Maskaxda
Image Credit: UNSPLASH

Maskaxda waxay u kala qeybsan tahay qeybo kala duwan oo qabta shaqooyiin kala gedisan.

Qeybahaas waxay kala yihiin ama lagu kala magacaabaa farqaha. Waxay kala yihiin: Farqadda hore, farqadda ku meel gaadhka ah, farqadda Isirka, Farqadda gadaale, farqadda qaabilsan dhaqdhaqaaqa xubnaha jirka ee ku jiirta gadaal, iyo qeybta loo garanayo Brain Stem ee isku xirta maskaxda iyo qeybaha kale ee jidhka oo dhan.

Shaqada Farqadda hore

  • Feejignaanta iyo u fiirsashada
  • La socoshaha naftaada
  • Qaabeynta ama dib u habeynta
  • Hadalka (Luqadda wax qeexda ama lagu muujiyo)
  • Qorsheynta iyo billaabidda
  • Agoonshaha awooddaada iyo xadkaaga
  • Shaqsiyadda
  • Dabacsanaanta maskaxeed
  • Ka hortagga dabeecadaha qaar
  • Dareenka qiirada leh
  • Xallinta khilaafaadka
  • Filashada iyo qorsheynteeda
  • Go’aan gaaridda

Farqadda Isirka

  • Dareenka taabashada
  • Garashada guud
  • Kala garashada midabbada, cabirka iyo qaababka walxaha
  • Aragtida iyo garashada

Brain Stem

  • Neefsiga
  • Kicinta dareenka iyo miyir-qabka
  • Feejignaanta iyo u fiirsashada
  • Wadne garaaca
  • Hurdada iyo soo jeeditaanka is bedelkooda

Farqadda ku meel gaadhka ah

  • Xusuusta
  • Fahamka luqadda
  • Garashada sida wax isugu xigxigaan
  • Maqalka
  • Dib u habeynta

Farqadda dhaqdhaqaaqa xubnaha jidhka

  • Isu dheelli tirnaanta
  • Howlaha xirfadaha ee jidhku bartay, uuna sameeyo
  • Isuduwidda iyo is fahamka

Farqadda dambe ee maskaxda

  • Aragtida


Midigta ama bidixda maskaxda

Sidoo kale qeybaha shaqo ee maskaxda waxaa loo kala qeybiyaa midigta ama bidixda. Labadaas dhinac waxay mid kasta qabataa shaqo u gaar ah.

Mararka qaar waxay noqon karaan howlgab, haddii jug ay ku dhacdo ama dhaawac uu gaaro. Mararka qaarna wayba demi karaan gebi ahaan.

Haddaba haddii uu dhaawac ama jug gaaraan maxaa dhici kara:

Dhaawaca qeybta bidixda ee Maskaxda waxay sababi kartaa:

  • Dhibaato dhanka fahamka luqadda iyo hadalka ah
  • Dhibaato ah in ay qofka ku adkaato hadalka ama erey afkiisa ka soo baxa
  • Ficillo aad u xun (Walbahaar, walwal iyo xanaaq)
  • Xusuusta hadalka oo lunta
  • Ciqliga oo taga
  • Fahan la’aanta sida wax isugu xigxigaan
  • In qofka uu xakameyn waayo dhaqdhaqaaqa dhanka midi gee jidhka

Dhaawaca gaara dhanka midig ee maskaxda wuxuu sababi karaa:

  • Aragga oo qofka uu naafo ka noqdo
  • Xusuusta oo lunta
  • Maskaxda uu diida la shaqeynta dhanka bidixda jidhka
  • Fahamka oo yaraada ama wada luma
  • Qofka oo aan si wanaagsan u fakarin
  • In uu lumo sida guud ee maskaxda ay u fikirto
  • In maskaxda ay xakameyn weydo dhaqdhaqaaqa dhanka bidix ee jidhka

Waxaa jiro dhaawacyo kale oo sababa:

  • Xawaaraha fikirka qofka uu yaraada
  • Jahwareer
  • In ay yaraadaan feejignaanta iyo ka fiirsashada
  • Daal badan
  • In dhammaam qeybaha garashada iyo xirfaddooda oo yaraata

Aragtidaada ka dhiibo