keli ah sida aad dareemeyso, marka uu hadal xun ku dhaho ama ficillo aan wanaagsanayn kuu muujiyo.

Muhiimaddu waa in aad sidaa sameyso adigoo deggan oo aan weerar ku ahayn shaqsiyadda qofkaas, dhankaagana difaac haka galin hadalladiisa.

Waxaad noqotaa qof wax u diyaarsan yihiin oo haysta dhacdooyiin tusaale u ah waxa aad ka cabaneyso.

  • Waxa aad ka dagaallameyso iyo arrimaha kale kala garo

Wax kasta uma qalmaan wakhtigaaga iyo dareenkaaga. Mararka qaar waxaad arkeysaa dad dhib badan oo u fakaraya sida canug yar oo weli aan hadal baranin. Ma garanayo waxa uu ka ooyay iyo waxa uu doonayo.

Dadkaas oo kale uma qalmaan in ay wakhtiga kaa lumiyaan, kuna daaliyaan. Ha la hadlin.

Is weydii, haddii aad la hadasho qofkaas ma waxaad galeysaa dood iyo muran aan dhammaad lahayn? Muhiim miyaa in aan la hadlo oo wax faa’iido ah maka helo doonaa? Qasaaraha kaa soo gaaraya maka badan yahay dheefta?

Haddii ay dhibaatada badan tahay iskaga fogow qofkaas, balse haddii ay dheeftu badan tahay, waxaad la yeelan kartaa wada shaqayn oo keli ah. Saaxiib hala noqon, hana kala hadlin wax aan howsha ahayn.

  • In xuduud la kala sameysto waa caafimaad

Soo ma fiicno in aad jidgooyo isaga dhibtid qof kula shaqeeya oo aad u dhib badan? Xanibaad jismi ahaan way adkaan kartaa, balse waxaad yeelan kartaan xuduudo aan la isaga soo gudbin.

Taa waxay ka dhigan tahay, adiga ayaa go’aan ka gaareysid xilliga aad wada shaqeyneysaan ama wada hadleysaan.

Tusaale – maxay tahay shaqada aad wada qabaneysaa? Wakhti intee la eg ayey qaadan doontaa? Muxuu qofkaa kugu caawinayaa? Dhammaan ka fakar ka hor, ka dibna xuduudaas ku wada shaqeeya.

Haddii uu damco in uu kaa cadheysiiyo, si deggan u eeg ugana falceli. Balse iska ilaali, ujeedadooda waa in aad xanaaqdo oo aad si xun u jawaabto, si ay kiiskooda beenta ah u xoojiyaan.

  • Garab ka raadso dadka aad isku fakarka tihiin

Weligaa dagaal keligaa ha galin – raadso dad ku taageera oo isku aragti aad tihiin. Haddii aad qaldan tahay kuwa ku qabta, haddii lagaa qaldan yahayna ku garab istaaga.

In aad keligaa ka hortagto qof dhib badan, waxaa inta badan ka dhasha cawaaqib xun. Sababtoo ah, way adkaaneysaa in aad guul ka gaaro dood iyo muran aan sal lahayn oo iska qeylin ah.

Waxaad raadsataa dad aad aamini karto oo kugu aragti ah, maskaxdoodana diyaar u tahay xal – dagaal maya – si ay kuu taageeraan.

Waxay dadkaas kaa caawin karaa in aad si wanaagsan u fakarto oo xaaladda u wajahdo qaab deggan. Marka ay jiraan dad ku taageeraya, waxaad yeelaneysaa dulqaad iyo awood aan xaaladda kula tacaasho.

  • Baro sida loo dejiyo qof xanaaq badan

Haddii qof uu adiga iska kaa daba dhigto oo khaladaadkaaga uun uu raadiyo, waxaad adna isaga celin kartaa in qaab la jin ah aad la timaado ka dibna cadaais saarto si dhaqamadiisa xun aad isaga dulqaado.

Ha u falcelin qaad is difaac ah marka qof uu baaritaan kugu hayo ama sii si qaab daran uu kuula dhaqmayo. Difaaca iyo xanaaqaaga waxay ka sii qaadayaan awood.

Taa bedelkeeda, waxaad gedisaa sheekada, waxaadna diiradda ku wareejisaa dhankooda. Waxa ugu wanaagsan waa in aad keentaa su’aalo wax ku ool ah oo baaritaan u eg oo kuwaa ama qofkaa la weydiiyo.

Haddii ay damcaan in ay dhaliilaan shaqadaada, waydii su’aal u muuqata in iyaga au shaqadooda gabeen.

Haddii ay isku deyaan in ay ku cabsi geliyaan ama xushmad darro ay kaaga muuqato. U sheeg in aad fileyso in si wanaagsan ay kuula dhaqmaan oo ay ku xushmeeyaan.

  • Farxaddaada waxay ku jirtaa gacmahaaga

Weligaa ha ogolaan qof xun in uu xumeeya farxaddaada iyo niyaddaada, ama in uu xakameeyo sida ay farxaddaada iyo qanaacadaada noqonayaan.

Ha ogolaan in hadal xun ama walwal aan jirin in ay saameyn kugu yeeshaan, hana aqbalin in qof kale aragtidiisa ay madoobeyso maalintaada.

Dadka kale ha ka raadin in ay mahdiyaan shaqada wanaagsan ee aad qabatay iyo guulahaaga. Adiga is Mahdi, waxaadna eegtaa sidii aad horey ugu socon lahay.

Faham meelaha uu jahwareerka kaaga imaanayo, ka dibna iska baabi’i. Xusuusnow in adiga aan xukunto dareenkaaga iyo caafimaadkaaga maskaxeed.

Dadkal kale ha isla barbardhigin, niyaddana ku hay in qiimaha naftaada adiga aad masuul ka tahay ee dadka kale aysan shaqo ku lahayn.

Aragtidaada ka dhiibo