Nin bidaar leh
Bidaarta waxyaabaha sababa iyo cuntooyiinka u wanaagsan - GETTY IMAGES

Uma maleyneysid ee bidaar way ku geli rabtaa, hadaba iska gaar!

Sida laga soo xigtay dhakhtar ku taqasusay dib u soo celinta timaha ka biibay meesha bidaarta ah, Dr. Alan Bauman, wuxuu aaminsan yahay in illaa 20 boqolkiiba ragga ay bidaarta ku billaabato markay 20 sano soo gaaraan.

In kastoo hide-sidaha iyo dhaxalka ay kaalin wayn ku leeyihiin, haddana waad xakameyn kartaa timahaaga adigoo isticmaalaya cuntooyiinka hoos ku xusan.

Waxay ilaaliyaan timaha qeybta jeeda hore oo si wanaagsan u baxaya iyo kuwa dhexda oo bidaarta ay ka celinayaan.

Si la mid ah qeybaha kale ee jirka, timahana waxay u baahan yihiin in la nafaqeeyo oo la siiyo dawooyiin kala duwan”, ayuu yiri dhakhtarka.

“Nafaqada waxay marka hore daweyneysaa haragga sida xididdada, iyo unugyada kale eek u jira, ka dib ayey timaha soo saareysaa. Waa muhiim hadaba in aad cunto nafaqooyiinka u wanaagsan timaha.”

Halkan ka eeg illaa 7 cunto oo u wanaagsan timaha kana hortaga bidaarta.

Dufinka Omega-3

Waa saliid u fiican maskaxda iyo wax intaa ka badan, Omega-3 waxay dhalaalineysaa madaxaaga. Waxay saliidda wax u tareysaa timaha iyo unugyada madaxa ku jira.

Waxay bixisaa timaha, waxay soo saartaa kuwa soo bixi waayay, sida laga soo xigtay dhakhtar lagu magacaabo Batayneh.

Sidoo kale waxay saliiddan jilcisaa timaha, waxayna ka celisaa in ay jajabaan ama daataan, marka aad qubeysaneyso.

Haddaba jirkaaga iskiisa uma soo saari karo saliidda omega-3; waxkastoo aad cunto waa waxa jirkaaga ka soo baxaya. Haddaba cun kalluunka ama marso saliidda omega-3!

Maadada Zinc

In haragga ay timaha ka baxaan uu soo hagaago, ayna timaha si wanaagsan uga baxaan, zinc ayaa arrintaas gacan wayn ka geysaneysa.

Sidoo kale waxay hagaajisaa hoormoonada jidhka iyo madaxa. Sidoo kale waxay soo saartaa saliid hoose oo aan la dareemeyn balse timaha quudineysa

Balse ha iska badinin. Sababtoo ah waxaa ku jiro maado loo garanayo testosterone taas oo lala xiriiriyay in timaha ay baabi’iso, sida dhakhaatiirta qaar ay aaminsan yihiin.

Sida seynisyahannada ay qoreen, waxaad u baahan tahay 11mg maalinta oo dhan.

Borotiin

Marka kiimisteriga la eego, timahaagu waa borotiin nadiif ah. Haddaba haddii aadan borotiin wanaagsan u cunin jirka iyo timaha dartood, bidaar way ku geli doontaa.

Sidoo kale haddii borotiinka aad isku yareyso, timahaaga waxay noqon doonaan cirro, sida uu sheegay Bauman.

Waa inaad cunto raashiin dabiici ah oo leh borotiin wanaagsan. Haddii aadan hilibka cunin, ha walwalin, waxaa jiro dawooyiin badan oo laguu diyaariyay.

Wax leh xadiid ama Iron

In aad cunto xadiid ama dawo leh iron, waa qeyb ka mid ah isu dheelitirka caafimaadka. Maadadan waxay kordhisaa unugyada dhiigga ee jirka oo dhan.

Haddii aad cuni waydo, dhiiggaaga waxaa ka dhammaanaya hawada qeybta ka ah in timaha ay si wanaagsan u baxaan.

“Dhaqaatiir badan waxay xiriir u yeeleen dhiig la’aanta iyo bidaarta,” Batayneh ayaa sidaa sheegay.

Fitamiinnada A iyo C

Labadan fitamiin waxay soo saaraan maadooyiin bixiya timaha yaryar ee xaadda ah.

Haddii aad ku qubeysato waxyaabo lagu daray labadan fitamiin, timahaaga waxay ka dhamaaneysaa aflaaqada, jajabka, si wanaagsanna way u baxayaan.

Maadada Magnesium

Maadadan lagu barto kiimistariga ee Magnesium waa dareeraha afaraad ee ugu badan jirka, waxaana loo baahan yahay in uu sameeyo illaa 300 oo falcelin — waxaa ka mid ah  in timaha ay baxaan, sida laga soo xigtay Machadka Caafimaadka Dabiiciga ah.

Sida dhaqaatiirtu ogaadeen, qofka jidhkiisa ay ku yartahay maadadan – rag ama dumarba – waxay wayn doonaan timaha oo bidaar ayaa geli karta.

Maadada Selenium

Waa mid kale oo kimistariga qeyb ka ah, waxayna la falgashaa dhiigga Hide-sidaha ee DNA kaas oo xoojiya awoodda difaaca jidhka, gaar ahaan dhanka ilaalinta timaha.

Haddii ay kugu yaraato, waxaa kaa xiirmaya timaha xaadda jidhka iyo kuwa madaxa – Sababtoo ah waxaa yaraanaya bixitaanka timaha, ka dibna way xiirmayaan.

Aragtidaada ka dhiibo