Si aad ugu guuleysato imtaxaannada shaqo-doon, waa in aad dabeecadahaaga hagaajiso, soona tababarato
Si aad ugu guuleysato imtaxaannada shaqo-doon, waa in aad dabeecadahaaga hagaajiso, soona tababarato

Waa suuragal in aad mar uun gashay imtaxaanka shaqadii aad ku hammineysay. Haddii aad tahay qofka ugu haboon shaqada, CV-gaagana uu ahaa mid la wada jecleystay, Weli waxaad u baahan tahay arrimo kala duwan – Shirkadda, dhaqanka, shaqada, qofka ku wareysanayan.

Haddaba wixii aad u baahnayd waa kuwan iyo qodobbadii aad naftaada ku xayeysiin lahayd.

Marka wareysigu bilowdo, waa in aadan baqin oo aad noqotaa qof naftiisa xakameeya. Waa in neerfayaashaada aysan kicin, oo aadan shigshigin. Haddii aad is xakameyn waydo oo wakhtiguna kugu socdo, jawaabihiina aad sheegi la dahay, waxaan kugu caajisaya qofka ku wareysanaya, waana suuragal in shaqada aad sidaa ku waydo.

Si aad ugu guuleysato imtaxaannada shaqo-doon, waa in aad dabeecadahaaga hagaajiso, soona tababarato-min
Si aad ugu guuleysato imtaxaannada shaqo-doon, waa in aad dabeecadahaaga hagaajiso, soona tababarato-min

Haddaba maxaa khaldamay?

Sida aad ogtahay, waad isa soo diyaarisay – qodobbadii kugu muhiimsanaa waad soo qoratay – balse sida dad kale oo badan – arrimaha muhiimka ah uma soo diyaargaroobin: Guushaada shaqo.

Haa, guusha horey aad uga gaartay dhanka shaqadan waa midda ugu muhiimsan. Waa sida jilaaga uu isugu diyaarinayo in uu dabeecadahaas matalo. Arrintaas waxaad ka qaadan gartaa talooyiin qaar. Sida aad u dhaqanto una bandhigto guushaada shaqo waa mid ugu muhiimsan ee wareysiga shaqada.

Waxaa lagaaga baahan yahay kalsooni, karti shaqo, jeclaanta, dabacsanaanta iyo diyaar ahaanshaha markasta iyo kuwa kale oo badan. Sida arrimahaas loogu guuleysto ma waxay u baahan yihiin dadaal dheeraad ah? Eeg awooddaada dabiiciga ah, iyo sida aad wax u matali karto. Sidoo kale hagaaji dabeecaddaada.

Haddaba muhiimadda dabeecadda iyo iska yeelyeelidda. Kaw arran haddii aad ahaato sida naftaada caadiga ah ay tahay? – Dad badan oo dadka kale ka caawiya wareysiyada shaqo, waxay sheegaan in aad ahaato waxa ay naftaada tahay, dabeecad ku saleysan qiyamkaaga in ay u wanaagsan yihiin shaqada.

Marka aan si wanaagsan oo kooban u adeegsado jilliinka, waxaan baran karnaa arrimo cusub iyo guulo cusub – waana sida saxda ah ee qeybta ka ah nolosheena.

Waa sida lagu ogaaday cilmi baaris la xiriirta in aadan iska dhigin wax aadan ahayn, iyo sida aad dabeecaddaada u hagaajin karto. Waxaana la sheegay in jilliinka wanaagsan uu u fiican yahay qofka shaqo doonka ah.

Marka aad shaqada raadineyso, waxaa iska muuqata in aad dooneyso xil cusub ama shaqo aan ahayn middii aan haysay. In xirfaddaada aad u horumarisay dhanka jilliinka way ku caawin doontaa. Ma ahan shaqa-doonnimada oo keli ah, balse waxay kaa caawineysaa in aad horumar dhanka shaqada ah aad gaarto, xilliga casriga ah.

Haddaba qof noocee ah baad dooneysaa in aad noqoto ama metesho? Waa meesha ay ka imaaneyso arrinta la xiriirta “dabciga qofka shaqa doonka ah”.

Waxaan qorataa tayada ay leeyihiin dadka ku guuleysan kaga shaqadan. Waxaa suuragal ah in ay jiraan taayo u gaar ah shaqada adiga aad codsaneyso ee loo baahan yahay.

Tusaale ahaan, injineer dhanka software-ka ah ama agaasime dhanka suuqgeynta qaabilsan, waxay u kala baahan yihiin dhaqamo iyo tayooyiin kala duwan.

Marka waxaad u baahan tahay in aad ogaato sida shirkadda aad shaqada ka dooneyso u dhaqanto ama u shaqeyso.

Dadka xirfadda u leh shaqaaleysiinta waxay inta badan raadiyaan tayada u wanaagsan guushana u ah shaqada. Waxaa qeyb ka ah sida jirkaaga u dhaqaaqayo marka aad jawaabeyso iyo kalsoonida qofka iyo sida uu u xakameynayo naftiisa iyo hadalkiisa taas oo maamulnimo ay ka muuqaneyso.

Haddaba waa in aad arrimahan isu diyaarisaa si aad u noqoto qofka ku guuleysta shaqada:

  • Noqo qof wax xiiseeya: Dadka intooda badan, si aad ah ayey u hadlaan inta uu wareysiga socdo. Taa bedelkeeda muuji in aad tahay qof jecel oo xiiseynaya in shaqada uu qabto. Weydii su’aalo la xiriira shaqada. Taas waxay kaa caawineysaa in aad ogaato waxa uu doonayo qofka ku wareysanaya, waxayna muhiim u tahay in aad soo jiidato qofkaas.
  • Aqbal wada sheekeysi kasta oo laguu soo bandhigo: Dabcan waad u baahan tahay in aad is diyaariso oo qodobbo aad haysato. Balse in aad u hadasho sida qof wada sheekeysi ku jira waa muhiim, halkii aad u ekaan lahayd qof wax soo xifdiyay. Si deggan u dhageyso su’aalaha, hadalkana haka dhexgalin marka lagula hadlayo. Maanta waad billaabi kartaa in arrimahaas aad naftaada barto si aysan kuu dhibin marka wareysi shaqo laguugu yeero. In jawaab kasta aad ka bilowdo ‘HAA’ waa midda hadda laga qiimeeyo goobaha shaqada. Taasna waxay kaa caawineysaa in aad diiradda saarto dhaqanka iyo dabcigaaga ku wajahan qofka ku wareysanaya.
  • Isu diyaari in aad dhacdooyiin iyo wax aad khibrad u leedahay ka sheekeyso: Tani waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee looga baahan yahay qofka shaqo-doonka ah. Qof sheeko ka sheekeyn karauna gudbin kara qaab dareen leh oo la jecleysto, lana xiriirta wax uu khibrad u leeyahay, waxay muhiim u tahay hoggaaminta mashaariicda iyo shaqooyiinka guud.
  • Tusaale u soo qaado shaqo aad horey u sameysay oo guuleysatay. Ka sheekee xilligii aad bilowday, wixii aad sameysan ka hor intaadan gudo galin, caqabadihii aad la kulantay iyo sidii aad u xallisay iyo ugu dambeyn guushii aad ka gaartay iyo muddada aad ku dhameysay. Soo bandhigay cadeymo ku saabsan qiimeynta aad sameysan iyo waxa laga faa’iday mashruucaas. Badanaa tiro waa midda ugu wanaagsan.

Aragtidaada ka dhiibo