Sheekh Mustafe Xaaji ismaaciil
Sheekh Mustafe Xaaji ismaaciil

Adduunka waxaa ku nool dad aad u badan oo isugu jira kuwa guuleystay iyo kuwa guul dareystay marka dhanka nolosha laga hadlayo.

Dadka waxaa ka mid ah kuwo si wayn u dadaala sidii ay horumar u gaari lahaayeen, iyo kuwa niyad jaba oo aan waxba qabsan.

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil wuxuu sheegay in guusha nolosha ay labadan arrimood fure u yihiin:

  • Raadi fursadaha

Sheekha wuxuu yiri: “In aad isbedel raadiso oo aad guuleysato laba shay bay u baahan tahay. Kan koobaad, raadi fursadaha nololeed; ha quusan weligaa”.

“Ma jiraan wax la yiraahdo waddo ma lahan. Markasta way jirtaa waddo fursadeed. Wax kasta oo bulshada ay ku sugan tahay, waxaa jiro waddo looga baxo.

“Hoggaamiyeyaasha dunida ee la garanayo – xitaa kuwa maadiga – meel aan waxba ka jirin ayey wax ka dhaliyeen.”

Sheekha wuxuu tusaale u soo qaaday dalka Hong Kong oo ad waddan aad u yar haddana ka mid ah meelaha ugu dhaqaalaha badan caalamka. Dalkaas baaxadda dhulkiisa aad ayuu u yaryahay.

Sidoo kale wuu soo dhoofsadaa ciidda guryaha lagu dhiso. Haddana Hong Kong waa mid ka mid ah meelaha ay ku yaallaan daaraha ugu quruxda badan uguna dhaadheer caalamka.

Hong Kong waxaa ku yaalla kumannaan iskuul oo laga barto farsamada gacanta. Sidoo kale qofka madaxda ka ah wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ugu mashuurka badan caalamka.

Marka wuxuu Sheekh Mustafe sheegay in taa ay tusaale u tahay in qofka (Hoggaamiye ama shacab), uu la loolamo nolosha. “Qof isku deyaya in uu caqabaadka ka tallaabo.”

Arrintaa wuxuu ku micneeyay in ay la mid tahay qof raadinaya fursado si uu uga faa’ideysto.

“Nabi Maxamed (CSW) 13 sano ayay Qureysh iyo intii ku xeyrnayd diidanayd. Dhallin yaro Ansaar ah baa aqbashay. Fursaddii ayuu ku sameeyay dowlad Islaami ah”, ayuu yiri Sheekah, Alle ha barakeeyee.

“Isagoo 15 fursadood waayay ayuu hal fursad helay. Wuxuuna ka sameeyay dowlad Islaami ahoo dunida oo dhan gaartay. Marka halkaa mar ayuu ka faa’ideystay”.

  • Ha cabsanin ee tijaabi, halistana wajah

Inta badan dadka caalamka ku nool way ka baqaan halista, mana jeclo in ay toos u wajahaan si ay uga guuleystaan ama uga gudbaan halistaan.

Balse in qofka uu tijaabiyo oo dibna u eego casharka uu ka bartay in uu foodda daro halista, waxay ka mid tahay arrimaha guusha u horseeda nolosha.

“Dhibaatooyiinka cidda ka baqataa, horumarka ma gaarto. Xitaa shirkadaha waaweyn sidaas ayey ku taajiraan. Meel kastoo aan halista wajihin, faa’iidadeedu way yartahay”.

“Halista iyo faa’iidada way wada socdaan. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa; ‘bartii yaqaan, bari uma korodho’. Yacnii waa qof aanan nolosha toos u wajeheyn ee inta uu garanayo ku warwareegta”, ayuu sheegay Sheekh Mustafe oo ka hadlayay nolosha iyo guusheeda.

“Guushu waa laba uun; waa fursadaha iyo u diyaargarowga – yacnii haddii fursadaha ku horyaallaan balse aadan u diyaargaroobin horey uma soconeysid. Haddii adigu diyaar tahay laakiin fursadda aad waydana soconmeysid.”

“In aad halista wajahdo micneheedu ma ahan jar iska xoornimo.”

Sheekha wuxuu tusaale u soo qaatay ciyaaraha Chess-ka oo la mid ah shaxda. “Marku qofka ciyaarayo wuxuu ka fakaraa ‘maxay natiijadu noqoneysaa haddii halkan aad ka baxdo. Haddii midkaa aad guurto, wuxuu guuri karaa kaas, kaas, kaas iyo kaas.”

“Markaasaa waxaa la is weydiiyaa, ‘kaa hadduu guuro,midkee guureysaa adigana; ka warran hadduu kaa guuro, kaa kale baad guureysaa’.”

“Marka aad xisaabiso fursadaha aad haysato ayaad dhiiraneysaa. Laakiin xaqiiqo uma haysid oo ma hubtid in aad guuleysan doonto.”

“Haddaba hoggaamiyaha dhabta ah waa ninkaa cayaaraya Chess-ka. Laakiin ma ahan sida qof cayaaraya laadhuuda. Dee waa iska qulux-qulux siineysaa, waadna eegeysaa wixii ka soo booda.

“Marka maskaxda maadan isticmaalin ee waa ku dey. Waa jar iska tuurnimo. Marka ma rabno taa, laakiin waxaanu rabnaa qof garanaya fursadku markuu doonayo, markuu helana aaney dhaafeyn”, ayuu sheegay Sheekha.

Aragtidaada ka dhiibo