cunto
noocyada cuntada u fiican maskaxda

Dhammaanteen waan ognahay faa’iidada ay leedahay cuntada nadiif ah ee cusub ee caafimaadka laga helo, jirkana bini-aadamkana u wanaagsan – balse ka warran maskaxda?

Haddaba akhriso toddobada cunto ee u wanaagsan awoodda maskaxda iyo sida ay u shaqeyso:

1. Oily fish (Saliidda kalluunka)

Markasta waad maqashaa in kalluunka u wanaagsan yahay maskaxda – Maxay tahay sababta?

Aan kuu sharaxno mucjisada cadiinta yare e aasidka leh ee loo garanayo DHA.

DHA waa dawada fitamiinka ah ee Omega-3, taas oo si wayn u caawisa maskaxda, muddada dhow iyo mustaqbalkana ku anfaceysa, waxay kaalin wayn ka qaadaneysaa in xusuustaada iyo fikirkaagu wanaagsanaadaan.

Waxaa intaa dheer in haddii ad maalin kasta cunto Omega-3 in uu xoogeysanayo cafimaadka maskaxdaada iyo fayaqabka, waxaana kaa yaraanaya xanaaqa iyo walwalka.

DHA waxaa laga helaa kalluunka oo keli ah. Haddii aadan jecleyn in kalluunka aad toos u cunto, waxaa jiro isagoo dawo laga soo dhigay oo aad isticmaali karto.

2. Miraha Berries-ka

Strawberries, blueberries, raspberries iyo blackberries – haddii aad dooneyso khudaar macaan oo caafimaadka u wanaagsan, xalna u noqda waxa maskaxda kaa haysta, waad tan hadaba.

Mirahan waxaa laga helaa kiimiko kaa caawineysa in ay dib u caafimaadaan unugyada maskaxda ee hallaaba, sidoo kale waxay ka hortagayaan caabuqyada dhibaatada u geysan maskaxda.

Sidoo kale waxay caawinayaan yareynta dhibaatada maskaxeed eek a dhalata wasakhda hawada, sigaarka iyo waxyaabo kale.

Waxaa kiimikada laga helo mirahan loo adeegsan jiray daweynta walwalka iyo walbahaarka iyo sidoo kale ilawshiyaha.

Sidoo kale waxaa laga faa’idaa sare u kaca xusuusta, ka fiirsashada iyo xoog saaridda arrimaha kala duwan iyo dareenka maskaxda oo aan tagin.

3. Caanaha garoorta ah (Yoghurt)

Haddii horey aad u ogeyd in garoorta loo isticmaalo calool xanuunka, waxaa suuragal ah in naftaada u wanaagsan tahay, balse aadan is ogeyn.

Dad badan way jecel yihiin yoghurt sababtoo ah waxay og yihiin in ay ka helayaan maadada loo yaqaano probiotics (taas oo caawiso hannaanka caloosha ee dheef-shiidka).

Si kastaba, cilmi-baaris dhowaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in maadooyiin faa’iido u leh maskaxda laga helay garoorta. Waxay taas yareyneysaa walwalka, walbahaarka iyo fikirka xun ee waalida oo kale ah.

4. Noocyada kala duwan ee masagada beeraha

Waxaa jirto sabab ay mirahan u macaan yihiin – hana ka reebin waxyaabaha aad maalin kastaa cunto.

Sida lagu ogaaday baaritaan dhanka caafimaadka ah, masagada waxaa ka buuxo maadada loo garanayo tryptophan, waa kiimiko soo saarta serotonin (oo ah in ‘hormoonada jirkaaga ay wanaagsanaadaan’).

Serotonin waxay xasilisaa maskaxda, waxayna wanaajisaa niyaddaada, waxaana laga faa’idaa hurdo isu dheelitiran oo wanaagsan.

5. Lowska

Haddii aad raadineyso waxyar oo fudud oo aad cunto una fiican caafimaadka maskaxda oo waara, haddaba ha moogaanin lowska. Sida aad aragta maskaxda ayey u eg yihiin taasina waa sabab.

Lowska wuxuu leeyahay maadooyiin dila waxyaabaha maskaxda dhibaateeya, wuxuuna kordhiyaa kiimikooyiinka adkeeya maskaxda iyo jirka.

Arrinta kale ee mucjisada ah waa in miraha kala duwan ee lowska ay u wanaagsan yihiin neerfayaasha ayna abuuraan kuwa cusub oo xoojiya maskaxda, madaxa iyo qeybaha kale ee jirka.

Sida caadiga ah, lowska wuxuu inaga caawinayaa in ay sameysmaa unugyo cusub oo maskaxda ah, taas oo kaalin wayn ka qaadata caafimaadka maskaxda.

6. Khudaarta cagaarka ah

Waa suuragal in aad horey u maqashay in si wayn loo amaani khudaarta cagaarka ah in wax kasta laga helo – sida caafimaadka maskaxda.

Sida lagu xusay cilmi-baaris cusub oo lagu daabacay majaladda Neurology, dadka maalin kasta cuno khudaarta cagaaran sida spinach, kale iyo collard, waa dad aan waxba illaawin, marka la barbardhigo dadka aanba cunin khudaarta noocaas ah.

7. Digirta

Digirta waa laxanka wax kasta oo la cuno – balse ma og tahay in digirta ay ka mid tahay cuntooyiinka sababa farxadda iyo caafimaadka maskaxda?

Digirta waxaa ka buuxo nafaqo iyo maadooyiin xoojiya maskaxda. Waa xaalad caafimaad oo waarta, waxayna isu dheelitirtaa sokorta dhiigga ku jirto.

Sidoo kale waxaa laga helaa tamar ama awood badan (oo la og yahay in caafimaadka maskaxda u fiican tahay).

Digirta waxaa kaloo laga helaa maadada thiamine, oo ah fitamiinka soo saara kiimikada acetylcholine (Taas oo muhiim u ah dhanka xusuusta iyo shaqeynta maskaxda).

Aragtidaada ka dhiibo